![]() |
||
|
|
||
|
FADLAN CAAWIYA-FANAANKA CAAN AH- C/LAAHI AMIIN ROOBLE(AW-KUU KUU).
March,20,2008 www.Hobyoradio.com
Anigoo ah Mudane Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab) kana
mid ah bahdda warbaahinta iyo saxaafadda Somaliyeed(Gaar
ahaan Qeybta Qalinka) hada iyo jeer ka hadla Arr.Bulshadda
Isu gargaarida iyo Taakuleynta Dadka tabaaleeysan,Caruurta
agoomaha,Naafada Xooga Dalka iyo Muwaadiniinta ku dhiban
ama ku Barakacsan Duleedka Caasimada Muqdisho,ku dadaala
Camalka Insaaniga Kheeyrka leh.
Qormadaan Maanta waa mid ku saabsan Muwaadin caan ah
oo ka mid ahaa Kooxdii Qaranka(Hoobaladii Waaberi)kuwa ugu
Magac weynaa dhanka Majaajiladda-Abwaan-Fanaan-C/LAAHI
NUUR ROOBLE(AW-KUU KUU) oo ku Xanuunsan Magaaladda
Muqdisho daryeel la'aan weyn,Dhaqaalle Xumo iyo dayac badan
Runtiina xaaladiisu meel xun mareeyso,iyadoo la wada ogyahay
Duruufaha ka jirra Dalkeena Hooyo xiligan iyo dayaca Bulshadda
heeysta,Fanaan Aw Kuu kuu wuxuu il-Naxariis leh,Gacan taahiin
iyo Baaqo Walaalnimo-Islaanimo iyo Somalinimo u soo diraayaa
Guud ahaan Jaaliyadda Somaaliyeed qurba jooga ah,gaar ahaan
Bahdda Fanka Iyo Sugaanta(Xubnihii Kooxihii Qaranka).
Hadda Anigoo garan karaayo
Dareenka Wanaagsan,damiirka
nool,Qiirada Bani-aadaminimo
iyo Isku xirnaanta u dhexeeysa
Bahda Fanka iyo Suugaanta oo
ah Qoys keliya-Waxaan halkan
Fariin gaar ah u Gudbinaayaa
Xidigihii waaweyn Fanaanta iyo
Abwaanadii Caanka ah in eey u
Gargaaraan Walaalkood Xidiga
Weyn-Fanaan-AW-KUU KUU,
Waxaan si gaar ah Halkan ugu
Xusaayaa Shakhsiyaad ku caan
ah Bani-aadanimada,Naxariista
iyo ka War-qabadida Bahdda
Fanka Iyo Suugaanta:-Tusaale
ahaan:-
1-Xidigta-Maryan Mursal Ciise.
2-Xidigta-Faadumo Qaasim Hiloowlle.
3-Xidigta-Saado Cali Warsamme.
4-Xidigta-Hibo Xaaji Maxamed(Hibo Nuura).
5-Xidiga-Xassan Aden Samater.
6-Xidigta-Faadumo Cali Nakruuma.
7-Xidigta-Feeynuus Sh.Daahir.
8-Abwaan-Mustafe Kiiko.
9-Abwaan-Maxamed Aden Dacar.
10-Abwaan-Saciid Saalax Axmed.
11-Xidiga-Cabdi Xassan Dige.
12-Xidiga-C/Laahi Hanuuniye.
13-Xidigta-Nimco Yaasiin Caraale.
14-Xidiga-Axmed Cali Cigaal.
15-Xidiga-C/Qaadir Macalin Jubba.
16-Xidigta-Khadra Daahir Cigge.
17-Abwaan-Cabdi Shire Jaamac(Ciyaar-jecel).
18-Xidiga-Aweeys Khamiis Cabdalla.
19-Xidigta-Shax-shaaxleeey.
20-Xidiga-Maxamed Axmed Kuluc.
21-Xidiga-Maxamed Saleeban Tubeec.
22-Abwaan-Maxamuud C/Laahi Sangub.
23-Abwaan-Barre Maxamed Fiidoow.
24-Xidiga-C/Risaaq Baadil.
25-Xidigta-Khadiija C/Laahi (Daleeys).
26-Xidigta-Sahra Axmed Jaamac.
27-Xidigta-Seeynab Cigge.
28-Xidigta-Faadumo C/Laahi Kaahin(Maandeeq).
29-Xidiga-Saalax Qaasim Naaji.
30-Xidiga-Muuse Maxamed.
31-Xidiga-C/Raxmaan Aw-Koombe.
Iyo Guud ahaan Bahdda Sanka Iyo Suugaanta Qurba jooga ah.
Gunaanadka Fadlan Il-Naxariiseed,Islaanimo,Walaalnimo iyo
Bah-wadaaga Faneed ku eega Fanaankaas Xanuunsan Maanta
si weyn ugu baahan Gargaar Bani-aadanimo,Caawiin iyo Gacan
u Fidiinteenaba-Waxaan ku Rajo-weynahay in Baaqaasu heli
doono ma la kulmi doono Dareen,Damiir nool iyo Qalbi Naxariis
leh oo Dareema Xaaladda Caafimaad El- Fanaan-Aw Kuu Kuu.
Fiiro Gaar ah-Wixii Faahfaahin ah ka eeg- www.hiiraan.com
-ALLAH MAHAD LEH-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-England-UK-20/03/2008-
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||