![]() |
||
|
|
||
|
20 APRIL MAALIN MADOOW-XASUUQA UMMADDA SOMAALIYEED
April,22,2008 www.Hobyoradio.com
Waxaa sida Qoraxdda u cadaatay qorshe Gumeeysigga
Itoobiyaanka iyo Shaqaalihiisa koopiga ah eey ka wadaan Dalkeena hooyo gar ahaan Caasimada Muqdisho xudunta Ummada Somaliyeed,waxaa ayaan daradeda leh naxdiin iyo Murugadeeda leh Tacdiyadda heerka Gabood falka ah oo eey geeysten Ciidanka gumeeysiga Itoobiya iyo kuwa adeegayaasha ah(Maryo Calasta)kuna Xasuuqeeyn Dad aad iyo aad u fara badan rayid ah una badnaa Wadaado, Haween iyo Caruur waxba galabsan.
Falkaas ayaa qeyb ka ah xadgudubyada joogtada ah oo ka dhacaaya Caasimada laguna gumaaday Dad gaaraaya 50.000,dhawacaduna ilaa 200.000 halka barakacu yahay 2-Malyan, sidoo kalle waxaa jira Dad badan oo ku jirra Jeelasha Dalka Itoobiya iyo kuwa Rajiimka oo gaaraaya ilaa 15.000 qof una badan Culimaaudiin,Aqoonyahan iyo Shakhsiyaad qiimo weyn ku leh Bulshada dhexdeeda.
Runtii Xaalada Magalada Muqdisho iyo guud ahaan degaamadda ku xeeran waa mid la oran karaayo waxeey ku jiraan xalaad colaadeed qorsheeysan iyo gumaad cad oo aan loo aabe yeeleeyn, ujeedada ka dameeysaana tahay sharciyenta Gumeeysiga Dadkuna si cad u diidan yahay,heeryadda gun-nimada iyo duudsigga Jiraanka Qaranimadeena ma ogolaaneeyno marna,waayo Dalkeena inagaa leh(somaaliya Somaali baa leh),suurta- galna ma noqoneeyso qabsasahda Itoobiyanka iyo gelida Xili Isticmaar cusub-Walaahi Maya.
Xasuuqa iyo fal gumaadka foosha xun oo ka dhacay Caasimadda Muqdisho 20/04/2008 waa mid xanuun weyn leh Muwaadiidin badana naftooda ku waayeen,xadgudub cadna loo geeysteey Culumaa-udiin ku sugnaa Masaajid Masaajidka Alhidaa ee Xaafada Waxara-Cadde oo goorac loo geeysteey-waa arrin fool xumadeeda leh, demdi ku saleeysan naceeyb Diineed,Isireed iyo Qoomiyadeedba, waana mid aan loo dul-qaadan karan marna, Jawaab Cad iyo talaabada ku haboon laga qaadi doono Xiligga ku haboon Inshaa Alle,waana mid Cashar cad u noqon doona kuwa weli indhaha ka qarsanaaya Gumeeysiga iyo habka Guracan oo wuu Ummadeena kula dhaqmaayo(Dadka la Dilay 20/04/2008 Tiradoodu waxeey mareeysaa 200 qof Halka dhaawacu 1000 kor u dhaafay).
Anigoo ah Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab) Muwaadin Somaaliyeed Diintiisa iyo Dalkiisa Difaacadeeda u taagan waxaan guud ahaanba Ummada somaaliyeed halkan uga soo jeedinaayaa Baaq ku saleeysan Difaacada Dalkooda Hooyo iyo iska Caabinta Gumeeysiga duulimaadka cad ku heysta Hooygeeynaa qaaliga ahaa,Dalkeena Hooyo ciida Lama huraanka ah,Goobta Raxmaanku inagu abuuray, waxaan ku boorinaayaa abaabulida kacdoon Ummadeed Dalkoo dhan ah iyo ku biirada Halganka Hubeeysan,sidoo kalle waxaan Talo ayaan ugu soo jeedinaayaa Hogaanka Sarre ee Ururka Dib u Xoreeynta Somaaliyeed in eey ka Fiirsaadaan Qorshaha Wada hadal iyo Nabada UN-ku eey wadaan Maadaama Dalkii Xasuuqaasu xiligan ka Socdo, Halganku heerkii ugu sareeyeey maraayo.
Maya Xasuuqa-Gumaadka iyo Falalka Tacadigga xad- dhaafka, Maya Goowraca Culimaa-udiinka Somaaliyeed, Maya Madaafiicdda Gumaadka, Maya Boodka Handidda Iyo Dhaqaalaha Ummadda Somaaliyeed, Maya Falaka Foosha Xun Fara-Xumeeynta Haweenka Somaaliyeed, Maya Bara-kiciin Malaayiin Muwaadin, Maya Heeryadda Wayaanaha iyo Koopigooda Somaali ku sheega ah, Maya Qorsaha Gumeeysiga Cusub Aduunka(Mareykanka iyo Xulafadiisaba),Maya Gun-nimadda Maya Walaahi Maya, Walee waa loo aaraa Muwaadidiinta Xaq daradda lagu Xasuuqay-Walee waa loo aaraa-Balan.
Allah Weyn- -Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)- -England-Uk-22/04/2008-
Maxaa Ka dambeeyay Dictator Milez Zanawi iyo Cali Geedi Doqoni Dibir Kama Dharagto Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||