Shacabka Kudhaqan Gaalkacyo oo Soo Dhaweeyay Furitaanka Suuqa Garas Ee Magaalada Gaalkacyo.
March,11,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee March,10,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso
Shacabka Kudhaqan Gaalkacyo oo Soo Dhaweeyay Furitaanka Suuqa Garas Ee Magaalada Gaalkacyo.
Dhawaan Ayay Ahayd Markii Suuq Laga Furay Magaalada Gaalkacyo Koos oo laagu Magacdaray Garas.
Mar ay Maanta booqdeen Wariyayaal Katirsan Idacadda Hobyo Gudaha Suuqa Garas ayay Kula Kulmeen Dad aad U Farabadan Kuwaasi oo Soo Dhawaynaya Suuq Dhawaan Laga Furay Magaalada Gaalkacyo Kaasi oo lagu Magacaabo Garas, Marwo Caasho Guuleed Waxay kamid Ahay Dadkii Maanta Wariyayaasha Idacadda Hobyo ay Kula Kulmeen Gudaha Suuqa Garas,Ayadoo Kawarbixisay Sida ay U aragto Suuqaan.
"aad ayaan u Soo Dhawaynayaa Waana Kufaraxsanahay Furitaanka Suuqaan Aniga Waxaan ka'imid Gobolada Koonfureed ee Dalka Soomaalia Waxaan Kuganacsan Jiray Suuqii waynaa Ee Gaalkacyo Dagaal ayaa Kadhacay Waa laxiray Dib danbe looma furin Aniga iyo Caruurtayda Malaha Aabe Waa agoon Waxaan Nolol Maalmoodkooda Ugu Raadin jiray Ganacsi yar oo aan Kuhaystay Suuqii Waynaa ee Gaalkacyo Asagana waa Laxiray Runtii Waxaan kuganacsan Jiray Banaanada Hada ayaa Suuq Naloo Furay Waan soo Dhawaynaynaa Waana Kufaraxsanahay"
Sidookale Axmedey Baraw Waxa uu Kamid ahaa Xamaalatadii Suuqii Waynaa Ee Gaalkacyo Waxa uuna kamid ahaa Dadkii Maanta lagula Kulmaya Gudaha Suuqa Garas waxa uuna Kawarbixiyay Shaqo La'aan Soo Wajahday.
"Aniga Waxaan kaxamaalan jiray Suuqii Waynaa Ee Gaalkacyo anigoo Nolol Maalmaydkayga Karaadsada Runtii Shaqo La'aan ayaa Isoo Foodsaartay ileen Magaalada Majirto Cid looxamaalayo suuqa ayaa Dadka Looxamaalaa adigoo Nolol Maalmeedkaaga Karaadsanaaya Suuqaan Hada Lafuray Waan Soo Dhawaynayaa "
Sikastaba ha ahaatee Dadkaan Ayaa Dhamaantood Waxaa Haysay Baahi Suuqla'aaneed Taasina ay Ku kalifta in ay Soo Dhaweeyaan Suuqaan Hada Lafuray Ee Garas.
Bille Xaaji Kuwayd Maalinguur
bille175@hotmail.com


W/D Rooble Maxamed Diriir
rooble771@gmail.com
Agaasime Siciid Jaani
Hobyo Radio Gaalkacyo Glamudug Soomaalia
Siciidjaanii@hotmail.com

Daawo Video laga soo duubay
Waa naqshada cusub ee dugsiga sare Ceelguula
