![]() |
||
|
|
||
|
|
||
|
Ururada Haweenka Dowlad Goboleedka Galmudug oo xusay maalinta haweenka 8Maarso. Daawo Sawirada
March,9,2010 www.Hobyoradio.com
Ururada Haweenka Dowlad Goboleedka Galmudug oo xusay maalinta haweenka 8Maarso
Galinkii Hore ee Saaka ayaa waxaa xaflad Lagu maamuusayey maalinta haweenka Aduunka waxa ay kadhacaday hotel durmad waxaana soo qaban qaabiyey munaasabadaasi ururda haweenka ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Munaasabadaani balaaran oo ay soo agaasimeen ururada haweenka Galmudug horseed SWA iyo SOWDA ayaa maanta lagu qabtey hotel Durmad ee Magaalada Gaalkacyo kaa oo looga hadlaayey doorka haweenka ku aadan dhinacyada kala duwan.
Nuur faarx kaarshe madaxa xiriirka dibada ururada haweenka Galmudug ayaa ka codsatey maamulka Galmudug in haweenka ay wax kala qabtaan adeegyada ay u baahan yihiin haweenka waxeyna intaasi sii raacisey in haweenkooda iyo maamulka Galmudug ay ka dhaxeyso xiriir fiican.
Madaxweynaha dowlada Galmudug Danjire Max'ed Axmed Caalin ayaa hanbalyo ku aadan munaasabada 8da Maarso ujeediyey Haweenka Somaliyeed Gaar ahaan Kuwa Galmudug oo uu ku tilmaamey kuwa udub dhexaad u ah maamulka uu madaxda u yahey waxuuna xusey in goobaha waxbarashada ku yaala Gobalka mudug oo uu booqasho ku tagey ay ku amaaney in haweenka ay yihiin kuwa ugu badan Sikastaba Ha ahaatee munasabada xuska 8maarso oo maanta lagu qabtey gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa inta ay soconeysey waxaa lagu soo bandhigey riwaayad ka turjumeysa gudniinka fircooniga kuwaasi oo ay jilayeen gaar ka mid ah haweenkii dhigayey maalin haweenka Aduunka ee 8maaro
Rooble Max'ed Dirir
Daawo Video laga soo duubay Waa naqshada cusub ee dugsiga sare Ceelguula
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
||