![]() |
||
|
|
||
|
BAAQ CIIDANKA RAJIIMKA:- KU BIIRA XOOGAGGA WADANIYIINTA SOMAALIYEED.
March,22,2008 www.Hobyoradio.com
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,Midnimadda iyo
Cadaaladda codka Muwaadiniinta xalaasha ah,Difaacada Diinta
iyo Dalka u taagan,diidan Gumeeysiga iyo heeryadiisa culeyska
weyn leh,waxaanu halkan Baaq cad u soo jeedineeynaa Askarta
iyo Saraakiisha Ciidanka Rajiimka fadhiidka ah(Ilma Doofareey)
oo la safan Ciidanka Itoobiyaan Xasuuqa,gumaadka,bara-kicinta
iyo Bililiqeeysiga hantida Dadweynaha Somaaliyeed ka wadda
Caasimadda Muqdisho in eey isaga soo tagaan kuna soo biiraan
Xoogagga Ururka Dip u Xoreeynta Somaaliyeed.
![]()
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo ka duulaaya Masuuliyadda
Diimeed,Qarameed iyo akhlaaqeed oo ka saaran Dalkiisa Hooyo
wuxuu baaqaas ku saleeynaayaa ahamiyada midnimada,wadda
Jirka Ummadda Somaaliyeed oo baahida weyn loo qabo Maanta
oo Halgan hubeeysan lagula jirro Gumeeysiga Dalkeena ku soo
duuliyeey Duhurka cad,Taageeradna ka heeysta Rajiimka Bush
Hogaamiyaha Gumeeysiga cusub(Argagaxisada Aduunka), inta
Damiirka iyo dareenka leh laakiin markii hore la qalday waxaan
ugu baaqeeynaa wadda toosan,Garashada wadaniyadeed iyo
Gudashada Waajibaadka Dalkooda Hooyo ku leeyahay oo ah:-
Daaficiisa,Illaaliinta Karaamadiisa iyo Jiritaanka Qaranimadda.
Dhaq-dhaqaaqa Somaliyeed wuxuu mar labaad ku adkeeynayaa
Xubnaha Ciidanka Rajiimka Ilma Doofaareey garashada xaqa iyo
Qiimaha xoriyadda,Qaranimadda iyo Maqaamka Dalkeena,Diinta
iyo Dadkeenu leeyahay,kana waantoobaan la duubnidda,Gacan
siinta Ciidanka Gumeeysiga Itoobiya,si cadna u diidan Amarka
iyo Qorshaha Madax ku sheega shisheeye kal-kaalka ah ku soo
Biirra Xoogagga Wadaniyiinta Soomaaliyeed,Cududdiina iyo
Aqoontiina ku kaaliyaha Halganka dip u Xoreeynta Dalkeena iyo
Soo celinta Karaamadeena Ummadeeda-Allah Weyn-Guushana
Xaq u Dirirka ayaa leh Inshaa Alle(Hadii kale Beri waxaa imaan
doona Xisaabtan iyo Maxkameeynta Cidii Gumeeysiga raacday
waana Sharaf dhac iyo ceeb weyn(Gumeeysi raacnimadu).
![]()
-Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda-
-England-UK- 22/03/2008-
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||