Simnaar Ay Sooqaban Qaban Qaabiyeen Masu’uliyiinta xarunta Hor umarinta Dhalinyarda Mudug Socdayna Mudo Hal Maalin ah Oo lagu Qabtay Magaalada Gaalkacyo Ee GalMudug State. Daawo Sawirada Wariye cabdalle

April,14,2008  www.Hobyoradio.com


Aqoon is waydaarsigaan ama siminaarkaan oo ay soo qaban qaabisay xarunta hor u marinta dhalin yarada mudug ayna ka soo qayb galay xunbo ka socday ururada dhalinyarda ee ka jira mudug iyo hobyo qaarkood socdayna mudo hal maalin ah ayaa waxaa looga hadlayay hogaanka wanaagsan iyo hor’umarinta ururada dhalinyarada.

 
Waxaana ugu horayn siminaarka furay agaasimaha guud ee xarunta hor umarinta dhalinyarda mdug mudane axmed cumar max’ud {shariifka} oo ugu haorayn u mahad celiayay ka soo qayb galayaasha siminaarka asgoona sharaxaad ka bixiyay ujeedka ay u qabteen simnaarka waxa uu agaasimuhu sheegay in ay tahay sidii loo heli lahaa haogaminta iyo hor umarinta qayabaha dhalinyarda oo uu agaasimuhu sheegay in ay yihiin laf dhabarka bulshada soomaaliyeed. Waxa uu agaasime shariifka shaaca ka qaaday in qorsha uu ugu jiro xaruntooda oo ka dhisay magaalada gaalkacyo in ay wax u qabtaan dhalin yarada dhibaataysan oo ay ka midka yihiin kuwa dhagoolyahaasha ah kuwa indhoolayaasha ah iyo kuwa kudhaqan xeryaha qaxootiga ee gobolka mudug.


Waxaa sidoo kale siminaarka casharo ka bixinayay macalimiin ka socotay xarunta hor’umarinta dhalin yarada mudug oo simaanrka qabatay, aydoona sidoo kale xunihii ka socdaya ururada dhalinyarda ay su’aalo aqoon kororsi ah is weydaarsadeen



Gunaandkii siminaarka waxaa ka hadlay Gudoomiyaha xaruntaasi xasan macali C/laahi oo sheegay in ay siiwadi doonaan siminaarada iyo wacyi galinta noocaan ah oo ururada dhaliyrada ay u qabanayaan waxa uuna gudoomiye xasan macalin c/laahi ugu baaqay dhamaan ururda dhalinyrada in ay yeeshaan wada shaqayn wanaagsan oo lagu hor marin karo doorka dhalinyrada ay dhex leeyihiin bulshada kale.
Siminaarka ayaa ugu danbayntii ku soo dhamaaday jawi aad uwanaagsan waxaana xubnihii ka soo qayb galay simnaarka ay sheegeen in ay kaa faaidaysteen aqoon kororsigaasi



Cabdalla M.Cabdulle 
Hobyoradio Gaalkacyo
Galmudug State SOMalia
Mobail:0025290752260
Cabdalla45@hotmail.com

 Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com