Suuq loogu Magacdaray Garas ayaa Maanta Laga Hirgaliyay Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Dawlad Gobaleedka Galmudug.

March,10,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee March,10,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Suuq loogu Magacdaray Garas ayaa Maanta Laga Hirgaliyay Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Dawlad Gobaleedka Galmudug.

Suuqaan Maanta Laga Dhisay Magaalada Gaalkacyo Ayaa lagu Magacaabaa Garas Kaasoo laga Dhisay Agaarka Suuqa Xoolaha Ee Magaalada Gaalkacyo.
 
Furitaanka Suuqa Ayaa Waxaa kasoo Qeybgalay Dadwayne Aad u Farabadan kuwaasi oo u badnaa dad kasoo jeeda Gobolada Koonfureed ee Dalka Soomaalia iyo Madax katirsan Dawlada Galmudug.

Madaxda Kasoo qaybgashay Furitaanka Suuqa Garas Ayaa waxaa kamid ahaa Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug C/Samad Nuur Guuleed, Duqa Dagmada Gaalkacyo Galmudug Siciid Salaad Cilmi {Siciid Bul Bul} iyo Wasiirkii Hore Ee Amniga Galmudug Cali Diiriye Aloore.
 
Ugu horeyn furitaanka Suuqa waxaa kahadlay wasiirkii Hore ee Amniga Galmudug Cali Diiriye Aloore asagoo U Mahad Celiyay Ninkii Kadanbeeyay Dhisitaanka Suuqa Asagoo Sheegay in Suuqaan ay leeyihiin Shacabka Reer Galmudug iyo Qofkasta oo Soomaali ah ee Kusugan Deegaanada Galmudug.
 
Sidookale Waxaa Furitaanka Suuqa Garas kahadlay Duqa Dagmada Gaalkacyo Siciid Salaad Cilmi {Siciid Bul Bul} Asagoo Sheegay in Suuqaan Loo Furay in Ay kuganacsadaan Shacabka Galmudug Sidookalana U mahad celiyay Dadkii Soo qaban qaabiyay.
 
Ugu Danbaytii waxaa Furitaanka Suuqa Garas Kahadlay Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug C/Samad Nuur Guuleed Asagoo Sheegay in uu U mahad Celinayo Dhamaan Dadka Reer Galmudug ee Soo qaban Qaabiyay Furitaanka Suuqa Asagoona Xariga Kajaray Suuqa Garas ee Magaalada Gaalkacyo Sheegayna In Maanta Wixii kadanbeeya uu Furanyahay Suuqaan Loogu Magacdaray Garas.
 
Sikasta ha ahaatee Furitaanka Suuqaan ayaa waxa uu imaanayaa ayadoo Suuqii hore ee Gaalkacyo uu Xiran yahay Dadkii Kuganacsan Jirayna Ay Banaanka Suuqii waynaa iyo hareerihiisa lagu arkaayo ayagoo lafadhiya Agabkoodii Ganacsi kuwaasi oo ay Booqden wariyaal Katirsan Idacadda Hobyo Ee Magaalada Gaalakcyo halkaasina ay kula Kulmeen Dad uu Dhibkahaysto Suuq la'aan Haysata Waa tana mid kamid ah dadkaas oo kacabanaysa Suuq la'aan haysata" waxaan kuganacsan jirnay Baratmaha Suuqa Gaalkacyo Dagaal ayaa kadhacay waan kasoo guurnay hadana waxaan joognaa meeshaan banaanka ah cid waxkaqabatay Suuq la'aanta nahaysa majiraan"
 
Sikastaba ha ahaatee Suuqa maanta Lagadhisay Magaalada Gaalakcyo ayaa Soodhaweeyay Dadwaynaha Reer Galmudug ee Kudhaqan Magaalada Gaalkacyo iyo Gobolka Mudug.


W/D Rooble Maxamed Diriir
rooble771@gmail.com
Agaasime Siciid Jaani
Hobyo Radio Gaalkacyo Galmudug Soomaalia
Siciidjaanii@hotmail.com

 

Daawo Video laga soo duubay

Waa naqshada cusub ee dugsiga sare Ceelguula

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com