Wasaarada Iskaashiga iyo Xariirka caalamiga ah ee Dowlad goboleedka Galmudug oo shaacisay in ay dhawaan ay howsheeda guda galidoonto
Feb,9,2010
www.Hobyoradio.com
Wasaarada Iskaashiga iyo Xariirka caalamiga ah ee Dowlad goboleedka Galmudug oo shaacisay in ay dhawaan ay howsheeda guda galidoonto
Wasiirka Wasaarada Iskaashiga iyo Xariirka Caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug Cumar Maxamuud Rooble(Cumar Suuri) oo Waraysi gaar ah siinayey Barnaamijka Xulashada ee Idacaadda Hobyo ee Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dhawaan ay wasaraadiisu ay guda gali doonto howleheedii kaladuwanaa islamarkaasina xiriiro Kaladuwan lala soosameeyey.
Wasiirka ayaa sheegay in hay'adaha caalamka qaar kamid ah ay xariir lasoosameeyen ayna ka wada hadleen sidii ay Dowlada goboleedka Galmudug xarumo oga samaysan lahaayeen, waxaana uu bulshada Galmudug ee qurbo joogta ah uu ugu baaqay in ay iska diiwaan galiyaan xafiisyada hay'adaha Caalamka si isla wada shaqayntu u sah lanaato.
Hadalka Wasiirkla wasaarada Iskaashiga iyo Xariirka caalamiga ee Dowlad Goboleedka Galmudug Cumar Maxamuud Rooble(Cumar Suuri) ayaa imaanaya xili mudo yar uu xilkaasi hayo waxaana haatan socda dadaalo uu wasiirku kudoonayo in howsha loo xilsaaray uu ku guda galo, waxaana uu qorshaynayaa inuu safar ugu bixidoono magalada Nayroobi ee dalka Kenya.


W/D:Rooble
Maxamed
Dirir
rooble771@hotmail.com
W/tafaftiray
Agaasime
Siciid
Jaani
SiciidJaanii@hotmail.com

Daawo Video laga soo duubay