AMAAN IYO BOGAADIIN URURKA SAMAFALKA WADANIGA AH-EL-WAFAA.‏

March,17,2008  www.Hobyoradio.com

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo
Cadaaladdda Damiirka iyo Dareenka nool Inta Diintooda,Dalka
iyo Karaamadda Ummadooda Jeceyl,inta Heeryada Gumeeysiga
Diideen,Inta leh Dareenka Qarameed iyo Qiirada Wadaniyadeed
Somaalida Xalaasha ah-Waxaa si weyn noo farxad geliyeey soo
Dhoweeyn,amaan iyo bogaadin naga mudan Ururka Samafalka
Wadanigga El-WAFAA oo Ceel biyood ka Sameeyeey Tuuladda
Coonoole oo ka tirsan Degmadda Af-gooye G/Sh/Hoose Maalintii
eey ka cabi karaayeen 16-Kun qof iyo Xoolo gaaraaya 1.500 nef
waana Talaabo ahamiyadeeda leh,Guul Alle loogu Mahad-celiyo
Intii Gacanta ka geeysateeyna ku amaanan yihiin.

Dagaal xoogan oo la isku adeegsanayo qorayaha  fud fudud ayaa ka bilaamay abaarihii  9:00 subaxnimo ee saakay  magalada  Gaalkacyo gaar ahaan meel aan sidaas uga fogayn goroonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed Taageeraha Wanaaga,Waxqabadka
Iyo guud ahaanba Danaha guud ee Bulshada Somaliyeed wuxuu
Halkan Amaan,Bogaadin iyo Mahad-celinba ugu soo gudbinayaa
Ururka samafalka wadaniga ah El-Wafaa oo ah hey'adda fulisay
Mashruucaas qiimo weyn ugu fadhiya Bulshadda Tuuladaas oo
nasaabka u yeelatay helida ceel biyo nadiif ah leh oo daboolo
baahidooda,Talaabadaas ayaa ka turjumeeysa dareenka wacan
iyo Masuuliyada wanaagsan ee Howlwadeena Ururkaas gartay
Masuuliyada diineed,Qarameed iyo akhlaaqeed oo ka saaran
Dalkooda hooyo iyo Bulshadooda,amaanadii sadaqada aheydna
sidii ku habooneyd u maamulay,halka boqolaal Urur dhigoodda
ah oo Dalka Gudihiisa iyo Debedaha ka jiraan Xalaaleeysteen
Boodka iyo lunsashada Boqolaal kun oo lagu aamisay Magaca
Ummadana ku qaateen.
 
   El-Wafaa waa tusaale ku dayo mudan waana Urur Samafal
oo sawir wanaagsan ka bixiyeey maqaamka iyo xil kasnimadda
Muwaadinka Somaliyeed,Waxaanu ku boorineeynaa guud ahaan
Ururada iyo Hey'adaha ku howlan howlaha Samafalka garashada
Marka hore micnaha iyo ujeedda Ereyga Samafalka,ahamiyadiisa
iyo Culeyska uu leeyahay,Xisaabta beri ka imaaneeysa,Markaas
waa in Alle ka Cabsiga mudnaanta koowaad yeelataa,kadibna
Howlaha iyo Adeegyaha Raxmaanka ayaa barakeeynaaya,Hadii
Kalle Aduunkana Ceeb,tuugnimo iyo Magac xumid aakhirona
Caradda Alle weey weyn-tahay,Ururkaas Dadkii ayuu Ceel biyo
u Sameeyeey Maasha Allah,Halaka Rajiimka Doofaareeyna ku
Abaal marinaayo Ummadda Somaaliyeed:-Gabood fal,Xasuuqyo
Tacadi xad-dhaaf,boodka iyo bililiqeeysiga hantidooda,xoriyad
ka qaadida Muwaadinka iyo Gumeeynta Dalkeena Hooyo-Ayaan
Darro weyn iyo Dhaqan guracan oo xanuunkiisa leh(kala Qalan
Xaqa iyo baadilku Somaaliyeey),kala wanaagsan qofka biyo
iyo daryeel ku siiya iyo midka Dil iyo Gaajo kula beegsada,
Taariikhduna diiwaan xusuustu ku duugan tahay.
 
-Hambalyo Ururka Samafalka El-Wadaa-
-Hambalyo Bulshadda Tuuladda Caanoole-
 
 
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed-
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda-
-England-UK-17/03/2008-
 

 Maxaa Ka dambeeyay Dictator Milez Zanawi  iyo Cali Geedi

 

Doqoni Dibir Kama Dharagto

 Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com