Kulan ay maanta isugu yimaadeen Madaxda sare ee dowlad Goboleedka Galmudug iyo Duqeyda dhaqanka Galmudug.

March,11,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee March,10,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

kulan ay maanta isugu yimaadeen Madaxda sare ee dowlad Goboleedka Galmudug iyo Duqeyda dhaqanka Galmudug.
 
Kulunkan dhexmaray Madaxweynaha Dowlada Galmudug Cor.Maxa'ed Axmed Caalin iyo Golaha odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa waxa ay kaga hadleen qaabkii loo hormarin lahaa deegaanada Dawlad Goboleedka Galmudug iyo sidii loo hagaajn laha Amniga Galmudug.
 
Kulunka oo soconayay mudo dheer ayaa waxaa dhanka odayaasha Dhaqanka kaqeyb galay Nabadoon Cusmaan Nuur qeyd iyo nabadoono kale oo Hadalo kasoojeediyay goobta uu Kulanka ka dhacayay ayaa aheyd Xarunta Madaxtooyada Dowlad goboleedka Galmudug.
 
 
Dhanka masuuliyiinta Galmudug waxa kulanka Goobjoog ka ahaa Madaxweyne Cor.Maxa'ed Axmed Caalin,Madaxweyne kuxigeenka C/samad nuur guuleed, wasiirka War faafinta Abshir Maxamed Aadan,wasiirka Macdanta Iyo biyaha iyo wasiiro kale oo kulanka goobjoog Ka ahaa.
 
 
Kulanka ayaa markii uu soo afmeermay waxaa saxaafada oga war bixiyay kuxigeenka Wasiirka Warfaafinta Ahna Afhayeenka Dawlad Gobaleedka Galmudug Axmed maxamuud xasan {Axmed Basto}isagoona sheegay in kulanku uu ku saabsanaa qaabkii lagu hormarin lahaa deegaanada Galmudug.
 
Sikastaba ha ahaatee Waa Markii ugu Horeeyay ee kulan noocaan ah ay kulmaan Golaha odayaasha Dhaqanka Galmudug iyo Madaxda Dawlad Gobaleedka Galmudug tan iyo Markii uu Xilka Madaxwayne Qabtay Maxamed Axmed Caalin.
 
Ceydiid Maxamed Cali {Jubba}
Ceydiid114@hotmail.com


 


W/D Rooble Maxamed Diriir
rooble771@gmail.com
Agaasime Siciid Jaani
Hobyo Radio Gaalkacyo Glamudug Soomaalia
Siciidjaanii@hotmail.com

 

Daawo Video laga soo duubay

Waa naqshada cusub ee dugsiga sare Ceelguula

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com