|
Gudiga abaaraha Galmudug Waxay Mahad Gaara u dirayaan Jaaliyada Dibada ee Galmudug USA, Canada, UK, Denmark, Sweden, Norway, Finland, By. Gudoomiyaha Abaaraha Cumar Maxamuud Rooble ( Cumar Suuri) |
Waxaa 18/4/08.magaalada maalinimadii jimcada gaalkacyo ka anbaxbaxay xubno Iskugu jira guddiga gurmadka abaaraha galmudug,Culimo udiin, dhaqaatiir, iyo wariyaal ka socday qaybaha warbaahinta
Wafuudaasi balaaran ayaa waxaa ujeedkoodu ahaa sidii ay deeeqo kala duwan u gaarsiin lahaayeen dad iyo duunyo badan oo ay abaaruhu ku saameeyeen deegaanda mudug iyo galgaduud waxaana deegaandaas loo raray gawaari ay saarnaayeen raashin iskugu jira bur,sonkor,saliid,timir, iyo caleen ah iyo waliba booyado biyo ah Guddiga ka socday gurmadka abaaraha ayaa bixitaankooda gaalkacyo waxaa sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan dawlad goboleedka galmudug uuna ka mid ahaa kusimaha madaxweynaha mudane C/Zamad nuur guuleed iyo saraakiisha booliska galmudug oo uu horkacayay Clo. Max’d nuur cali gadaar Guddiga ayaa ukala baxay sedex jiho oo kala ah tuulooyinka hoos taga dagaari ,kuwa hoos taga bandiiradley, oo ka wada tirsan gobolka mudug iyo qaybta kale oo aaday deegaanda baadiyaha ah ee dhanka waqooyi ka xiga deegaanka galin soor ee gobolka Galgaduud.
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
Dhamaan gudiyadaas oo ay la socdeen wariyaal war baahinta ka socday hobyoradio ay ka mid tahay ayaa xunbaha deegaanka galin soor aaday oo anigoo cabdlla M.Cabdille ah la socday waxaa masuuliyiintii aan la socday ay kala ahyaayeen
1:C/Nuur Axmed Kulane {fiqiajano} oo wafdiga hogaamianayay.
2:C/kariin Max’d cilmi {inkir}
3:D.r.Max’d Cabdi Axmed Agaasimaha isbitlaaka k/Gaalkacyo ee Galmudug.
4:Cawaale oo ahaa darawlka gaariga noo waday
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
Waxaana magaalada Gaalkacyo ka anbabaxnay maalinimadii jimcaha 10:30 ee barqanimo Waxaan casar ah 3:30 gaarnay deegaanka glin soor ee gobolka gal gaduud oo saacado joognay waxaan halkaasi kulan kula yeelanay odayaasha iyo wax gardka deegaanka galin soor aydoo masuuliyiina guddiga gurmadka ka socotay iyo odayaashu ka wada hadleen sida ugu hoboon ee deegaanda miyiga ah loo gaarsiin ka ro deeqaha dadka reer galmudug ee dalka iyo dibadda jooga iska uruuriyeen ay gudiguna wadeen kulanka oo mudo yar socday waxaa la isla falan qeeyay qaabka loo gaarsiin karo deeqaha waxa ayna odayaasha deegaanku soo bandhigeen goobaha ay abaaruhu saameeyeen ee deeqdaasi lala gaari karo walaw aysan ahayn deeqdu mid kaafin karta hadan dhiig joojin u noqon karta dadkaasi dhibaataysan oo mudo ka badan laba sano abaaru saamaysay.
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
Waxaana la go’amaiyay in sedex meelood toolooyinka hoos yimaada lagu hor mariyo deeqda deeqaas oo kala ah
1: Miir Cawleed
2: Deeqlo
3: Kaxandhaale
iyo tuulooyin hoostaga oo aad ufara badan Sidoo kale waxaa jirta in hay’adda ICRC ay meelo badan o oak mid ah mudug iyo galgaduud biyo dhaamin ka waday mudooyinkaan waxaase guddiga gurmaka abaaraha galmudug sadex meelood u direen ilaa 8booyadood oo biyo ah meelhaas oo kala ah
1: Xanan waylood
2: Qorof
3:Bacaha waana meelo aysan hay’adda ICRC aysan biyaha gaarsiin kana tirsan gobolka Galgaduud.
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)

Waxaana booyadaas biyaha ah bixiyay shirkadda xawaaladda dahbashiil gduigaasna u wakiilatagay sida uu xii xaqiijiayay C/Nuur Axmed Kulane {fiqiajano} oo gudiga aaday miyiga galinsoor hogaaminayay
Waxaan ka an baxabaxnay deegaanka galin soor xili habeen ah 7:35 anagoo aadanay halka aan ku wajhnayan ee deegaanda miyiga w/galinsoor waxaana galin soor naga raacay oo safarka nagu wehliayay cali saciid indhakorey oo ah madaxa samfalada ha’adaha degmada galin soor iyo macali daahir jaamac mataanDhamaan deegaanda aan socdaalka ku soo marnay ayaa waxaa ka jiray abaar aad udaran oo saamayn balaaran ku yeelatay daka iyo duunyadaba in kastoo aana arag naloona sheegin dad gaajo udhintay balse waxaynu soo argnay kuwo qarka usaaran geeri maadaama ay xoolihii ay dhaqan jireen ay ka baabieen aysan ahysan gaadiid xitaa ay biyo ku soo qaataan Xaawo cali geele waa hooyo degen tuulada laama dheere waxa ay ii sheegtay in 170 neef oo ari ah iyo 3rati oo gaadiid u ahaa ay ka dhintay kadib saameyn ay abaaruhu ku yeesheen waxaan xiligaas ay xaawo aqal soomaaligeeda hareerihiisa yiilay in kabadan 50neef oo ari ah baqtigood iyo qaar inta la bireeyay haragga kaliya lagala baxay si iib loogu raadsado waxaa sidoo kale u haray sida ay ii xaqiijisay xaawo 20neef oo ari ah walibana qaarkood ay liiteen inha haygana aan ku soo arkay.
Duleedka dulada miircawleed wiil yar oo aan kula kulmay isga oo laba neef oo geel ah la jooga magaciisana ku soo gaabiyay aadan waxa uu ii sheegay in geela uu ka soo raacay tuulo la yiraah laama mareer oo baadiye ah waxa uu yiri "geeleena waxa uu ahaa 22 neef hadana waa 2neef oo liya intii kale waa baa ba’ay abaartaawgeed" mid ka mid ah 2neef ayaana xligaas istaagi wayday oo dhulka fadhiday
Taasi ayaa waxa ay ku tusinaysaa heerka ay abaartu gaartay sida aad ku arkaysaan sawirada aan ka soo qaadnay waxaa meelo badan yaala geel iyo ari abaarta u dhintay Marka aan usoo laabno daka waxaa aad uliita caruurta yar yar oo nafqo dari baahsan ay hayso sida uu safarkaba noogu xqiijiayay D.r. Maxmed Cabdi oo u guur glayay xaaladda dadka dhibaataysan waxaana qaarkood ay ku sigan yihiin in ay indho iyo dhagaga beelaan Meelaha la gaarsiiyay deeqaha
1. Gaaska
2. Higlayga laanta
3. Shabeel Carab
4. Miir Cawleed
5. Cali Saciid
6. Macalin Khaliif
7. Ceel Muudaan
8. Deeqlo
9. Laama Dheere
10. Saliid
11. Bali Cad
dhamaam tuulooyinkaas ayaa oo ay ku nool yihiin in ka badan 400 afar boqol oo qoys ayaa la gaarsiiyay deeqahaas ay daka u dhashay galmudug ee dalka iyo dibaddaba kusugan iska uruuriyeen
Wax garadka iyo odyaasha deegaanada la gaarsiiyay deeqaha waxa ay umahd celiyeen guddiga gurmadka abaarha oo sarfeyn ay horay usameeyeen darteen deeqda gaarsiiyay dakaas iyo intii ka qayb qaadatay kaalmada ee jooga dalka gudihiisa iyo dibadda oo jaaliyadda galmudug ugu horayso.
1: Odayaal ay ka mid yihiin
2: Yaasiin Geele Ducaale
3: Sheikh maxmuud M.Geelle
4: Max’ed warsame {Qoobdheer}
5: Aadan nuur dagel
6: Maclin Faarax Warsame
Waxa ay duco iyo mahad celin warbaahinta umarsiiyeen in la gaarsiiyana codsadeen dhamaan intii ka qayb qaadatay deeqa taakulaynta daka ay abaatu saameysay waxa ayna ugu duceeyeen in ILAAH waxa ay bixiyeen khayr badan ugu badlo ajar iyo xasaadna ALLE kasiiyo.

W/D/Cabdalla Max’d Cabdille
Hobyoradio Gaalkacyo
GalMudug State SOMalia
Mobil:0025290 752260
Cabdalla45@hotmail.com