Madaxwaynaha Dawlada KMG Soomaalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Maanta Shir Jaraa'id uu kuqabtay Magaalada Muqdisho

March,4,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idaacada Hobyo ee March,4,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Madaxwaynaha Dawlada KMG Soomaalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Maanta Shir Jaraa'id uu kuqabtay Magaalada Muqdisho waxa uu baaq u diray Xarakada Al Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam In ay Wadahadal Lagalaan Dawlada KMG ee uu Madaxwaynaha Kayahay.
 
 
Madaxwaynaha Dawlada KMG Soomaalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Maanta Shirjara'id Kuqabtay Aqalka Madaxtooyada Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Shirkiisa Jaraa'id kagahadlay Arimo Dhawr ah.
 
Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Shirkaan jaraa'id taabanayay Dhinacyo Farabadan ayaa Ugu horayn waxa uu kaga hadlay baaq uu Ujeedinayo Dhinacyada Kasoo Horjeeda Siyaasadiisa iyo Joogitaanka Ciidamada Shisheeye Guadaha Wadanka Soomaalia waxa uuna Sheegay In Dhinacyada Xarakada Al Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam uu Ugu baaqay in ay yimaadaan Miiska Wadahadalka Si loodhameeyo Gacan Kahadalka iyo Qilaafka U Dhexeeya iyaga iyo Dawlada KMG Soomaalia Si wadanka Soomaalia Xasilooni iyo Nabad loogu Soodabaalo Umada Soomaaliyeed ee Mudada 20sano Kujiray Dhibaatada Looga Saaro.
 
Madaxwaynaha Dawlada KMG Soomaalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed Ayaa Shirkiisa Jaraa'id Waxa uu Kusoo Hadal Qaaday wareegtadii Dhawaan kasoo Baxday Xarkada Mujaahidiinta Al Shabaab Taas oo Tilmaamaysay In Haya'ada Cunada Aduunka oo marka mageceeda lasoo gaabiyo looyaqaano WFB taas oo Sheegaysay in Haya'da ay Kashaqaynkarin Gudaha Wadanka Soomaalia Gaar'ahaan Koonfurta Wadanka Soomaalia waxa uuna Kutilmaamay in ay tahay wax lagaxumaado Islamarkaana Walwal Farabadan Ku awuuri karta Dadka Shacabka Islamarkaana Kaqaxay Dagaalada Kasoconaya Gudaha Wadanka Soomaalia waxa uuna Kubaaqay in Haya'daasi ay kashaqayso Gudaha Wadanka Soomaalia.
 
Ugu Danbeyn Madaxwaynaha Dalka Soomaalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed Ayaa Shirkiisa Jaraa'id Waxa uu Kusoo Hadal Qaaday Arimaha Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida oo Mudooyinkii Ugu Danbeeyay Sii Kordhinayay Hawlahooda Burcad Badeednimo oo ay Ku afduubanayaan Maraakiibta Shisheeye ee Kugooshaya Biyaha Wadanka Soomaalia Madaxwaynaha ayaa Sheegay in Burcad Badeeda Dadka Dhalay ee Waalidiintooda Ah in ay Celiyaan oo ay Kahor istaagaan Hawlaha Ay Curuurtooda ay Kukacayaan si Nabad Loogu soodabaalo Gayiga Wadanka Soomaalia.
 
 
Ibraahim Guule Isxaaq
Hobyo Radio Magaalada Muqdisho

 


By Agaasime Siciid Jaani
Hobyo Radio Gaalkacyo Galmudug Soomaalia
Siciidjaanii@hotmail.com

 

Daawo Video laga soo duubay

Waa naqshada cusub ee dugsiga sare Ceelguula

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com