Magaalada Gaalkacyo Oo ay Ku Soo Badanayaan Falal Amaan Dari ah
Kala Dhaca Gaadiidka Oo Heekii Ugu xumaa Gaaray.Daawo noocyada
Gawaarida ladhacay

March,20,2008  www.Hobyoradio.com


Magaalada Gaalkacyo ee xarunta G/Mudug ayaa waxaa baryahaan ku soo badaya amaan dari baahsan oo saamayn ku yeelatay qaybaha bulshada  Gaalkacyo Waxaa mudooyinkaan magaalada ku soo badanaya kala dhaca gaadiidka gawaarida ah ayadoona asbuucaan oo kaliya la kala dahcay ilaa 5gaaari oo nooc yar ayr ah qaarkoodna magaalada Gaalkacyo lagala baxay oo lal aaday gobolo kale halka kuwo kalana gudaha magaalada lagu haysto
Dhawaan ayaa gaari nooca loo yaqaan markeedka oo maray gudaha magaalada Gaalkacyo waxaa rasaas ooda ug qaaday kooxo hubaysan oo doonayay in ay dhacaan balse aysan ku guulaysan waxaana rasaastaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah ururada dhalinyarada gobolka mudug oo lagu magacaabo C/qaadir daahir cabdi {xalane} oo gaariga la socday dhaawiciisuna uu had yaalo isbitaalka weyn magaalada gaalkacyo ee Galmudug state.


Falkii uguu danbeeyay ee kala dhaca gaadidka ah ayaa fiinimadaii xalay dhacay kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac kadib markii kooxo hubaysan ay rasaas huwiyeen gaari nooca looyaqaan laya calaawi oo maray gudaha magaalada gaalkacyo o dhaacayeen sida ay goobjoogayaal hobyoradio usheegeen waxaana halkaasi ku geeryooday wadihii gaarigaas waxaana ku dhaawacmay nin kale oo isna ka mid ah dakii wada marayay oo ay haleeshay rasaasta ay kooxahaasi gaariga la beegsadeen aydoona gaarigii ay minka gacanta ugu jiro kooxdii soo dhacay Sidoo kale laba maalin ka hor ayay ahayd markii laba maleesho dagaal culus ku dhex maray duleedka magaalada gaakacyo aga gaarka airboorka gaalkacyo.


Kooxahaas oo isku haysatay dhul banaan oo ku yaal halkaasi dagaalkaas ayaa waxa uu sabababay dhimsho iyo dhaawac soo gaaray labadii dhinac ee dagaalku dhexmaray iyo daka rayidka ah oo rasaasta habawga ah ay haleeshay waxaana dhaawacyadii ka dhashay dagaalkaas wali ay yaalaan isbitaalada magaalada gaalkacyo oo lagu daawaynayo.


Waxaana arimahaani nabd galyo darida ah canbaareeyay qaybaha kala duwan ee bulshda reer gaalkacyo oo ugu baaqay maamulada ka jira gobolka in ay wax ka qabtaan.


 
Cabdalla Max’d Cabdille
xaafiiska hobyoradio Gaalkacyo
GalMudug State SOMalia
Mobail:0025290752260
 

 Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com