![]() |
||
|
|
||
|
Ciidamada Maxkamadaha oo Weeraro Burcad sifayn ah kasameeyay deegaanadda Cirfiid iyo Caliyaale duleedka Muqdisho.
March,16,2008 www.Hobyoradio.com
Ciidamada Maxkamadaha oo Weeraro Burcad sifayn ah kasameeyay deegaanadda Cirfiid iyo Caliyaale duleedka Muqdisho.
Xoogaga waxiska caabinta islaamiga ah ee diidan joogitaanka Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa xalay Weerar qorshaysan kuqaaday Bar koontarool oo kutaal inta u dhaxayso Muqdisho iyo Balcad.
ilaa iyo Sedax Maleeshiyo oo katirsan Mooryaanta Kooxda Mbagati ayaa dhegta dhiiga loogu daray Weerarkaas oo ka dhacay deegaanada Caliyaale iyo Cirfiid oo ah meel dadka lagu baarto ,horay ayuu Shiikh Mukhtaar Rooboow abuu Mansuur u sheegay in ay Gowracayaan Maleeshiyada gumaysi raacyada ah haddi ay sii joogaan Isbaarooyinka ay fadhiyaan.
xaaladda Ceel cirfiid iyo Caliyaale ayaa saaka degan mana jiraan wax Maleeshiyaad ah oo Dadka lacago ka qaadayo, dadka deegaanka ayaa sidiiran usoo dhaweeyay howlgalka ay Mujaahidiintu ku baacsanayaan Tuugada C/laahi yuusuf ee ubareeray in ay xasuuqaan Shacabka Soomaaliyeed.
=============.
Muqdisho, Somalia Maxaa Ka dambeeyay Dictator Milez Zanawi iyo Cali Geedi Doqoni Dibir Kama Dharagto Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||