Cadaadonet 24/3/2008, waxay soo daabacday maqaal Shabakadda Waagacusub loogu jawaabayay oo loogu magacdaray “Waagacusub oo dharka u dhigtay isku dirka Shacabka walaalahaq ah”.
Anigu Waagacusub u hadlimayo, wixi gef ama aan munaasab ahayn oo ay qoreenna iyaga ayay khusaysaa xogtaas xaqiiqdeeda, hasayeeshe maqaalka Cadaadonet kuma ekaan jawaabta Waagacusub, balse wuxuu sii raaciyay meel ka-dhac iyo ka been sheegid Maamulka Galmudug marka u Cadaadonet uu sheegay in Galmudug lagu majaxaabinayay Maxaakiimtii iyo in figradda iyo dhisiddaba ay ka timid Puntland iyo Cabdulaahi Yuusuf.
Haddabo waxan rabaa in iftiinsho labada arrimoodba. Qabanqaabada iyo dhisidda Maamulka Galmudug waxay soo socotay ilaa 2003 iyadoo qurba-joogga deegaankaasu ay billaabeen, xilligaaso xitaa aanayba jirin hadalhaynta Maxaakimta, waxana la soo dhammaystiray Agoosto 2006.
Tan labaad ee figradda dhismaha waa mid meel kadhac ku ah shacabka iyo degaanka Galmudug in lagu tilmaamo dad lagu adeegto oo ka soo horjeeda wanaagga iyo danaha walaalahood, iyadoo la wada ogyahay in Cabdullaahi Yuusuf iyo Puntland ay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen si aanu dhismin hirgalinna Galmudug.
Warka Cadaadonet kama tarjumayo samaha iyo nabad ku noolaansha dadka walaalaha, balse waa mid shaki iyo cuqdadii laga soo gudbay soo noolaynaya. Teeda kale muddada yar oo uu jiray Maamulka Galmudug ma mudnayn in la qariyo nabadda iyo wax wada qabsiga lagu wada diirsaday ee ay ka wada faaidaysteen dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala waddada laamiga dheer, balse wixii wanaag ah ee uu soo kordhiyay waxay ahayd in lagu hambalyeeyo.
Haddii Waagacusub ay ku eedeeyeen inuu fidno kala dhex dhigaya dadka walaalaha ah, Cadaadonet iyagu dadkaas ma subag bay bogga isugu mariyeen misee waabaayo ayay kicinayaan?
Anigoo ka horjeeda cid kasta oo aan wadin wanaagga iyo samaha wada noolaansha dadka walalaha ah ayaa waxan qabaa in degaannadu ay maamul samaystaan ama kuwa jira ay wax la qabsadaan iyagoo u danaynaya dadkooda, bacdamaa marka haatana aanay jirin Dawlad dhexe oo xitaa nabadgalyada sugta. Cidkastaa oo waddadaas ku socotana lagu taageero si arrinta ay uga baxdo isjiid-jiid iyo darandoori taagnow maxaa daal la kororsaday hadda jira.
By. Faarax Ciise
Maxaa Ka dambeeyay Dictator Milez Zanawi iyo Cali Geedi

Doqoni Dibir Kama Dharagto