SOO DHOWEEYNTA WARBIXINTA KHABIIRKA XUQUUQDDA BANI-AADAMKA UN-KA.‏

March,22,2008  www.Hobyoradio.com

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo
Cadaaladda codka u taagan difaacida Xuquuqdda iyo xoriyadda
Muwaadiniinta Somaaliyeed waxaanu halkan ku cadeeyneeynaa
Soo dhoweeynta iyo Taageerida warbixinta Khabiirka Qaramada
Midoobey u Qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Bani-aadaamka Dalka
Somaaliyeey Proff-Qaaniin El-Najaar oo dhalashadiisu tahay
Dalka Kuweyt,Warbixintaas oo wuu u gudbiyeey Golaha Gaarka
ah ee Arrimaha Xuquuqdda Basharka(Bani-aadamigga).
 
 
   Sida Warbixintu tilmaantay waxaa Dalka Somaaliya ka dhacay
Sanadkii la soo dhaafay 2007-kii Tacadiyo heer gabood fal ah
oo lagu xasuuqay Dadka gaaraaya 7.000 qof kuwaas oo eey ka
Masuuliyiin Dilkooda Ciidanka Itoobiya iyo Meleeshiyaadka eey
leeyihiin Rajiimka Ilma Daafaareey(Maryo Casta) iyo Xoogagga
Muqaawamada qaarkood sida Khabiirku u dhigay,runtii Dadka la
Dhilay intaas ka badan waxaana lagu qiyaasaa ilaa 20.000 qof
oo Rayid ah,waxaa kalle oo xusid mudan warbixinta khabiirka
Tilmaantay in Xabsiyo Qarsoodi ah oo gaarkood ku dhex yaalo
Xarunta Madaxtooyadda Villa Somaaliya eey ku jiraan Dadka
Gaaraayaa ilaa 1.500 qof(Anagoo Qireeyna in Xoogagga iska
Caabinta Gumeeysiga ku taagan yihiin Xaq Sharci ah(Ururka
Dip u Xoreeynta Somaaliyeed).
 
 
         Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimadda iyo
Cadaaladda oo u arka Warbixinta Khabiirka mid la oran karaayo
waxbeey ka Sheegay xaaladda cakiran iyo Gabood falka ka jirra
Dalkeena Hooyo,waana mid wadada u fureeysa Baaritaano iyo
Xaqiiqo raadinta si loo ogaado heerka Gabood falka iyo Cidda
Masuuliyadiisa tooska leh,waana masuuliyada saaran Golaha
Illaalinta Xuquuqdda Basharka UN-ka iyo Intii Damiir nool leh,
iyadoo la wadda ogyahay in eey jiraan Jeelal Qarsoodi ah oo
ku yaal Dalka Itoobiya eeyna ka buxaan Muwaadiniin Somaali
ah laga soo qafaasheey Caasimada Muqdisho iyo Gobolo kalle,
Maamulka Jeelashaas gacanta ku hayaana waa CID-Mareykanka
iyo Sirdoonka Itoobiya waxaana lagu qiyaasaa Dadka ku jirra
Ilaa 10.000 oo qof,iyadoo la wada ogyahay in Tirada Dadka
Bara-kacsaan gaaraayaan 1.7000 kun-Haween-Caruur iyo Dad
Waayeel ah oo dhibaatooyin Bani-aadaminimo iyo Aamaan
Xumo heeyso.
 
 
   Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed wuxuu ugu baaqaayaa Hogaanka
Sarre ee Ururka Isbaheeysiga Dip u Xoreeynta Somaaliyeed ka
Faa'iideeysiga Warbixinta Khabiirka Proff-El-Najiib oo tix-raac u
Noqon kareeysa Xaalada ka jirta Dalkeena Hooyo,loona baahan
yahay daba-galka iyo u Ololleeynta sidii loo heli lahaa Gudi soo
Baara Xaqiiqada jirta iyo heerka Gabood falka gaarsiisan yahay,
Sidoo kalle waxaanu ugu baaqeeynaa Jaaliyada qurba jooga ah
Abaabulidda Banaan baxyo Nabadeed baaxadooda leh oo lagu
Cambaareeynaayo Tacadiyadda,Xasuuqyadda iyo Dhibaatadda
Ciidanka Gumeeysiga Itoobiya iyo Rajiimka Fadhiidka eey ka
Wadaan Dalkeena Hooyo, Sida ku haboon Aduunka loogu soo
Bandhiggo,Gunaanadka wuu Mahadsan-tahay Proff-Qaaniin El-
Najaar Khabiirka Xuquuqdda Aadamigga UN-ka.
 
 
 
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda-
-England-UK- 22/03/2008-
 

 Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com