Fanaan Axmed Nuur Jaangoow oo Maanat ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho xili uu xanuunsanayay.

March,25,2008  www.Hobyoradio.com

Fanaan Axmed Nuur Jaangoow oo Maanat ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho xili uu xanuunsanayay.


Allaha unaxariistee waxaa Maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Fanaanka Caanka ah ee Soomaaliyeed Axmed Nuur Jaangoow oo kamid ah Laxamiistayaashii Soomaaliyeed ee aan la hilmaami karin.


Agaasimaha isbitaalka Madiina oo uu ku geeriyooday ayaa sheegay in xalay Fiidkii Isbitaalka lasoo gaarsiiyay Fanaanka oo xanuunsanayo Maanta uu ku geeriyooday isbitaalka.


Dhaqaatiirta isbitaalka Madiina ayaa sheegay in Fanaanka looga soo booday Wadnaha taas oo keentay in uu Geeriyoodo.


Al-fanaan Axmed Nuur Jaangoow ayay Shacabka Soomaliyeed ku xasuustaan kaalintii muuqatay ee uu kulahaa Fanka Soomaaliyeed oo uu uga jiray dowr Muhiim ah oo aan la hilmaami karin.
=========.

=============.

 

Muqdisho, Somalia

 Maxaa Ka dambeeyay Dictator Milez Zanawi  iyo Cali Geedi

 

Doqoni Dibir Kama Dharagto

 Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com