Madaxwaynaha Dawlada Galmudug oo Maanta Dhagaxdhigay Dugsiga Sare ee magalada  Ceel-Guula. Daawo sawirada

March,2,2010 www.Hobyoradio.com

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Madaxwaynaha Dawlada Galmudug oo Maantay Dhagaxdhigay Dugsiga Sare ee Ceel-Guula .Daawo Sawirada

Anigoo ku hadlaya dhamaan Guddiga u xilsaaran  dhismaha dugsiga sare ee Ceelguula meelkasta oo ay joogaan waxaaan u mahadcelinaynaa Jaaliyadaha Galmudug ee ka qaybqaatay dhaqaalihii lagu dhisay  dugsiga sare ee Ceelguula iyo madaxda Galmudug ee dhagax dhigtay  By. Cumar Awale

Dr.Max'ed Ereg, M/weyne Caalin, W/w Burhaan, Col. Muxuyadin, Dr. Cumar Suri

Macalin Cabdullahi Sh. Yuusuf

Madaxwaynaha Dawlad Gobaleedka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Caalin iyo Wafdi uu Hugaaminaayo ayaa maanta Gaaray Magaalada Ceel-Guula ee Dawlad Gobaledka Galmudug, Madaxwaynaha iyo Wafdigii lasocday ayaa waxay Dhagaxdhgeen Dugsiga Sare ee Ceel-Guula.

 

Inta uu madaxweynaha Gaarin Gudaha Magaalada Ceel-Guula ayaa waxaa Magaalada Banaankeeda Uga Horyimid Dhamaan Shacabka Magaalada Ceel-Guula Ayagoo Gacmaha kuwata Caleemo Qoyan Kunadhawaaqaya {Madaxwayne Soo dhawaaw, Galmudug Hanoolaato iyo Erayo lamid ah}

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Col. Max'ed Ahmed Caalin

 

Waxay Munaasabad Balaaran Kadhacday Goobta Lagadhisayo Dugsiga Sare ee Magaalada Ceel-Guula Ayadoo halkaas ay isgu Soobaxeen Dadwayne aad u Farabadan.
 
 
Waxaa halkaas Qudbado Kaladuwan kasoo Jeediyay wafdigii uu madaxwaynaha hor kacayay iyo Gudiga masuuliyiinta Odayaasha Culuma'udiinka Bulshada Kudhaqan Magaalada Cee-Guula ee Dawlad Gobaledka Galmudug.
 

Wasiirkii hore ee arimaha gudaha ee Galmudug Col. Muxuyadin Macalin cali

Ugu horayn halkaas waxaa Qudbad Kasoojeediyay Macalin C/laahi Sheekh Yuusuf asagoo wacdi u Jeediyay Wafdigii iyo Dhamaan Shacabkii Munaasabadaas Kasooqaybgalay Una Sheegay in Khayrka La isfaro Meelahaan oo kale markii la iskugu yimaado.

Wasiirka qorshayta iyo xiriirka caalamka Dr. Cumar Maxamuud Max'ed Rooble

 

Waxaa Sidookale halkaas kahadlau Cusmaan Cali Bare Asagoo Hadal iyo Gabay aad u Qiirobadan Halkaas kagasoojeediyay Gabaygaas oo ah mid Dhiiro Galin ah Shacabka Galmudugna Kusaabsan.

 

Wasiirka Waxbarashada ee Galmudug  Burhaan Warsame

Marwo Caasha Barre


Waxaa Sidookale halkaas Kahadashay Marwo Caasho Bare oo amaan u jeedisay wafdigii uu hugaaminaayay Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin Marwo Caasho Bare ayaa waxa Wajigeeda Kamuuqday Qiiro iyo Maxabo ay u Qabto Madaxda Galmudug Ayadoo ugu Danbaytii Uducaysay Dawlada Galmudug in ay Jirto Madaxdana ay Jiraan.

Godoomiyaha degmada Ceelguula Dahir Aadan mataan

Waxaa Isna Halkaas Kahadlay Godoomiyaha Dagmada Ceel-Guula ee Dawlad Gobaledka Galmudug Mudane Daahir Aadan Mataan oo marka hore u mahad Celiyay Wafdiga u Yimid Asagoo Sidookale Madaxda Galmudug Kacodsaday in Dagmada Ceel-Guula Ciidankeeda Garablasiiyo oo Dhaqaalo loo raadsho.

Abwaan Cusman Cali Barre


 
 
Qodbooyikii markii ay Kadhamadeen Gudigii odayaashii Culuma'udiinkii waxgaradkii Bulshadii Magalada Ceel-Guula ayaa waxaa Qudbooyikii Galay Wafdigii uu Hugaaminaaya Madaxwayne Maxamed Axmed Caalin.
 
 
Ayadoo Uguhorayn uu halkaas Qudbad Kasoojeediyay Korneyl Muxyadiin Macalin Cali Asagoo ugu Hoarayn Salaamay Shacabka Reer Ceel-Guula Uguna Mahad celiyay Sida Sharafta leh ay u Soodhaweeyeen Asagoo u Sheegay in Maanta ladhagaxdhigayo Dugsigii Sare Ee Magaalada Ceel-Guula Asagoo Sidookale U mahad Celiyay Jaaliyadaha Reer Galmudug ee Kudhaqan Maraykanka oo uu Sheegay inay Dhagaxdhiga Hormuud u yihiin Asagoo Sidookale Baaq u Jeediya Jaaliyadaha Kudhaqan Canada iyo Yurub ee Galmudug inay Kaqayb qaataan Dhismaha Dugsiga Sare Ee Magaalada Ceel-Guula.
 
 
Waxaa Isna halkaas kahadlay Wasiirka Wasaarada Waxabarashada Galumdug Mudane Burhaan Warsame oo ugu Hoarayn u mahad celiyay Ardayda Dugsiga Hoose Ee Magaalada Ceel-Guula Uguna Baaqay inay Waxbarashadooda Siiwataan.
 
 
Waxaa Sidookale Halkaas Kahadlay Wasiirka Wasaarada Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamigaa Cumar Maxamud Rooble {cumar suuri} Uguhorayna Salaamay Shacabka Reer Ceel-Guula Uguna baaqay inay wax Qabsadaan oo ay Ayaga iskood Wax u Qabsadaan Si markaas Dawladu Ay ula Shaqayso.
 
 
Ugu danbaytii Waxaa munaasabadaas Qodbad Qiiro leh Kajeediyay Madaxweyne Maxmed Axmed Caalin Asagoo Sheegay in Safarkiisii Ugu Horeeyay uu Magaalada Ceel-Guula uu Kuyimid Asagoo Dhamaan Shacabka Magaalada Ceel-Guula Ugu Mahad Celiyay Sida ay u Soodhaweeyeen oo Meel Magaalada Kabaxsay ay Uga Horyimaadeen Ugudanbaytii wuxuu Ugu baaqay Shacabka Magaalada Ceel-Guula in ay Kashaqeeyaan Nabada Gobolada Galmudug iyo Dagmooyikooda ay Dawlada oo kaliya aan Lagu halayn Dadka Hoos u Dhigaya Magaca Galmudug in La Iska Qabto oo waa Dad anaga Nagadhashay waa in Laqabtaa Sidaa waxaa Yiri Maxadaweyne Maxamed Axmed Caalin.
 
 
Isku soo wadaduub Gaba Gabadii Munaasabadaasi Ayaa Wafdigii uu Hogaaminaayay Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin iyo Masuuliyiintii Magaalada Ceel-Guula iyo Shacabkiiba waxaa Ladhagaxdhigay Dugsiga Sare Ee Magaalada Ceel-Guula Dawlad Gobaleedka Galmudug.
 
 


By Agaasime Siciid Jaani
Hobyo Radio Gaalkacyo Galmudug Soomaalia
Siciidjaanii@hotmail.com

 

Daawo Video laga soo duubay

Waa naqshada cusub ee dugsiga sare Ceelguula

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com