![]() |
||
|
|
||
|
Ogaysiis. Waxaa la ogaysiinayaa Jaaliyadda dibadda inay kasoo qaybgalaan kulan qadka taleefoonka oo ay Guddiga Abaaraha GalMudug ka warbixinayaan abaarta xun ee ku dhufatay dadka iyo duunyadda. March,23,2009 www.Hobyoradio.com
Ogaysiis. Waxaa la ogaysiinayaa Jaaliyadda dibadda inay kasoo qaybgalaan kulan qadka taleefoonka oo ay Guddiga Kormeerka Abaaraha GalMudug ka warbixinayaan Abaarta xun ee kudhufatay deegaanadda Galmudug State.
Hoos ka fiiri Numberka
FADLAN GARGAAR WALAALKAA OO BIYALA AAN IYO CUNTOLA AAN LA ILDARAN Abaaro dadka iyo duunyadaba saameeyey ee ka jiro Galmudug
Markii ay muddo dheer roob la’aan ka jirtay deegaanka Galmudug oo oo uu baaqday xilligii roobka ayaa waxaa xaalufay dhirtii taana waxay saameysay in ay xoolahii la’daan, dadkuna macluulo. Abaartaa ama jiilaalka dheeraadey wuxuu keenay dabeylo kulul ama hanfi iyo ciid siigo casaan ah la socoto ee sida roobka u soo da’eyso. Abaaruhu waxay keeneen in qoysas badan oo ku noolaa degmooyinka, tuulooyinka iyo dhulka beeraha leh in ay ka hayaamaan oo meel biyo leh nafleyda la doonaan, in kastoo laga cabsi qabo in inta badan xooluha iyo dadkaasi intooda badan ku dhibaatoodaan hayaanka dheer ee natiijadiiso biyola’aantu tahay. Dadka Galmudug ee intooda badan xoola dhaqato ah ayaa waqtiga xaadirka ah la soo deristay abaaro halis ah oo waxaa sii kordhaya marba marka ka dambeyso jiilaalka iyadoo dadka iyo duunyadaba ay halis ugu jiraan in ay soo wajahdo masiibo bani’aadnimo. Sidaas darteed ayaa gudiga kormeerka abaaraha ee ka socdo Dawlad Gobaleedka Galmudug socdaallo ku kala bixiyeyn meelaha ay abaaruhu ka jiraan waxayna soo saareen warbixin dheer ee sawiro naxdin leh ku lifaaqanyihiin. Guddiga Kormeerka Abaaraha ee ka socda Maamulka Galmudug ayaa waxay qeylo dhaan u direen xukuumada, hay'aadaha iyo cidkasta oo gar gaaar ka geysan karta abaaro aafeeyey deegaanka Galmudug. Waxayna ka digeen in abaaruhu halis ku yihiin dadka iyo duunyada ku dhaqan geyiga hadii aanan gurmad deg-deg ah lala soo gaarin. Cumar Axmed Gunaanad: Walaal meelkasta oo aad joogtid ku hagaaji lacagta aad ku tabarucaysid Account Dahabshiil ee Gaalkacyo Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed ee Illaah wax siiyay in ay gacan u fidiyaan walaalahood,waxaan kaloo ka codsanaynaa Maamulka Gal-mudug in uu arinka siiyo muhiimad aad iyo aad u saraysa meelkastan uu gaarsiiyo qayladhaan. Gudoomiyah gudiga abaaraha MURSAL HASHI SHIRWAC Telefonka:- 25262360141/252.90.756465 Xoghayaha gudiga Abaaraha AHMED BAASTO Telefonka:- 25290788796 Xisaabiyaha Guud : C/shakuur Cali Cumar Telefonka: – 0025290657495 Account No. D00209- Dahabshiil, Galkacyo C/aziz Xogolof San Diego, California,USA
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||