Afhayeenka Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo kawar bixiyay Dagaalkii Xalay lala galay Tireega Itoobiya.

March,16,2008  www.Hobyoradio.com

Afhayeenka Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo kawar bixiyay Dagaalkii Xalay lala galay Tireega Itoobiya.

 

Warar faah fahasan ayaa kasoo baxayo dagaallo qaraar oo Xalay Fiidkii ka dhacay qaybo katirsan magaalada Muqdisho, xoogaga Muqaawamada Soomaliyeed ayaa xalay dagaal qaraar lagalay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya iyo Maleeshiyada marya calasta C/laahi yuusuf.

 

Warar aan Maanta ka helnay goobihii ay dagaaladu kasocdeen ayaa xaqiijinayo in qasaara xoogleh uu gaaray Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee cadaystay Xasuuqa Shacabka Soomaliyeed.

 

Afhayeenka Ciidamada Maxkamadah islaamka Somalia Cabdi Raxiim Ciise Cadoow ayaa shaaca kaqaaday in Ciiadmadoodu ay guula kagaareen dagaalkii Xalay Muqdisho ka dhacay islamarkaana ay qabsadeen hub iyo saanada dagaal, dagaalka ugu daran ayaa ka dhacay xaafadaha kuxeeran Warshadii hore ee baastada oo fadhiisin u ah Ciidamaad cadawga Itoobiya.
===========.


 

Muqdisho, Somalia

 Maxaa Ka dambeeyay Dictator Milez Zanawi  iyo Cali Geedi

 

Doqoni Dibir Kama Dharagto

 Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com