Kulan xasaasi ah oo ay ay ka qayb galayaan masuu’liyiinta dawlad goboleedka galmudug satate, saraakiisha amniga galmudug,odayaal dahqameedyada galmuudg,jaaliyada galmudug,Ururada dhalin yarda galmudug,iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer galmuudg ayaa manta ka furmay xarunta madaxtooyada Galmudug state ee magaalada Gaalkacyo
Kulankaan oo looga hadlayo amaanka guud ee gobolka mudug ayaa waxaa la isla lafa gurayaa sidii wax looga qabn lahaa amaan darida baryahaan ku soo badanaysa qaybo ka mid ah gobolka oo gaalkacyo ay ka mid tahay
Kulanaan balaaran ee ka furamay xarunta Galmudug state ee gaalkacyo oo manta uu shir gudoominayay ku simaha madaxweyanaha galmudug mudane cabdi zamad nuur guuleed ayaa u muuqda mid aan loo kala kacayn ilaa laga so saaro go’aamo muhim ah oo wax looga qabanayo amaan darida gobolka ka jirta.'

.JPG)
Cabdi zamad nuur guuleed ku siamha madaxweyanaha oo manta saxaafada kula hadlayay gudaha xarunta Galmudug oo uu shirku ka socday ayaa sheegay in inta badan kulan looga hadalayo sidii wax looga qaban lahaa amaanka gobolka mudug oo ay ku jirto kala dhaca gaadiidka iyo is qab qabsiga dhanka dhulka ah oo baryahaa ku soo badaya Gaalkacyo
Iyo sidoo degmooyinka gobolka mudug oo laga soo sheegayo xoolo la kala dhacay Waxa uuna mudane cabdi zamad fallkaan amaan darida ah ku eedeyay dad aan gobolka horay ujoogin oo dhawaanahan soo galay isla markaana doonaya in ay qal qal galiyaan nabadda gobolka ka jirtay.
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
Waxa uuna mudane cabdi zamada wacad ku maray in ay talaabo adag ka qaadi doonaan kooxahaas Waxa uuna ugu danbayntii kusimaha madaxweynuhu sheegay inaan kulankaan loo kala kacayninn ilaa laga gaaro heer mira dhal ah Kulankaan manta ka furmay madaxtooyada galmudug satate ayaa ku soo beegmaya xili magaalada gaalkacyo laga daremayo amaan dari mararka qaar sababtay dhimsho iyo dhaaawac Oo ay sabab u yihiin kala dhaca gaadiidka iyo isku qabsiga dhulka banaan ee hareerha Gaalkacyo.

Cabdalla Max’d Cabdille
xaafiiska hobyoradio Gaalkacyo
GalMudug State SOMalia
Mobail:0025290752260