Aqoonyahanka C/Raxmaan Isxal iyo dugsiga H/Dhexe ee GENERAL CAYDIID: iftiinka mugdiga ka saaraya dadka reer Galliinsoor!.Daawo Sawirada. W.Q. Calideeq Max'ed Xaashi.

March,19,2008  www.Hobyoradio.com

Aqoonyahanka C/Raxmaan Isxal iyo dugsiga H/Dhexe ee GENERAL CAYDIID:

iftiinka mugdiga ka saaraya dadka reer Galliinsoor!.

W.Q. Calideeq Max'ed Xaashi.


 
         Magaalada Caankaa ee Galliinsoor, oo 90 km Koonfurta ka xigta magaalada Gaalkacyo, uuna maro laamiga isku xira gobollada Koonfurta iyo Woqooyiga Soomaaliya, waa magaalo dagaallo sokeeye ay ku soo noqnoqonayeen muddo dhawr iyo toban sano ah. waxayna dagaalladaas kuwii ugu dambeeyay ahaayeen dagaalladii ba’anaa ee daba-yaaqadii bishii Disembar ee sannadkii 2006-dii ku dhexmaray magaalada Galliinsoor iyo agaggaarkeeda xoogaggii Maxkamadihii Islamiga ahaa iyo xulufadii ka soo hor-jeedday ee kala ahaa Itoobiyaanka, Meleeshiyooyin deegaanada GalMudug ah iyo Kuwo Puntland!. waxayna dagaalladaas is-dabo-joogga ahaa u gaysteen Galliinsoor burbur ballaaran!. waxaana ka md ah Burbur soo gaaray goobihii hore ee adeegga guud ee dadweynaha. uuna ka mid yahay dugsigii H/Dhexe ee horay ay magaaladu u lahayd!.



         Dagaalladii sokeeye saammaynta ay ku reebeeb degmada Galliinsoor waa mid muuqata. waxaana magaalada iyo deegaankeedaba wali ka sii jira raadkii iyo dib-u-dhacyadii ka dhashay dagaalladii kala dambeeyay ee soo maray. iskastoo dhibaatooyinkaasi ay jiraan, haddana degmada Galliinsoor waxaa ka jira hal dhinac oo uu uga billawday horumar la taaban karo. waana dhanka
waxbarashada, oo aan warbintan uga hadlayo.



           Sannadkii 2003-da ayaa qaar ka mid ah jaaliyadda reer Galliinsoor ee dibadaha waxay ka dhiseen duleedka magaalada Galliinsoor Dugsi H/Dhexe.oo loogu magac-daray Hoggaamiyihii waynaa ee Somaaliyeed
ALLE HA U NAXARIISTEE, GENERAL MAX'ED FAARAX XASAN (GENARAL CAYDIID), ee caanka ku ahaa geesinnimada, gobonnimo-jacaylka iyo ka-qab-weynaanta isticmaarka iyo dib-u-socodkaba!.


 
          Inakastoo sannadkii 2003-da laga dhisay Galliinsoor dugsiga H/Dhexe ee GENERAL CAYDIID, haddana adeeggii waxbarasho ee dugsigu uu u qaban lahaa bulshada waxaa baajiyay dagaalladii SACAD iyo SALEEBAAN. ee sannadihii 2004-ta iyo illaa 2006-da socnayay. Galliinsoorna waxay ka mid ahayd meelihii dagaalladaas SACAD iyo SALEEBAAN ay sida daran uga dhaceen.
 


 
 
 
         waxaa kale oo ku xigsaday dagaalkii dhammaadkii sannadkii 2006-da ku dhexmaray magaalada Galliinsoor iyo agaggaarkeeda xoogaggii Maxkamadihii Islamiga ahaa iyo xulufadii ka soo hor-jeedday ee kala ahaa ciidammo Itoobiyaan ah, meleeshiyooyinka deegaanka iyo kuwo reer Puntland ah!. waxayna 2-daas dagaal, intii ay socdeen, ku sii baaqi-yeeleen inuu xirnaado dugsiga H/Dhexe ee GENERAL CAYDIID ee degmada Galliinsoor!.

 



          Balse waxay arrintaasi isbaddashay 10/05/07. xilligaas oo aqoonyahan
C/Raxmaan Isxal, oo ay taageerayeen qaar ka tirsan jaaliyadda reer Galliinsoor ee dibadaha, uu dib uga furay Galliinsoor dugsiga H/Dhexe ee GENERAL CAYDIID. islamrkaas dib loo furay dugsigaasna wuxuu ka noqday C/Raxmaan Isxal illaa haddana uu yahay maammule iyo macallinba. wixii markaas ka dambeeyayna dadka reer Galliinsoor waxaa si isa-soo taraysa ugu soo siyaadayay horumar waxbarasho. oo uu horseed u yahay C/Raxmaan Isxal, Maammulaha dugsiga H/Dhexe ee GENERAL CAYDIID
.
 

 


 
 
          Dugsiga H/Dhexe ee GENERAL CAYDIID waxa uu ka koobanyahay 5 qol, oo fasallo ah, hal xafiis, 2 musqulood iyo hal barkad biyood. waxaana hadda iskuulka dhigata 173 arday. halka ay wax ka dhigaan 5 macallin oo kala ah;
 
 

1- C/Raxmaan Isxal, oo Maammulaha dugsigana ah.

 

2- Layla Cabdille Gorod.

 

3- Daahir Khaliif Garasow.

 

 

4- Bashiir Xalane Ereg.

 

5- C/Mahad Max'ed Salaad.

 

 
 
              Dugsiga H/Dhexe GENERAL CAYDIID ee degmada Galliinsoor waxaa maalgaliya xubno ka tirsan jaaliyadda dibadda ee reer Gallinsoor. waxayna xubnahaasi si joogtaa u bixiyaan mushaarka 5-ta macallin ee wax ka dhiga dugsiga H/Dhexe ee GENERAL CAYDIID. xubnahaas jaaliyadda dibadda ee dhaqaalaha ku taageera dugsiga H/Dhexe ee GENERAL CAYDIID ee degmada Galliinsoor ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin;

 

1- Cabdi Cilmi Dagal.


2- C/Risaaq Jaamac Shidane.


3- Cabdi Kaytoon.

4- C/Raxiim C/lle Cumar.


                                               5- Geeddi Jaamac Shidane. iyo kuwo kale.
 
 
 
     
        Maaddooyinka iskuulka laga dhigo waxay kala yihiin Soomaali, Xisaab, Diini (Tarbiyada, Fiqiga iyo Siirada), Saynis, Joqoraafi iyo luuqad (Carabi iyo Ingiriis), sida uu ii sheegay C/Raxmaan Isxal oo aan dhawaan kula soo yeeshay magaalada Galliinsoor waraysi ka hadlaya guud ahaan arrimaha waxbarashada ee degmada Galliinsoor.
 
 
 
          Maammulaha dugsiga H/Dhexe ee GENERAL CAYDIID ee degmada Galliinsoor C/Raxmaan Isxal, ayaa intaas ku daray in caqabado badan oo horay u jiray ay uga soo gudbeen adkaysi iyo dadaal badan. maantana uu, nasiib-wanaag, marayo iskuulku heer wanaagsan.wuxuuna tusaale u soo qaatay in iskuulka markii ay billaabayeen 2006-dii uu ku billawday 30 arday. maantana ay gaarayaan tirada ardada dhigata 173 arday. kuwaas oo kala dhigata fasallada 1-aad iyo illaa lixaad ee dugsiga D/Hhexe. uuna higsanayo inuu uga sii gudbo heer ka sii fiican.



          Mar uu ka hadlayay dhibaatooyinkii ka soo maray hirgalinta iskuulka, ayuu maammule C/Raxmaan Isxal sheegay inaysan yarayn dhibaatooyinka ka horyimid.ayna ka mid ahayd bulshada oo aan fahamsanayn ahmidda waxbarashada iskuulka.
 
 
 
        waxaa cajiib ah habka cilmiyaysan ee uu C/Raxmaan Isxal u dajiyay si uu wax uga baddalo aragtidii ay markii hore ka qabeen waxbarashada qaar badan oo ka mid ah bulshada reer Galliinsoor. Wuxuuna C/Raxmaan Isxal ka hir-galiyay magaalada Galliinsoor Waxbarashada Dadka Waaweyn!. fasalka waxbarashada dadka waaweyn ee C/Raxmaan Isxal uu ka hirgaliyay Galliinsoor hadda waxaa wax ka barta arday 70 tiradoodu gaarayso oo iskugu jira rag iyo dumar, dhallinyaro iyo waayeelba leh, oo reer galliinsoor ah.

 
 
           "Si aan ugu soo jiidno dadweynaha waxbarashada ayaa waxaan furnay waxbarashada dadka waaweyn. oo aan galabtii iyo fiidkii wax ku barno dadka waaweyn. si taasi waalidka iyo dadka kale ee waaweyn ay ugu dhaliso inay carruurtooda keenaaan dugsiga. taasna waan ku guulaysannay", ayuu yiri C/Raxmaan Isxal.
 
 
 
 
            Mudane C/Raxmaan Isxal ayaa ii sheegay inay markii hore waxbarashada dadka waaweyn ku billaabeen qol kiro ah, oo aan lahayn kuraas iyo miisas. C/Raxmaan Isxal iyo macallimiinta kale ayaana mushaarkooda, oo aan awalba badnay, ka jari jiray kirada qolka W.D.W. ayadoo sidaas ay ku socoto W.D.W. ayaa waxaa Galliinsoor tagtay gabar lagu magacaabo Faadumo Kadawe, oo ka tirsan Jaaliyadda reer Galliinsoor ee dalka Mareykanka. mahadi ha ka gaartee, Faadumo Kadawe waxay ugu deeqday qol iyo qalabkiisii kale oo dhan oo hadda wax lagu baro fasalka W'D'W' ee degmada Galliinsoor.
 

 
          Waxaan shaki ku jirin in waxbarashada dugsiga H/Dhexe ee GENERAL CAYDIID iyo W. D.W. ay isbaddal cusub oo horumar ah ku soo kordhiseen Galliinsoor. waxaana dareemi kara isbaddalkaas qofkii tagi jiray Galliinsoor, 2006-da ka hor, ee haddana taga. qiimeeyana 2-daas marxaladood farqiga. qofkii sidaas ah, hadduusan xaasid ahayn, wuxuu iiga markhaati kacayaa, inay Galliinsoor u billaabatay u-tillaabsiga jahada horumarka. taasna uu caynaanka ugu hayo C/Raxmaan Isxal!.




            Haddaba C/Raxmaan Isxal waa kuma?. taariikhda C/Raxmaan Isxal way ballaaran tahay. laakiin waxaan halkan idinkugu soo gudbinayaa qayb yar oo ka mid ah taariikhdiisa. waana kaalinta xusidda mudan ee uu leeyahay taariikhda waxbarashada Soomaaliyeed.



           Ninkii yaqaan baa yaqaan C/Raxmaan Isxal. waa aqoonyahan ruug-caddaa ah oo taariikh dheer ku leh waxbarashada Soomaaliya. gaar ahaan waxbarashada aas-aasigaa. wuxuuna door firfircoon oo macallinnimo iyo maammulannimo iskugu jira ka soo qaatay dugsiyo badan oo aas-aasiya oo ku kala yaalla degmooyin kala duwan oo ka tirsan jamhuuriyadda Soomaaliya. muddo 35 sano ah ayuuna shaqadaas ka soo hayay wasaaraddii waxbarashada iyo barbaarinta ee dawladdii Soomaaliya, intii aysan burburin ka hor.
 



C/Raxmaan Isxal meelaha uu shaqooyinka iyo xilalka kala duwan ka soo qabtay waxaa ka soo qaadan karnaa;

- 1973 ayuu C/Raxmaan Isxal Mcallinnimo shaqada uga billaabay wasaaraddii waxbarashada iyo barbaarinta Soomaaliya. wuxuuna markii u horraysay macallin ka noqday dugsiga H/Dhexe ee Ummadda ee magaalada Gaalkacyo sannadkii 1973.

- 1980 illaa 1982 wuxuu maammule ka soo noqday isla dugsiga H/Dhexe ee Ummadda ee magaalada Gaalkacyo, oo uu 1973 macallinnimada uga shaqo billaabay.

- 1982 illaa 1983 wuxuu guddoomiye waxbarasho ka soo ahaa degmada Jarriiban ee gobolka Mudug.

- 1983 illaa 1986 wuxuu guddoomiye waxbarasho ka soo noqday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug .

- 1986 illaa 1988 wuxuu guddoomiye waxbarasho ka soo noqday degmada Jamaame ee gobolka Sh/Hoose.

- wixii ka dambeeyay wuxuu degganaa magaalada Muqdisho. oo uu bare ka soo noqday dugsiyo kala duwan, xilligii burburka
.
-10/05/07. ayuu dib uga furay Galliinsoor dugsiga H/Dhexe ee GENERAL CAYDIID. wuxuuna illaa iyo hadda ku suganyahay Galliinsoor. wuxuuna maamule iyo macallinba ka yahay dugsiga H/Dhexe ee GENERAL CAYDIID ee degmada Galliinsoor

 

Baahida Dugsiga.


 

     Isagoo ka hadlaya baahiyaha dugsiga, ayuu Maammulaha dugsiga H/Dhexe ee GENERAL CAYDIID ee degmada Galliinsoor mudane C/Raxmaan Isxal waxa uu faahfaahinayaa baahida dugsiga H/Dhexe ee GENERAL CAYDIID iyo codsi ah in laga caawiyo sidii baahida iskuulka wax looga qaban lahaa. waxayna farriinta C/Raxmaan Isxal ku soctaa jaaliyadda dibadda ee deegaanka iyo cid kasta oo gacan ka siin karta daboolidda baahida iskuulka. isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yiri C/Raxmaan Isxal yiri; "Run ahaatii baahida iskuulku way badan tahay. laakiin waxaan ka hadlaynnaa inta ugu daran. waxaana ka mid ah:

 

 

    1- Horay sidaan u sheegnay ardada iskuulka dhigata waxay ka kooban tahay 6 fasal. qolalka iskuulkuna  waa 5 qol. sidaas daraaddeed kuma filna. maaddaama ay lagama-maarmaan tahay inaan u helno qol wax lagu baro fasalkaas 6-aad ee ardada kor ku xusan. isla markaana aan ku khasbannahay sannad-dugsiyeedka  soo socda inaan qoranno arday cusub oo 1-aad ah. waxaan si weyn ugu baahannahay
in iskuulka la ballaariyo!.


 

 

2- Wallaallayaal, iskuulku dayd ma lahan. dayd-la'aantaasina waxay nagu haysaa dhibaato badan. waxaana ka mid ah; xoolaha (sida ariga) oo iskaga soo xaroonaya iskuulka.

 

         Waxaa sidoo kale, wakhtiyada xiisaduhu ay socdaan na carqaladeeya ciyaal yaryar oo wax-ma-garato ah. kuwaasoo daaqadaha ka caayaya macallimiinta iyo ardada. waxayna sababtaa carqaladdaasi inay xiisaddu istaagto. taasina waxay nagu tahay dhibaato joogto ah oo ay dayd-la'aanta iskuulku keentay. waxaan aad ugu baahannahay in iskuulka loo dhiso dayd ku wareegsan. si aan uga baxno dhibaatooyinka kor ku xusan ee ay nagu hayso dayd-la'aantu.

 

 

       3- Runtii iskuulku magaalada wuu ka fogyahay. wuxuuna u jiraa in cabbaar ah. mana lahan biyo joogto ah. waxayna dhib ku tahay biyo-la'aantaasi nadaafadda iskuulka . waxayna keeni kartaa biyo-la'aantaasi khatar caafimaad oo ka timaadda xagga musqulaha. waxay kaloo biyo-la'aanta iskuulku dhib gaar ah ku tahay ardada iskuulka oo aan u adkaysan karin harraadka badan. maaddaama maaliintiiba ay iskuulka joogaan 5:30 oo xiriir ah. umana adkaysan karaan oonkaas badan. illeen waa ilmo yaryar e!. marka waxaan u baahannahay inaan iskuulka u helno boyo joogto ah.

 

      4-Dagaalladii ahliga ahaa ee ka dhacay Galliinsoor waxay waxyeello ka soo gaartay saqafka kore (laamayeeriga) iyo darbiyada iskuulka, oo ay rasaasi ku dhacday. saqafka kore meelii ay xabbaduhu ka daldooliyeen ayuu biyaha ka soo daayaa, xilliyada roobka!. qorraxduna meelaas daladaloola way naga qabataa, marka ay kulushay!. waxaan si weyn ugu baahannahay dayac-tir lagu sameeyo saqafka kore ee iskuulka iyo darbiyada!.

Codsi.


     

   Haddaba waxaan idinka codsanaynnaa, haddaan nahay bahda waxbarashada ee degmada Galliinsoor, inaad naga caawisaan baahida kor ku xusan ee waxbarashada. gaar ahaan baahida dugsiga H/Dhexe ee GENERAL CAYDIID. Walaallayaal, gacmo wada-jir bay wax ku gooyaane, iskaashada. si magaaladu (Galliinsoor) ay u horumarto. ku dayda la xiriirana kuwa idinka midka ah ( jaaliyadda dibadda) ee heeganka u ah taageeridda waxbarashada bulshada Galliinsoor. ogaadana carruurta yaryayr ee aan waxbaraynno inay yihiin jiilkii barri idin beddali lahaa. waana kuwii ay mustaqbalka u baxsan lahaayeen dadka reer Galliinsoor.
 

     Haddaan nahay bahda waxbarashada ee degmada Galliinsoor, waxaan halkan uga mahadcelinayaa xubnaha jaaliyadda reer Galliinsoor ee sida joogtada ah u caawiya dugsiga H/Dhexe ee GENERAL CAYDIID. waxaana ka mid ah xubnaaas;

1- Cabdi Cilmi Dagal.


2- C/Risaaq JaamacShidane.


3- Cabdi Kaytoon.

4- C/Raxiim C/lle Cumar.


                                          5- Geeddi Jaamac Shidane. iyo kuwo kale.


        Waxaan kale oo si farxad leh ugu mahadcelinayaa Gabadha magaceeda la yiraahdo Faadumo Kadawe, oo ka tirsan Jaaliyadda reer Galliinsoor ee Ingiriiska. mahadi ha ka gaartee, Faadumo Kadawe waxay noogu deeqday qolka aan qolka (fasalka) waxbarashada dadka waaweyn iyo qalabkiisa oo aan aad ugu baahnayn!. abaal weyn baanan uga haynnaa!. runtii Faadumo Kadawe waa gabar doonaysa dadkeedu inuu la mid noqdo dadka kale ee waxbaranaya. horumarkana higsanaya. waxaanan u soo jeedinayaa gabdhaha kale ee ka tirsan jaaliyadaha dibaddu inay ku daydaan Faadumo Kadawe".
 
 
 
            Ugu dambayntii, maammulaha dugsiga H/Dhexe ee GENERAL CAYDIID ee degmada Galliinsoor C/Raxmaan Isxal, waa nin naftiisa u huray famo-falka bulshadiisa. gaar ahaan xagbarashada. waxaanan hubaa inuu mudnaanta 1-aad siiyo danta guud. mana ka hadlo dhibaatooyinka, gaar ahaan, isaga u haysta. laakiin wuxuu ka hadlaa dhibaatooyinka bulshada haysta!. taasina waa dadnimo ALLE siiyay!. waxaana ka mid ah dhibaatooyinka aan dareemay ee isaga gaar ahaan u haysta, laakiin uu ka xishooday inuu iiga warramo, culayska ku soo kordhay ka dib markii ay Muqdisho ka soo qaxeen qoska C/Raxmaan Isxal. ay yimaaddeen magaalada Galliinsoor. qoyska C/Raxmaan Isxal, oo hadda ka mid ah qoxootiga ku nool magaalada Galliinsoor, waxay ka kooban yihiin 10 carruur ah oo ilmo C/Raxmaan Isxal ah iyo hooyadood. waxayna dul-saar kale ku sii noqdeen C/Raxmaan Isxal oo awalba culays ka haystay wax-baridda dadka reer Galliinsoor.
 
 
 
           C/Raxmaan Isxal waa nin xishood badan. mana jecla inuu ka hadlo baahidiisa gaarka ah. imana soo farin inaan ka hadlo. laakiin anaa dareensan oo isku xil-qaamay. waanan  idin dareensiinayay.
 
 
 
            Waxaan codsanayaa in C/Raxmaan Isxal laga gacansiiyo dhibaatooyinka xagga waxbashada ee ka jira Galliinsoor ee kor ku xusan iyo tiisa gaarka ahba. waxayna kala xiriiri karaan, intii danaynaysa, C/Raxmaan Isxal mobile-kiisa nambarkiisu yahay: +25215-109527.
 
 


 
 

Calideeq Max'ed Xaashi.

nabadda1@hotmail.com

+25290751239

Gaalkacyo, GalMudug, Soomaaliya.

 

 Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com