Saxaafada ka hawlgasha deegaanada Galmudug State door ceynkee ah ayay kaga jirtaa saxaafada uga jirtaa warbaahinta dalka Somalia?

March,5,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idaacada Hobyo ee March,4,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso 

Saxaafada ka hawlgasha deegaanada Galmudug State door ceynkee ah ayay kaga jirtaa saxaafada uga jirtaa warbaahinta dalka Somalia?

Qarnigan 21aad waxaa dalka soomaaliya ka dhaqan galay saxaafada madaxbanaan oo nooc kasta leh, laakiin saxaafada waxaa ku adkaatay in ay ka run sheegto magaca ay huwan tahay, marka laga reebo saxaafada madaxa banaan ee ka hawlgasha deegaanada Glamudug State.

Su’aashu waxay tahay, yaa ogaan kara saxaafadan in ay tahay horyaalka saxaafada dalka oo dhan?.

Jawaabta meel dheer haka raadin, waxaa ogaan kara qof kasta oo deeganadaas tagay ama dhageystay idaacadahaas ama daalacday website-da deegaanadaas ku lugta leh.

Dadka qaxa ku tagay deegaanadaas, waxaa ka mid ah aniga oo cumar Dhoodhoob ah, waxaan Gaalkacyo wariye ahaan uga shaqeyay muddo sanad ah, waxaana ahaa soo saarihii wargeyskii XIDDIGTA MUDUG. waxaan ka marag ahay dhalinyara da’yarta ah ee deegaanada Galmudug ka hawlgasha in ka jawaabeen su’aasha ah waa maxay shaqada saxaafada madaxbanaan?.

Waxay si toos utabiyaan ama u qoraan dhacdooyinka maalin laha ah ee guud ahaa dalka oo dhan, waxayna baahiyaan akhbaartii ugu dambeysay oo barax la’, waqtigii uu dhacay iyo cidii ku lug laheyd dhacdada, hadii ay xun tahay iyo hadii ay wanaagsan tahayba waa ninkeed dhiba. Hoyaalnimada halka ay ka heleen waa runta ay baahinayaan, inkastoo dadka siyaasada ku lugta leh aysan jecleen xaqiiqda oo qayaxan.

Ugu dambeyntii waxaan ugu baaqayaa bahda saxaafada Galmudug in aysan wadadan marna ka weecan, mar hadaad saxaafad ku lug leedahay cagajugleyn waa la kulimi kartaa, laaluushana waa laguugu yaboohi karaa, mar uga baxso si asluubeysan, waxaan halkaan ka salaamayaa wariyeyaashii aan soo wada shaqeynay iyo kuwa kadibkee hawsha dhinacooda ka sii amba qaaday .

cumar Yuusuf Dhoodhoob 5652368

Mogadisho-Somalia


By Agaasime Siciid Jaani
Hobyo Radio Gaalkacyo Galmudug Soomaalia
Siciidjaanii@hotmail.com

 

Daawo Video laga soo duubay

Waa naqshada cusub ee dugsiga sare Ceelguula

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com