![]() |
||||||||||||
|
|
||||||||||||
|
Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug oo socdaal howled kusoo kala bixiyay Goboladda Arizona, California iyo Illinois Ee Dalka Maraykanka.
March,28,2008 www.Hobyoradio.com Masuuliyiintan oo safar maalmo qaatay ku soo maray magaalooyinka Phoenix, , San Diego, Las Vegas ayaa waxaa kamid Wasiirka Arimaha Gudaha Col. Muxuyadiin M. Cali, Wakiilka Maraykanka Ee Galmudug Mudane Max’ed Ahmed Urur, Wasiirka Howlaha Guud Mudane Xasan Maxamuud Hayl, Masuuliyiintan ayaa waxay Mahad u dirayaan Jaaliyadaha Galmudug Ee Sida Diiran u soo dhaweeyeen.
Ka: Mahad Ka Timid Madaxda Galmudug Ku: Mahad Celin iyo bogaadiin
Walaalayaal, waxaa mahad iska leh Ilaaha weyn ee noo suuro galiyey inaan si nabad gelyo ah ku soo dhamaysanay safarkii aan ku soo marnay dhowr Magaalo oo ku yaal Gobollo kala duwan sida; Phoenix,Arizona, San -Diego,California, Las Vegas iyo Chicago, Illinois.
http://www.hobyoradio.com/6,29,71Chicago.htm
Safarkayagu wuxuu ku saabsanaa,oo saldhig u ahayd inaan Taageerayaasha Galmudug wadatashi guud la yeelano si loo helo talo midaysan iyo taakulayn dhaqaale oo lagu horumariyo nabad gelyadda deegaanka iyo habsami u socodka Dawlad Gobolleedka Galmudug.
Waxaan mahad walaalnimo oo qaali ah u diraynaa dhammaan taageerayaasha Galmudug ee sida wanaagsan noo soo dhaweeyey, noonaa muujiyey isku duubnaanta iyo midnimada dhexdooda . Waxaan si aad iyo aad ah ugu faraxsanahay sida ay taageerayaashu ugu diyaarka yihiin inay garab istaagaan horumarinta deegaankooda iyo Dawlad Goballeedkooda, waxaanna taas markhati ka ah talooyinka muhimka ah iyo waxtarka dhaqaale ee ay u hureen dadkooda, deegaankooda iyo Dawladooda.
Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan taageerayaasha Galmudug State inay ku daydaan walaalahooda ku midoobay horumarinta dadkooda,deegaankooda iyo Dawlad Gobolleedkooda, isla markaasna ay si deg deg ah ugu deeqaan taageerro dhaqaale oo waxtar leh.
Haddaynaan isgarabsan oo midoobin nabad iyo horumar gaari mayno, biyona sacabadaada looga dhargaa.
San Digo, California
Chicago, Illinois
Las Vegas,Navada
Phoenix,Arizona
Isha Wararka Galmudug Hobyo Radio Minneapolis, MN Hobyo Radio News Media |
||||||||||||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||||||||||||