![]() |
||
|
|
||
|
Hay’adda Udooda xuquuqda Aadanaha C/laahi Ciise Maxmuud Oo Warsaxaa faded ka Soo Saaratay Sicir Bararka ka jira Magaalada Gaalkacyo
April,14,2008 www.Hobyoradio.com
Warsaxaafadeedkaan ay soo saartay Ha’yadda Xaquuqul Insaanka Cabdullaahi Ciise Maxamuud ee xarunteedu tahay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ayaa lagu yiri Hay’addu markay aragtay sicir bararka xoogan ee ka jira gobolka mudug kaas oo saameeyay qayabha kala duwan ee bulshada baaritaan dheer ka dib ayaa waxaa u caddaaday :
1:In Shirkadaha Jaadka ay masuulka ugu wayn ka yihiin Baaba, halaaga uu keenay Sicir Bararka ka jira guud ahaan Dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolkaan iyo deegaannada Hoos yimaada kaas oo lagu tilmaami karo xasuuq loo gaysanayo Shacbiga Soomaaliyeed,
2:In Maamulka Puntland uusan tixgelin siin wax ka qabashada cabashada dadweynaha la dulmiyay xoogana uu saaray Maamulka Puntland canshuur iyo dhaqaale 3: iyo in aanu maamulka Puntland waxba ka qaban dhibaatooyinka abaaruhu ay horseedeen.
Wardaxaafadeedkaan ay soo saartay Hay’adda xaquuqul insaanka Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaheeda Maxamed Aadan Muuse {Caddooyo} nuqul ka mid ahna uu soo gaaray hobyoradio ayaa waxaa loogu soo jeediyay in Shacbiga Soomaaliyeed ee la dulmiyay ay dhibaatooyinka loo gaystay ay ku muujiyaan si nabad galyo ah ayna soo bandhigaan qaababka ugu habboon ee wax loogaga qaban karo.
Warsaxaafadeedkaan ayaa waxaa loogaga codsaday Maamullada ka jira gobolka mudug ee GalMudug iyo Punland in ay ka qabtaan dhibaatooyinka shacbiga haysta ayna gutaan xilalka ay hayaan waajibaadyada ka dhalanaya waa sida lagu yiri warsaxaafadeedka.
iyadoo dhanka kalana guud ahaan mas’uuliyiinta iyo dadweynahaba loogugu baaqay in la sameeyo roob doon iyo ALLA bariyo joogto ah aadna u ballaaran .
Warsaxaafadeedkaan ay soo saartay Hay’adda Xaquuqul insaanka Cabdullaahi Ciise Maxamuud ayaa ku soo beegmaya xili uu sicir bararka ka jira gobolka mudug gaar ahaan gaalkacyo uu gaaray meeshii ugu xumaa iyadoo arintaasina ay dhibaato xoogan ku noqoay qaybaha kala duwan ee bulsho weynta gobolka udug Waxaa sidoo kale bar bar socda samaysashada lacaga cusub oo ay soo daabacaan dad aan shacbiga u naxayn dhibka ugu badanna la oran karo waxaa u sabab ah shaqsiyaadkaas damiir laawa yaasha ay shacbku ku tilmaameen.
Cabdalla M.Cabdulle
Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||