![]() |
||
|
|
||
|
War deg deg ah Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka soconaya Garoonka diyaaradaha ee magaaada Gaalkacyo.
March,17,2008 www.Hobyoradio.com
War deg deg ah Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka soconaya Garoonka diyaaradaha ee magaaada Gaalkacyo.
Dagaal xoogan oo la isku adeegsanayo qorayaha fud fudud ayaa ka bilaamay abaarihii 9:00 subaxnimo ee saakay magalada Gaalkacyo gaar ahaan meel aan sidaas uga fogayn goroonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo. Dagaalka oo udhexeeya kooxo hubaysan oo isku haysta dhul banaan oo kuyaal agaarka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa waxaa inta la ogayahay ku geeryooday 5ruux oo 4kamid ah yihiin kooxihii dagaalamayay halka qof kalana yahay nin rayid ah oo taksiile ahaa oo xabad wiifto ah ay haleeshay dagaalka oo wali ka socday agagaarka Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaan si dhab ah loo ogaan Karin qasaaraha rasmiga ah maadaama aan la gali Karin goobta uu dagaalku kasocdo, Dhanka kale Maamulka Galmudug ayaan wali wax wara kasoo saarin arintaasi, mar aan la xariirnay taliyaha Saldhiga xaafada Horumar ayaysan noo suura galin inuu wax wara naga siiyo dagaalka kasocda agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug State Wixii ku soo kordha la soco hobyoradio Cabdalla Max'ed Cabdille hobyoradio,gaalkacyo Gaalkacyo Galmudug State Maxaa Ka dambeeyay Dictator Milez Zanawi iyo Cali Geedi Doqoni Dibir Kama Dharagto Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||