Baaq  laga soo saaray xaaladda abaareed ee ka jirta gobolada dhexe   Mudug iyo Galgaduud.

March,25,2008  www.Hobyoradio.com

Masu’uliyiin ka tirsan dawladda FKMG. Iyo dawlad goboleedka galmudug satate ayaa warsaxaafadeed ka kooban ilaa shan beej wax ay ka soo saareen xaaladda abaaraha ee gobolada dhexe ka jira

Masu’uliyiintaan ayaa warsaxaafadeedkooda ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in deegaanada mudug iyo galgaduud ay abaaro xoogani ka jirtay isku cel celis ahaan mudo dhan sadex sano oo ay abaaruhu horseedeen nolol xumo bulsho,baaba dhaqaale,wax soo saarkii iyo khayraadkii xoolaha oo la waayay tasin ay dadweynaha gobolka ku u horseeday dhibaatooyin kale oo ay ka midka yihiin khayraadkii dabiiciga ahaa ee ay ku tiirsanaayen nolosha xoolaha oo ay ka mid yihiin in ay meesha ka baxday fursaddii bulshadu uga faaidaysan jireen

 

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in baaritaano la sameeyay lagu ogaaday in arintaani ay dhalisay barkac balaaran oo gobolka ah  iyo dhibaato dhincayo kala duwan taabanaysa sida in ay meesha ka baxday kaalmooyinkii laga soo diri jiaray dibadda oo la waayay

 

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in hay’adaha ICRC iyo Care international ay mahad sanyihiin  dadaalada ay ka sameeyeen qaybo badan oo ka tirsan mudug iyo galgduud sida dadka ka barakacay ay u heli lahaayeen kaalmooyin kooban oo cunto iyo biyo ah

 

Warsaxaafadeeka ayaa ugu danbayntii lagu sheegay in dhibaatooyinka baaraha ka dhasahay ee barkaca ah loo baahan yahay in wax laga qabto.

 

Warsaxaafdeedkaan oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray xarunta Hobyoradio ee Gaalkacyo waxaa ku saxiixnaa

 

1: Axmed Ducaale Geelle {Xaaf}                           Xildhibaan ka tirsan DKMG

 

2: Cabdi Samad Nuur  Guulee                                Kusimaha madaxweynaha galmudug

 

3:  Xasan Xaarax  Barre                                           Gudoomiayaha gobolka Galmudug

 

4: C/laahi Jaamac C/lle   ( xabeeb)                           Gudoomiyaha amniga Gal mudug

 

5: Xuseen C/lle aw cali                                              Gudoomiyaha degmada Galkacyo, Galmudug

 

6: Maxamed axmed caalin                                          Gudoomiyaha gobolka Hobyo

 

7:  Sheekh  Ciid                                                             Madaxa Culumaa’udiinka

 

8: Sheekh Mursal Cilmi Dhagood                                Gudoomiyaha garsoorka

 

9: Cissmaan nuur Qayd                                                 Oday dhaqameed

 

10:  Yuusuf   Xaashi Cilmi                                                  Oday dhaqameed

 

11:  Macalin Maxamed Nuur Cali                                   Oday dhaqameed

 

Cabdalla M.Cabdulle
hobyoradio Gaalkacyo
Galmudug State SOMalia
Mobail:0025290752260
Cabdalla45@hotmail.com  

 

 Maxaa Ka dambeeyay Dictator Milez Zanawi  iyo Cali Geedi

 

Doqoni Dibir Kama Dharagto

 Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com