DR-GABOOSE TALLAAABO KU DAYASHO MUDAN.‏

March,19,2008  www.Hobyoradio.com

Muwaadinka Dalkiisa iyo Dadkiisu waajibaad Qaran ayeey
ku leeyihiin gudashadeeduna waa lagama maarmaan,weliba
Shkahsiyaadka Aqoonta Sarre leh(Takhasuuska gaar ahaaneed),
waxaan halkan kuu soo gudbinaayaa amaan iyo bogaadin ku
Saabsan Talaabo wanaagsan Caqliga,Damiirka nool iyo qiiradda
Wadaniyadeed,kana Turjumeeysa hab dhaqameedka Diinteena
Islaamka iyo dhaqan wanaaga qof ahaaneedba.
 
 
   Talaabo Geesinimadda,garashada biseyl leh iyo gudasahadda
Abaalka Bulshadu ku leedahay,maadaama dhaqaalihii Cashuurta
Dadweynaha wuu wax ku soo bartay-Dr Max'ed Cabdi Gaboose
oo ka mid ah Dakhaatiirka waaweyn Somaaliyeed,kuna sugan
Magaaladda Hargeeysa(S/Land) ayaa balan qaaday Talaabo
farxadeeda leh,faa'iido weyn ugu fadhida Dadweynaha daryeel
Caafimaad ka raadsada Isbitaalka Guud ee Hargeeysa,sidda ku
cad war murtiyeedka wuu soo saaray Dr-Gaboose wuxuu balan
qaaday in wuu Maalin dhaaf u tagaayo Isbitaalka,Lacag la'aana
ugu shaqeeynaa bukaan socodka,Maasha Allah,Talaabo mudan
ku dayasho iyo Bogaadiin(Hambalyo Dr-Gaboose).

 

Dr. Gaboose" Waxaan anigu laga bilaabo Beri iyo Saadambe maalin dhaaf u tegayaa Cusbitaalka Guud ee Hargeysa subax kasta, aniga oo aan shilin-na ka qaadanayn" .
 

 

 

 

 

Anigoo garan karaaya baahida weyn oo Bulshadu u qabaan

Aqoonta gaar ahaaneed(Xirfadeeda) ee Dr-Gaboose iyo Dadka
dhigiisa ah iyo ahamiyadda weyn oo Talaabadaas leedahay
Marka laga eego duruufaha ka jirra Isbitaalka iyo weliba arrinta
ku shaqeynta Lacag la'aanta waa guul wu soo hoyateey Dadka
Reer Hargeeysa iyo bukaan sacodka Isbitaalkaas booqda,hadii
Maamulka Isbitaalka iyo Wasaarada Caafimaadku ogolaadan
Qorshaha Dr-Gaboose lagana eego dhanka wanaagsan oo ku
Saleeysan daryeelka bulshada,Siyaasada laga reebo iyo arimaha
Ficiltanka Jirra,weliba waxaan Dr-Gaboose kula talin lahaa in
wuu 3-Bilood Mar booqasho ku tago Isbitaalada G/S/land.
 
 
   Gunaaanadka qormadaan kooban waxaan ku taageeraayaa
Dr-Gaboose Talaabaas geesinimadda iyo dareenka wanaagsan
leh,waxaan u rajeeyeey in balantu rumoowdo,isla markaana eey
ku deeydaan Dakhaatiirta dhigiisaha iyo guud ahaan Dadka leh
Takhasuuska gaar ah,Dr-Gaboose waa garatay,Gudashadana ku
Guuleeyso Inshaa Alle,Ummaduna weey kala garan qofka wax u
Qabtay iyo midka Dhiba, Taariikhduna Dhaxal ma guuraan ah.
 
 
 
 
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Engaland-UK- 19/03/2008-

 Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com