Dukaamada Ganacsiga magaalada Muqdisho oo Maanta albaabada loo-laabay kadib markii uu Cirka isku shariiray Saraifka Lacagaha Dollar-ka.
waxaa Maanta cirka isku shareeray Maciishada kaladuwan ee laga isticmaalo magaalada Muqdisho, qaar katirsan Dukaamada ganacsiga magaalada Muqdisho ayaa albaabada loo laabay kadib markii uu qiimihii ugu sareeyay gaaray sarifka lacagaha Suuqa Bakaaraha.
shacabka Soomaaliyeed ee danyarta ah ayay saamayn kuyeesheen sara ukacan kuyimid Maciishada xili ay dagaalo gumaysi diid ah kasocdaan caasimadda,100$-kii Dollar ayaa Maanta gaaray qiima dhan 3000-Milyan oo Shilin Soomaali ah.
Xiligii ay Maxkamaduhu katalinayeen Dalka Soomaliya waxay Maciishaddu ahayd sidan.
Sarrifka 100$-------------1400,000 Sh So, ugu badnaan
Kiiladii Sokorta-------------6,000 Sh So
Kiiladii Bariiska--------------4,000 Sh So
Kiiladii Burka------------------6,000 Sh So
Koombadii Galleyda------------2,000 Sh So
Koomadii Digirta-----------------4,000 Sh So
Liitarkii Saliid Caddeyda----------18,000 Sh So
Liitarkii Saliid Macsarka-------------12,000 Sh So
Liitarkii Shidaalka---------------------15,000 Sh So
Xiligii ay Muqdisho soo galeen Tikreega iyo Marya calastu Maciishaddi waxay naqatay sidan.
Sarrifka 100$-------------25900,000 Sh So, (Mana fadhiyo)
Kiiladii Sokorta-------------16,000 Sh So
Kiiladii Bariiska--------------19,000 Sh So
Kiiladii Burka------------------20,000 Sh So
Koombadii Galleyda------------9,000 Sh So
Koomadii Digirta-----------------12,000 Sh So
Liitarkii Saliid Caddeyda----------54,000 Sh So
Liitarkii Saliid Macsarka-------------40,000 Sh So
Liitarkii Shidaalka---------------------34,000 Sh
=============.