Xaflad lagu Furayay Dugsiga H/Dhexe AL.Amaan Docol Oo Lagu Qabtay Xarunta Dugsigaasi Magaalada Docol Ee Dawlad Goboleedka Galmudug State.{Daawo Sawirada}

Feb,6,2008  www.Hobyoradio.com

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayna  ka soo qayb galeen boqaal  Dadweyne ah iyo marti sharaf kala duwan oo lagu casuamay xafladda, culimo udiin, Dhalin yaro ayaa lagu qabtay xarunta iskuulka Hoose Dhexe AL.Amaan Docol ee degmada Docol oo ka tirsan deegaanada dawlad goboleedka Galmudug state.

Masuuliyiinta ka kala socotay jaaliydda dibada ururka taakulo oo ah ururka iskuulka dhanka wax barshada ka taakulaynaya culimo’udiinka odayaasha,ayaa ugu horayntiii kormeer ku soo kala bixiyay qaybaha uu ka kooban yahay iskuulka ee faslada iyo aygoona su’aalo dhnka wax barshada ah ardayda ay maclimiintu waydiinayeen.

Munaasabaddan oo xariga looga jarayay iskuulkaasi ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay maamulaha iskuulka Maclin Saciid cali cumar  {carbeeto}oo sharaxaad ka bixiyay hawsha iskuulka oo uu sheegay in mudo uu iskuulku ahaa mdi aysan wax barsho wanagsani ka socon oo uu marna xirnaa marna shaqaynayay intaasi uu tabrucaad arday aan badnayn ay wax ku barnayeen balse xiligaan ay muuqato in arintaasi ay xil iska saareen  qaar ka tirsan masu’uliyiinta udhalatay deegaanda galmudug ee jaaliyadda dibadda ka timid oo iskuulka si rasmi ah wax barshadiisa u furay.

waxa uuna macalin saciid carabeeto sheegay in laba fasal ay iminka udiyaar yihin agbkii wax barshada in kasta oo ay ciriiri ku yihiin kuraasta  ay radaydu hada wax ku barnayaan maamulha yaa intaasi ku daray in ardayda iminka liiska ku jirta ee udiyarka ah in ay wax ka brtaan iskuulka docol ay aad ufarabadn yihiin.

 Sheekh cali jaamac yare ayaa sina munaasabdda ka soo jeediayay wacdi diini ah oo aad uqiimo badnaa sidoo kale uu wax barshada uga hadlyay midda diinig ah iyo tan maadiga ahba.

Waxaa munaasabadaasi ka hadlay suldaan C/laahi Max’d ducaale {fayf} oo umahd celayay intii ka soo shaqaysay dadaalka dheerna ugasahay in iskuulka deeganka docol oo mudo wax barsho i aysan ka socon ay dib uhawl galiyaan qaybaha bulshada ee deegaanka docolna waxa uu suldaan fayf ugu baaqay in ay ka faaidaystaan fursadaan gurigooda ugu timid ee ay walaalohood u keeneen ayna la hsaqeeyaan maamulka iyo macalimiint iskuulka.

Munaabada furitanka iskuulka deeganka docol ayaa waxaa isna ka ahdlay cumar maxam’ud rooblle {Cumar Suuri} oo ka mid ah jaaliyadda dibda ee danka wax barshada iyo in iskuulka la furo abaabulkeedba lahaa waxaan xusid mudan in cuamr suuri uu yahay ninka dadaalka ugu badan ugalay iskuulkaasi waxa uuna munaasabada ka sheegay in siskuulku uu hada waxii kadanbeeya furan yahay hadii ay yihiin jaaliyada dibadana ay hawshaasi xooga saaryaan waalidiintna waxa uu kacodsaday in ay wax barshada ilmahooda ukeenaan iskuulka .

Waxana ugu danbayn munaasabadda ka hadlay cabul cali gaas {wadaad yare} oo jaaliydda dibda kamid ah kana mid ah ururka TAAKULO ee wax barshada iskuulka gacanta ka gaysanaya waxa uuna wadaad yare ka hadaly wax barshada iyo muhiimadda ay uleedahay qaybaha kala duwan ee bulshada walba oo deegaa ku nool iyo sida loogu baahan yahay in fursadahaan laga faaidaysto Waxaana Munaasabadda furitaanka iskuulk hoose dhexe ee magaciisu ayhay AL.Amaan Docol ay ku soo gaba gabawday jawi aad uwanaagsan.

Cabdalla Max’d Cabdille

Hobyoradio Docol

Gal-Mudug State SOMalia,

Mobail:00252162 270923

Cabdalla45@gmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com