Xilidhibaan xaaf Oo Kormeer ku soo kala Bixiyay Qaybaha
Kala Duwan South Galkaio Hospital, Idacada Codka, Shacab High School Ee  Magaalada Gaalkacyo Ee (DG) Galmudug State.Wariye Cabdalle

March,16,2008  www.Hobyoradio.com


Xildhibaan Axmed Ducale Geelle oo muddo 2 bilood ka badan ku sugan
Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta meelaha uu soo maray waxaa ka mid ah
Mashuurca Dhismaha Xarunta Dugsiga Sare Shacabka.Warshadda dhagacx
jajabinta iyo ka samyanta nuucyada jayga ee Deeqo.Xarunta Cisbitaalka
Koofurka Gaalkacyo Xarunta Idaacadda Codka Mudug iyo Kaydka Biyaha
Mashruuca Carafaad oo dhammaantood ku yaal Magaalada Gaalkacyo gaar
ahaan dhinaca dowlad goboleedka Gal Mudug.


Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf intii uu joogay Mashruuca
Dhismaha Dugsiga Sare Shacabka oo haatan socda biyaanada labaad waxaa
uu warbixinno ka dhgaystay qaar ka mid ah howlwadeennada iyo
shaqaalaha Dhismahaas uuna ku dhiiri geliyay in qalab tayo leh lagu
dhiso dhismahaasi si loogaga taxadaro mustaqbalkiisa waliba dhinaca
adkaysiga.iyadoo intii uu joogay Xarunta Kambaniga jajabinta iyo jay u
bedelidda dhagaxa ee deeqo uu halkaasi howlwadeennadeeda kaga
dhagaystay sida ay howluhu uga socdaan iyo qaabka lagu sii horumarin
karo tayaynta howlaheeda. .iyadoo uu ka mid ahaa howlwadeennadaasi
Warbxinta bixiyay Cabdicasiis Maxamed Xasan.


 Xildhibaanka intii uu joogay Xarunta Cisbitaalka wayn ee Koofurta
Gaalkacyo waxaa uu soo maray qaybaha uu ka kooban yahay intooda badan
sida bukaan socod eegtada.Qaybaha qalliinka iyo jiifinta
bukaanka.quudinta iyo xaafiisyada maamulka .isagoo warbixinno kaga
dhagaystay Agaasimaha Cisbitaalkaasi Maxamed Cabdi Axmed,Kaaliyaha
Kooxda Caafimaadka Maxamed Cabrashiid kuusoow .Dr Cabdiqaalikh Cismaan Sheekh . .howlwadeenno kale iyo bukaanka qaarkoodba.


Xildhibaanka oo socdaalkii xog ogool noqashada ah ku soo gunaanaday
Xarunta Idaacadda Codka Mudug ayaa intii uu socdaalka ku jiray waxaa
kaloo uu soo eegay goobo badan oo ay ka socdaan dhismayaal gaar
ahaaneed.


Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf intii uu joogay Xarunta
Idaacadda Codka Mudug waxaa uu kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay
idaacaddu sida Istuudiyaha.2diisa qaybood ee hadalka iyo
farsamada.Warqadka iyo Kaydka Cajaladaha.waxaana uu warbixinno ka
dhgaystay Agaasimaha Idaacadda Cilmi Kulan Geeddi.Madaxda Farsamada
Faysal Maxamed Dirir iyo waliba Cabdalle Maxamed Cabdulle oo ah madaxa
Meertada Duhurnimo ee Idaacadda.


Agaasimaha Idaacadda Codka Mudug Cilmi Kulan Geeddi ayaa
xildhibaanka si gaar ah warbixin uga siiyay taariikhda iyo waxqabadka
Idaacadda iyo waxyaabaha ay u baahan yahay in gacan wax ku ool ah laga
siiyo.


Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle oo socdaalladaasi iyo
warbixinnadaasi qayb aha uu soo maray oo dhan ka dib Idaacadda uga
waramay meelaha uu soo maray waxyaabaha uu ku soo arkay iyo ujeeddada
guud ee uu muddada 2 bilood ka badan uu u joogo Magaalada Gaalkacyo
ayaa marka hore ammaan iyo bogaadin u jeediyay ka qayb qaatayaasha
Mashruuca dhismaha Xarunta Dugsiga Sare ee Shacabka.oo uu sheegay in
uu aad ula dhacay sida qaab ahaan dhismuhu u socdo ,baaxadda uu ku
fadhiyo iyo doorka uu ka qaadanayo horumarinta waxbarashada ubadka
Soomaaliyeed,isagoo bogaadin taa la mid ahna u jeediyay Maamulka iyo
shaqaalaha Warshadda Jay samaynta Deeqa iyo Mashruuca biyaha Carafaad
oo uu sheegay in si deg deg ah ay wax wayn ugu soo kordhiyeen nolosha
noolaha iyo dhismaha deegaankaan,isagoo sidoo kalana tilmaamay in
doorka Cisbitaalka Koofurta Gaalkacyo iyo horumarka uu maalinba
maalinba ku tilaabsanayo ay tahay mahad ILAAHAY iyo wax in lagu
shukriyo loo baahan yahay sii horumarintiisa iyo ilaalsashadiisana la
sii joogteeyo.


Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka hadlay doorka iyo wax
qabadka Idaacadda Codka Mudug ayaa sheegay in Maamulka iyo shaqaalaha
Idaacaddu ay boqolkiiba boqol ku ammaanan yihiin howlfulintooda
tayada sare leh.


Xildhibaanku wuxuu xusay in Idaacadda ay ka muhiimsan tahay wax
qabad ahaan 20.000 oo ciidan ah marka laga hadlo wanaag ka shaqaynta
sida nabad galyada iyo is dhax galka Bulshada ,tilmaamidda dib u
dhiska dalka iwm,sidaasi darteedna loo baahan yahay in dibad iyo
gudaba xoogga la saaro daboolidda baahida dhinacyada kala duwan ee
Idaacadda.


Xildhibaanka oo ka hadlayay joogitaankiisa mudddada 2da bilood ka
badan Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay la xariirto sidii howlaha
dib u dhis iyo dhibaatooyinka jira wax ka qabashadooda uu talo iyo
tabarba uga gaysan lahaa,maadaamaa uu xildhibaanka uu ka yahay
Baarlamanka fadaraalka uu dadka deegaannada Gal Mudug wax uga
matalayo.


Xildhaan Xaaf ayaa sheegay in marka laga hadlo howlihiisa ganacsi
uu door kaga qaadanayo wax ka qabashada arrimaha ceelasha.waddooyinka
iyo fududaynta sidii deegaannadaan looga dhisi laha dhismayaal tayo
sare leh .


Xildhibaanka ayaa dhanka kale si wayn wax uga xusay dhibaatooyinka
ay abaaraha iyo nolol xumadu ugu horreeyaan oo ka jira deegaannadaan
iyo sida loogu baahan yahay in dadka dhaqaalaha haysta,Jaaliyadda
dibadda iyo Hay,adaha samafalkuba ay door muhiim ah uga gaystaan wax
u qabashada dadka kaalmooyinka u baahan iyo wixii la mid ahba.,isagoo
sheegay in uu mar kale ku celinayo hadal uu horay u sheegay oo ah in
dadka reer Gaalkacyo ay yihiin walaalo aan kala maarmin sidaasi
darteedna loo baahan yahay in ay iskaashadaan wanaagga wada raadiyaan
xumahana ka wada hortagaan.
 

Cabdalla Max'ed Cabdillle
 
Hobyoradio Galkacyo,
 
GalMudug State of SOMalia
 
Mobail:0025290 752260
 
Cabdalla45@hotmail.com

Cabdalla45@gmail.com  

 Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com