Ciidamada Xaq udirirka Soomaaliyeed oo saakay qabsaday Magaalooyinka Jowhar iyo Mahdaay oo kawada tirsan Gobalka Sh/dhexe.

March,26,2008  www.Hobyoradio.com

Ciidamada Xaq udirirka Soomaaliyeed oo saakay qabsaday Magaalooyinka Jowhar iyo Mahdaay oo kawada tirsan Gobalka Sh/dhexe.


Xoogaga Waxiska caabinta Soomaaliyeed ayaa Maanta xoog kugalay magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Sh/dhexe oo kamid ah meelaha ay dhibaatada kawadaan Maleeshiyda Kooxda Mbagati ee lashaqeeyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya.


Dagaal qaraar oo aan waxbadan socan kadib ayay xoogaga waxiska caabinta Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed waxay lawareegeen magaalada Jowhar ee xarunta ah iyo degmada Mahadaay oo iyana katirsan Gobalka Sh/dhexe.


saaka aroortii Saacaddu markii ay kubeegnayd 6:10-Daqiiqa ah ayay Ciidamada Maxkamadaha islaamaka Soomaliyeed oo ku hubaysan hubka waaweyn waxay guadaha usoo galeen magaalada Jowhar oo ay ka cayriyeen Maamulkii gumaysi raaca ahaa iyo Maleeshiyadii taabacsanayd.


Goob jooge lagu magacaabo Max'med sariye ayaa Hobayoradio.com usheegay in Xoogagii magaalada soogalay ay Qaniimaysteen hub iyo saanad meleteri oo ay lahaayeen Kooxda Tuugada ah.


Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ayaa magaalada kasoo weeraray dhowr jiho taas oo sababtay in si sahlan loo wiiqo awoodii Maleeshiyada Kooxda Mbagti, Afhayeenka Ciidamada Maxkamadaha Islamaka Mudane Cabdi Raxiin Ciise Caddoow ayaa sheegay in Ciidamdoodu ay qabsadeen Jowhar markii ay Cadawga jebiyeena ah isaga bexeen magaaladda.
=============.

 

 

Muqdisho, Somalia

 Maxaa Ka dambeeyay Dictator Milez Zanawi  iyo Cali Geedi

 

Doqoni Dibir Kama Dharagto

 Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com