Dagaalkaan oo oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa fudfud ayaa abaaro 9:00 subaxnimo ee saaka ka qarxay duleedka magaalada gaalkacyo gaar ahaan aga gaarka garoonka diyaardaha ee magaalada Gaalkacyo.
Dagaalka oo udhexeeyay laba maleeshiyo oo isku haysatay dhul banaan oo ku yaal agagaarka garoonka diyaardaha ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa la ga daremay guud ahaan magaalada Gaalkacyo ayagoona rasaasta habawga ah ay ku soo dhacayeen qaybo ka mid ah magaalada.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii 2 maleeshiyo oo wada daga gobolka mudug ay isku qabsadeen dhul kuyaala agagaarka airborka Gaalkacyo oo sida la sheegay mid waliba ay sheegatay mul kiyadiisa Dagaalka oo socday mudo saacado ah ayaa waxaa soo dhex galay saraakiisha amniga ee Galmudug state iyo Puntland oo ku gulaystay joojinta dagaalka Isla markaana ay kala qaadaan ciidamdii ku dagaalamayay dhulka bananaa ee ay isku haysteen.
inta la ogyahay 12 qof ayaa ku geeriyooday dagaalkii maanta dhawr iyo toban kalana waa ay ku dhaawacmeen oo isugu jira maleeshiyaadkii uu dagaalku dhex maray iyo dad rayida.
waxaana dadka dagaalkii maanta ku dhintay ka mid ahaa nin lagu magacaabi jiray cabdi yare oo taksiile ahaa xabad wiifto ahna ay ugu tagtay wada bile rafle ee magaalada Gaalakcyo sidoo kale nin asna xawaalada Dahabshiil macaamiisheeda ka mid ah oo xiligaas shirkada ka sii baxyay ayay haleeshay xabadu in kasta oo aana helin magaciisa.
Dadka ku dhintay dagaalka ayaa waxaa ku jira 2 haweena oo ka garab dagaa lamayay mid kamida maleeshiyaadkii uu dagaalku dhexmaray iyo dhoowr qof oo shacaba kuwaasoo rasaas habowahi ay ugutagtay guryahooda gooba ganacsi iyo qaarkamida wadooyinka magaalada ibitaalada magaalada Gaalkacyo ayaa la dhigay dhaawacyadii ku wax yeeloobay dagaalkii maanta.
Dagaalka oo socday mudo saacado ah la iskuna adeegsaday hubka fudfudud ayaa baaxada qasaaraha uu gaystay waxaa loo aanaynayaa dadka oo si kadisa ula kulmay dagaalka iyo rasaasta wiif tadaa oo meela ka baxsan dagaalka kudishay dad rayida Xaaladda goobihii uu dagaalku saakay ka bilawday ayaa ah haatan dagan waxaana socda dadaalo lagu doonayo in lagu dhameeyo qilaafka keenay dagaalka maanta sababay dhimashada iyo dhaawaca qaybaha kala duwan ee bulshada reer Gaalkacyo ayaa ugu baaqay kooxaha dagaalka maant dhex maray in wada hadal ku dhameeyaan qilaafyada dhanka dhulka ah ee u dhexeeya si aysan mar kale u dhicin qasaare kii maant oo kale ah.
Cabdalla Max’d Cabdille
hobyoradio Gaalkacyo
GalMudug State SOMalia
Mobail:0025290752260
Cabdalla Max'ed Cabdille