Kulan balaaran oo dhexmaray Madaxda Galmudug iyo Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Degmada Xarardheere ee dowlad goboleedka Galmudug State. Daawo Sawirada.

Feb,8,2008  www.Hobyoradio.com


Kulankaan oo ay iskugu yimaadeen inta badan xubnaha baarlamaanka dawlad goboleedka Galmudug state iyo jaaliyada u dhalatay Galmudug oo ka kala yimid muqdisho iyo dalka dibadiisa ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay wafdi ka socday degmada  Xarardheere ee gobolka mudug oo socdaal ku yimaid magaalada Galkacyo.



Waxaana kulankaani shir gudoominayay gudoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka Galmudug state Mudane Xasan Macalin Yuusuf aydoona kulankaasi lagu falanqeeyay sidii ay Galmudug hawleheeda ay ugu balaarin lahayd deegaanka Xarardheere ee gobolka Mudug.


kulankaasi oo mudo saacado ah soconayay ayaa gabagabadii waxaa saxaafadda la hadlay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Bararlmanka Galmudug Mudane Xasan Macalin Yuusuf asgoona sheegay in masuuliyiinta kasocotay deeganka Xarardheere ay isku afgarteen waxii ay ka wada hadleen isla markaasina kulamo kale ay dib iskugu soo laabanayaan maal maha soo socda.


Dhanka kalena waxaa masuuliyiintii kasocday degmadaa Xarardheere u hadlay gudoomiayaha Degmada Xarardhere oo wafdigaasi hogaaminayay C/salaan Qaliif Axmed oo umahadceliayay sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen xildhibaanda Galmudug iyo jaaliayada ku sugan Gaalkacyo ee udhalatay deegaanada Galmudug state. Waxa uuna sheegay gudoomiyuhu in ujeedadoodu tahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen hawlaha balaaran ee ka socda deeganada Galmudug ee nabad galyadu ka mid tahay asagoo ugu danbayna xusay in deeganka Xarardheere uu ka mid yahay deeganada Galmudug state shaqadana ay dhinacooda ka wadayaan.


Waxaana ugu danbayn lagu balamay kulamo danbe oo ay yeehsaan masuuliyiinta Galmudug iyo wafdiga Degmada Xarardheere iyo xilidhibaanada iyo jaaliayda Galmudug state.
 


Cabdalla Max'd Cabdille
Hobyoradio Galakcyo,
Gal-Mudug State SOMalia,
Mobail:00252162 270923
Cabdalla45@gmail.com
Cabdalla45@hotmail.com

Gabay  Dabadhilif  Tigree soo horkacey iyo walee duufle baayimide.
May-muun Sheekh Aden.

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com