Hay’addda CARE iyo Ururka SDRO oo soo gabagabeeyay Raashin-qaybin lixaad leh oo ay 2 toddobaad ka wadeen Deegaannada Dawlad-goboleedka GalMudug.

Feb,10,2008  www.Hobyoradio.com

Hay’addda CARE iyo Ururka SDRO oo soo gabagabeeyay   Raashin-qaybin lixaad leh oo ay 2 toddobaad ka wadeen  Deegaannada Dawlad-goboleedka GalMudug.

                                                W.D. Calideeq Max’ed Xaashi.

 

     Hay’adda Caalamiga ah ee CARE INTERNATIONAL iyo ururka waddaniga ah ee Horumarinta iyo Dibdudhiska Soomaaliyeed SDRO Somali Rehabilitation and Development Organization, oo iskaashanaya,  ayaa 07\02\08.waxay soo gabagabeeyeen raashin-qaybin ballaaran oo ay si xawli ah uga wadeen deegaannada Dawlad-goboleedka GalMudug, illaa iyo  dhammaadkii bishii Janaury ee sannadka 2008-da  .

Mudane. Cabdi shakur Maxamuud Cilmi

Mudane. Max'ed  Xareed Max'ed

     Mudane Calidaahir Max’uud Xirsi, Isku-dubba-ridaha SDRO ee deegaannada Dawlad-goboleedka GalMudug,ayaa ii xaqiijiyay in  Raashinka caawimadaa ee ay ku deeqday hay’adda CARE ee ay qaybiyeen uu gaarayay 1001 tan (Kun iyo Kow tan).

        Raashinkaas oo ku rarnaa kolonyo baabuurta waaweyn ee is-jiidyada ah ayaa 24/01/08. wuxuu soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Dawlad-goboleedka GalMudug. Ka dibna ururka SDRO iyo CARE ayaa waxay ka  billaabeen qaybintiisa magaalada Gaalkacyo iyo dhammaan deegaannada kale ee Dawlad-goboleedka GalMudug.

Madaxa Hay'ada SDRO  Cali Dahir oo Kurmeeraya

     Magaalada Gaalkacyo ayaa raashin-qaybintu waxay ka socotay goobo cayiman oo ka tirsan xaafadaha Wadajir,Horumar iyo Garsoor. Waxaana raashib-qaybinta maammulayay  Hawl-wadeennada ururka SDRO ee madaxda u yahay mudane Calidaahir Max’uud Xirsi. Waxaana ka mid ahaa hawl-wadeennadaas SDRO  Maxed Xareed Max’ed, C/Laahi Xasan Max’ed (Qaboojiye), C/Shakuur Max’uud Cilmi, Max’ed Daahir-siney, Caddaawe Max’ed Yuusuf iyo kuwo kale.

      Dadweyne aad u badan, oo mararka qaar aad  mooddo xoon tiradooda, ayaa safaf dhaadheer waxay ugu jireen goobaha raashinka lagu qaybinayay.

      Ka sokow magaalada Gaalkacyo  Waxaa raashinka laga qaybiyay 67 goobood oo kala duwan oo ku baahsan illaa Hobyo, Galliinsoor iyo Af-barwaaqo iyo inta u dhexaysa oo balad iyo baaddiyaba leh.

    Mar aan wayddiiyay Calidaahir Max’uud Xirsi tirada dadka ay raashinka siiyeen ayuu sheegay in dad gaaraya 8776 qoys

Ay siiyeen raashinka. Wuxuuna intaas ku daray in raashinkaasi uu ka koobnaa 4 nooc. Oo kala ahaa masaggo, misir, boorash iyo saliid.

      Waa markii 4-aad ee CARE iyo SDRO ay sidan oo kale raashin-qaybin ballaaran ka sameeyaan deegaannada Dawlad-goboleedka GalMudug. Wuxuuna Calidaahir Max’uud Xirsi ii sheegay inaysan noqon doonin markii ugu dambaysan ee ay raashin-qaybiyaan. Ayna u qorshaysan inay mustaqbalka sii wadaan kaalmaynta shacabka. Wuxuuna u mahad-celiyay intii cagan ku siiyay hawshaas.

      Raashin-qaybinta CARE iyo SDRO ayaa waxay ku soo dhammaatay si Nabadgalyo buuxda ah. Waxaana ururka SDRO aad loogu ammaanay sida kartida iyo hufnaanta leh ee ay u maareeyeen Raashin-qaybinta.

      Raashin-qaybintan CARE iyo SDRO ayaa waxay ku soo aadday xilli ay dalka ka jiraan abaar kulul iyo sicir-barar aad u daran. Kuwaasoo adkeeyay durufaha nololeed ee bulshadeenna reer-guuraaga u badan. Mana jirto hay’ad kale oo illaa iyo hadda u soo gurmatay shacabka tabaalaysan. Iyadoo waliba deegaannada Dawlad-goboleedka GalMudug ay si is-daba-joog ah ugu soo siyaadayeen qoxooti Soomaaliyeed oo aad u tiro badan oo ka soo huleelay magaalada Muqdisho iyo gobollo kale oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya. Waxayna qoxootigaasi qayb ka yihiin dadka ay raashinka siiyeen CARE iyo SDRO.

   Marka laga reebo Hay’adda MSF-HOLAND, oo ku caan-baxday daryeelka caafimaadka bulshadeenna,  CARE INTERNATIONAL iyo SDRO waa kuwa 2aad iyo 3aad ee mudnaanta ku leh wax-qabadkooda.

       CARE INTERNATIONAIL waxay xiriir wadashaqayneed leeyihiin ururka Waddaniga ah ee SDRO. oo si hagar-la’aan ah ugu samo-fala dadka reer GalMudug State.

Calideeq Max’ed Xaashi.

nabadda1@hotmail.com

+25290751239

Kala xiriir Calidaahir Max’uud Xirsi (SDRO)

+25290754848, +25262322023

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com