![]() |
||
|
|
||
|
Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo Maanta ka guuray saldhig ay kulahaayeen deegaanka Ceeljaale duleedka magaalada Marka.
March,27,2008 www.Hobyoradio.com
Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo Maanta ka guuray saldhig ay kulahaayeen deegaanka Ceeljaale duleedka magaalada Marka.
Wararka nagasoo gaarayo magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh/hoose ayaa sheegayo in Ciidamadii gumaysiga Itoobiya ay isaga bexeen gebi ahaanba fadhiisimiadii ay kusugnaayeen ee magaalada Marka. Maanta Duhurkii ayay Cutubyo katirsan Ciidamada Gumaysiga itoobiya ka ruuqaansadeen deegaanka Ceel jaale oo ah meesha laga koontaroolo magaalada Marka ayay Ciidamada Itoobiya ka guureen. Wararka ayaa intaas kudarayo in Ciidamada Itoobiya ay degeen degmada Qoryooleey oo laguwado in sacadaha soosocdo ay iyana kabaxaan. Shacabka kunool magaalada Marka ayaa siweyn usoodhaweeyay guuritaanka Ciidamada Itoobiya oo khatarku ahaa Nolosha Shacabka Soomaaliyeed ee kunool Sh/hoose, Odayaasha iyo waxgaradka Gobalka sh/hoose ayaa sicad ugu sheegay itoobiyaan in aan joogitaankooda laga jeclayn Sh/hoose taas oo dhalisay in Ciidamada Itoobiya ay baqaan. ===========. Muqdisho, Somalia Maxaa Ka dambeeyay Dictator Milez Zanawi iyo Cali Geedi Doqoni Dibir Kama Dharagto Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||