Munaasabad looga Hadlayay Dhiaabatda Cudurka TB Oo lagu Qabtay xarunta Isbitaalka Weyn Magaalada Gaalkacyo Ee Galmudug state. Daawo Sawirada. wariye cabdalle

March,26,2008  www.Hobyoradio.com


Munaasabddaan oo ay soo qaban qaabiyeen masuuliyinta iyo shaqalaaha isbitaalka ayna ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan dawlad goboleedka Galmudug state, marti sharaf kala duwan iyo bahda saxaafadda ayaa waxaa lagooga hadlayay dibaatooyinka uu bani aadmka ku leeyay cusurka TB-da aydoona munaasabaddaani lagu soo beegay 24 maarso oo ah maalin inta badan dunida caalamka oo soomaliya ku jirto xafladu lag dhigo laguna soo bandhigo dhibaatooyinka uu leeyay cudurkaasi.


Waxaa munaasadbada oo kadhacaday  isbitaalka Gaalkacyo ugu horayntii lagu furay aayadaha quraanka kariimka oo u aqriayay burhana warsame xirisi. intaasi ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay agaasimaha guud ee isbitaalka gaalkacyo dhanka galmudug mudane D.r.Max’d cabdi axmed oo umahad celiyay ka soo qayb galayaasha munaasabadda waxa uuna agaasimuhu faah faahiayay wax yeelada cudurka iyo in isbitaalka uu leeyay qayb ugaarka daawaynta cusurkaasi oo ay ka faaidaysteen dad badan oo cudurkaasi qabay.

Waxa  uuna Dr. Max’ed Cabdi uu xusuy in ay jiraan dhawr qof oo kamid ah shaqaalaha isbitaalka oo cudrka laga helay hadan daawada si fiican u qaata sahqadoodan ay si wanaagsan u gutaan.


Waxa uuan meeshe ka saaray argtida ay daku ka aamin sanyihiin cudurka oo uu qof walba ku dhici karo daawadiisuna ay aad usahlan tahay waa hadii daawada sidii loogu talaglay loo qaato Wax uuna ugu danbayntii agaasimuhu ugu baaqay qaybaha bulshada in ay isbitaalka la soo xiriiraan qofkii loogashakiyo cudurka daawo wanaagsana la siinayo iyo xaano wangaasan
Wax kaloo munaasbadda ka hadalay madaxa qaybta TB-da ee isbitaalka Dr. C/risaaq max’ed xaashi oo sharax ka bixiyay marxaldiihii kla duwanaa ee qaybtaasi ay soo martay iyo bukaandii lagu daaweeyay waxa uuna sheegay mudanc/risaaq in hadda ayqaybtu marayso heerwnaagsan oo bulshadu ka wada faaidaysatay.


 
Waxa aintaasi ka dib lagu soo dhaweeyay munaasbada oohadal ka jeediayay kusimaha gudoomiyaha gobolka mudug ahna ku xigeenka koowaad ee gudoomiayaha gobolka mudane aweys cali saciid oo amaan u jeediayay mamaulka iyo shaqalaha isbitaalka oo uu sheegay in ay hawl muhiim ah u hayaan bulshada soomaalieed oo dhan oo ibitaalka uu yahay mid ka dhamays tiran dhinacyada kala duwan ee tasiilaadka oo ay daawadu ugu muhiimsantahay wax uuna gudoomiye aways ugu baaya bulshada gobolka mudug in ay u istaagaan nabadda iyo la shaqanta maamulka isbitaalka.


 
Masu’uliyiintii ka hadashay xafladdaadsi balaaran waxaa ka mid ahaa agaasimaha ururka SOSDA mudane C/Naasr C/laahi {shuuke xogolof} oo sheegay in ururkiisa uu hadda hayo qayb lagu daaweeyo cudurka TB oo ka dhisan deegaanka Celguula wada shaqayna ay lee yihin ururka MDO oo ah ururka maamul ahaan gacnta ku haya isbitaalka gaalkacyo iyo hay’adda MSF oo dhanka daawada iyo mushaaraadka bixisa isbitaalada Gaalkacyo iyo Celguula.
 
Shuuke xogolof ayaa sheegay in sandkaan ururkiisa SOSDA uu qorshaynayo sidii uu deegaano badan oo ka tirsan galmudug ugaarsiin lahaa hawlaha samaflka gaar ahaan dhank caafimaadka oo uu xusay in dadka ku dhaqan deegno ka tirsan galmudug ay haystaan caafimaad dari walibana dhanka cudurka TB isla markaana dhawan safar uu ku soo maray qaar ka mid ah deegaanadaas uu indhihiisa ku soo arkay dad badan oo dhibaataysan qaasatan daka qaba TB ayuu shuuke sheegay in daawo aan loo qorin oo dukaamda qaar ay ka qaatana oo pharmacy xita jirin taasina ay ka mid tahay dhiaabtooyinka cudurka uu bulshada ku leeyahay iyo daryeel la’aanta hysata dadkaas.
 
Masu’uliyiin ay kamid ahaayeen nabdoon geesey iyo cali baashi ayaa sharaxay dhibaatooyinka TB oo ayguna xafladda balaaran ee ka dhacday isbitaalka ka hadlay Ugu danbynii xafladaasi laoogahdalayay dhibaatda cudurka TB ee ka dhacday isbitaalka gaalkacyo ee galmudug waxaa lagu soo bandhigay riwaayado aad u xis badnaa oo ka tarjumayay cudurka TB oo ay soo qaban qaabiyeen shaqaalaha ibitaalka waxaana dadkii goob joog ahaa ay aad ugu riyaaqeen bandhigaas dhankariwaayadh ah oo wacyi galin ahaa.
 
 

Cabdalla M.Cabdulle
hobyoradio Gaalkacyo
Galmudug State SOMalia
Mobail:0025290752260
Cabdalla45@hotmail.com  

 Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com