Masuuliyiin ka tirsan  Dowlad Goboleedka Galmudug  oo socdaal howled kusoo kala bixiyay Goboladda Arizona, California iyo Illinois  Ee Dalka Maraykanka.

March,28,2008  www.Hobyoradio.com

Masuuliyiintan oo safar  maalmo qaatay ku soo maray magaalooyinka Phoenix, , San  Diego, Las Vegas  ayaa waxaa kamid Wasiirka Arimaha Gudaha  Col. Muxuyadiin M. Cali, Wakiilka Maraykanka Ee Galmudug  Mudane Max’ed Ahmed Urur, Wasiirka Howlaha Guud  Mudane  Xasan Maxamuud Hayl, Masuuliyiintan ayaa waxay Mahad u dirayaan Jaaliyadaha Galmudug Ee  Sida Diiran  u soo dhaweeyeen.

Wasiirka  Arrimaha Gudaha Galmudug  Col. Muxuyadin Macalin Cali

Wakiilka  Galmudug State  Ee Dalka  Maraykanka Mudane  Max'ed  A. Urur

Wasiirka Howlaha Guud Ee Galmudug Mudane Xasan Maxamuud Hayl

Ka: Mahad Ka Timid Madaxda Galmudug

Ku:  Mahad Celin iyo bogaadiin

 

Walaalayaal, waxaa mahad iska leh Ilaaha weyn ee noo suuro galiyey inaan si nabad gelyo ah ku soo dhamaysanay safarkii aan ku soo marnay dhowr Magaalo oo ku yaal Gobollo kala duwan sida; Phoenix,Arizona, San -Diego,California, Las Vegas iyo Chicago, Illinois.

Phoenix,Arizona

 

San Digo, California

Las Vegas,Navada

http://www.hobyoradio.com/6,29,71Chicago.htm

Chicago, Illinois

Safarkayagu wuxuu ku saabsanaa,oo saldhig u ahayd inaan Taageerayaasha Galmudug  wadatashi guud la yeelano si loo helo talo midaysan iyo taakulayn dhaqaale oo lagu horumariyo nabad gelyadda deegaanka iyo habsami u socodka Dawlad Gobolleedka Galmudug.

 

Waxaan mahad walaalnimo oo qaali ah u diraynaa dhammaan taageerayaasha Galmudug ee sida wanaagsan noo soo dhaweeyey, noonaa muujiyey isku duubnaanta iyo midnimada dhexdooda .  Waxaan si aad iyo aad ah ugu faraxsanahay sida ay taageerayaashu ugu diyaarka yihiin inay garab istaagaan horumarinta deegaankooda iyo Dawlad Goballeedkooda, waxaanna taas markhati ka ah talooyinka muhimka ah iyo waxtarka dhaqaale ee ay u hureen dadkooda, deegaankooda iyo Dawladooda.

 

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan taageerayaasha Galmudug State inay ku daydaan walaalahooda ku midoobay horumarinta dadkooda,deegaankooda iyo Dawlad Gobolleedkooda, isla markaasna ay si deg deg ah ugu deeqaan taageerro dhaqaale oo waxtar leh.

 

Haddaynaan isgarabsan oo midoobin nabad iyo horumar gaari mayno, biyona sacabadaada looga dhargaa.

 

Waxaan mahad gaar ah u diraynaa: Reer San -Diego, jaalliyadaha Gobolladaa oo kale ah: Dr. Khaliif Cali Bor, Cabdi Salad, Nuur Caruush, Kuluc, Cismaan M. Shirwac, Casha Ducaale, Khadra Cali, Indha Ceel iyo Khaliif Aaden.

 

Reer Chicago: Maxamed W.Sahal, Fiaat Gurey, Salah Yusuf,Abshir Dhugdhugle, Cabdinasir qobload, Dr.Cabdullahi Maxamed iyo Foad.

 

Reer Las Vegas: Raage Cismaan Danaan,Cabdi Urur,Irad Baniin,Cabdiqan Baniin iyo Cabdinasir Cismaan Caato.

 

Reer Arizona: Mr.Cali dhof W.Gargareeto iyo Dr. Cabdirashid C. Foomka

 

Isha Wararka Galmudug Hobyo Radio

Minneapolis, MN

 Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com