![]() |
||
|
|
||
|
|
||
|
Jaaliyada Galmudug ee Norway Tacsi tiiraanyo leh u diraysa qoyskii uu ka geeriyooday Marxuum Raage Max'ed Cabdi.
March,5,2010 www.Hobyoradio.com
Jaaliyada Galmudug ee Norway Tacsi tiiraanyo leh u diraysa qoyskii uu ka geeriyooday Marxuum Raage Max'ed Cabdi. INAA LILAAHI WAA INAA ILEEYHI RAAJICUUN Anagoo ah gudiga Jaaliyada G.mudug ee Norway waxaan aad iyo aad uga tiraayonaynaa dhacdadii argagaxa lahayd ee kadhacday Galmudug magaalada Gaalkacyo.waxaana uga tacsiiyeyneynaa gud ahaan umada Somaliyeed meel kasta ee ay jogaanba,gaar ahaan eheladii u ka geeriyoodeen Raage Max'ed. Cabdi Rooble, waxaana leenahay ilahay samir iyo imaan hanaga siiyo asagana jano fardowso allah ka waraabiyo Raage allaha u naxariistee wuxuu ahaa nin ganacsada ah, wuxuu ka shaqeen jiray shirkada duulimaadyada Juba airways wuxuu kaloo lahaa farmashiye oo wuxuu ku ganacsan jiray ku yaal magaalada Galkacyo bartankeeda. Waxaan rajayneynanaa in waqti aan fogeyn cadaalada la horkeeni doono, lagana jari doono wixii ay geesteen dambilayaashaas, aakhirana ay cadaab alle ay dhadhabin doonaan insha allaah. Ilaahay waxaan ka baryeynaa falkaas foosha xun wixii ka dambeeyey iyo kuwii fuliyey, inuu dadka iyo dalka ka qabto.
AXMED ORIYE DIIRSHE Waabliihi tawfiiq By Axmed Oriye
Daawo Video laga soo duubay Waa naqshada cusub ee dugsiga sare Ceelguula
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||