Munaasabad lagu taageerayo Maalinta Haaweenka Aduunka oo maanta Kadhacday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Dawlad Gobaleedka Galmudug
Daawo Sawirada
March,9,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee March,9,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso
Munaasabad lagu taageerayo Maalinta Haaweenka Aduunka oo maanta Kadhacday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Dawlad Gobaleedka Galmudug.


Munaasabadaan Maanta Kadhacday Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu taageerayay Maalinta Haweenka Aduunka 8 maarso waxaana Sooqaban Qaabiyay Haweenka Galmudug gaar'ahaan Ururada Horseed iyo Sawda.



Munaasabadaan Lagu taageerayay Maalinta Haweenka Aduunka oo Kadhacday Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Dawlad Gobaleedka Galmudug ayaa waxaa Kasoo qayb galay Dad aad u Farabadan oo ubadnaa Haween ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda Dawlad Gobaleedka Galmudug oo uu Hugaaminaayo Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin.



Ugu Horayn Waxaa Munaasabadaas Qudbad Kasoo jeediyay Marwo Nuuro Faarax Kaarshe oo kamid ah Haweenkii Sooqaban qaabiyay Munaasabadaan ayadoo halkaas habalyo u Dirtay Haweenka Aduunka Sidookale Tilmaamtay in ay Maanta tahay maalinta Haweenka Aduunka Ayna Soodhaweeynayaan.



Sidookale waxaa halkaas kahadlay Xildhibaan Cali Baashi jimcaale Abtidoon oo kamid ah Baarlamanka Galmudug isagoo u Hanbalyeeya Haweenka Galmudug oo Sooqaban Qaabiyay Munaasabadaan sidookale Hanbalyana U diray Haweenka Galmudug meel Kasta oo ay joogaan.


Ugu danbaytii Waxaa munaasabadaas Qudbad meelo badan Taabanaysay Kasoo jeediyay madaxwene Maxamed Axmed Caali isagoo ugu jorayn u Mahad celiyay Haweenkii Soo agaasimay Munaasabadaan Hanbalyana U diray Dhamaan Haweenka Reer Galmudug iyo Kuwa Soomaalia Meelkasta oo ay joogaan Sidookale Madaxwaynaha ayaa waxa uu baaq u diray kooxaha Burcad Badeeda ee Haysata Lamaanaha U Dhashay UK isagoo kacodsaday in ay siidaayaan Labadaas lamaane ee waayeelka ah Sidookale Madaxwaynaha Dawlad Gobaleedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin Waxa uu Sheegay in ay Furantahay Dakada Magaalada Hobyo Horayna uu U Sheegay Hadana uu Sheegayo in ay Furantahay Takada Magaalada Hobyo Qofkii Rabana uu Wax kalasoodagi karo Asagoo Carabka Ku adkeeyay in ay Furantahay Dakada Magaalada Hobyo.
Sikastaba ha ahaatee Waxaa maanta Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Dawlad Gobaleedka Galmudug Siwayn looga dabaaldagay Maalinta Haweenka Aduunka oo kubeegnayd maanta 8 maarso


Rooble Max'ed Dirir
By Agaasime Siciid Jaani
Hobyo Radio Gaalkacyo Galmudug Soomaalia
Siciidjaanii@hotmail.com

Daawo Video laga soo duubay
Waa naqshada cusub ee dugsiga sare Ceelguula
