![]() |
||
|
|
||
|
Masu'ul
kaTirsan
jaaliyadda
GalMudug
State
Ee {UK}
Oo Kor
Meeray
xarunta
Idaacadda
Codka
Mudug
Galmudug
Satate
Ee
Magaalada
Gaalkacyo.Daawo
Sawirada
April,9,2008 www.Hobyoradio.com
Maxamuud
Maxamed
Cawaale
Oo Ka
Tirsan
Jaaliydda
Gal
Mudug
Gaar
Ahaan
(U.K)
Ayaaa kormeer
ku tagay
xarunta
idaacadda
codka
mudug
ee
magaalada
gaalakcyo
ee
galmudug
satate
Maxamuud Maxamed Cawaale oo in muddo ah socdaallo ku joogay deegaannada dowlad goboleedka gal Mudug markii Xarunta Idaacadda Codka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo soo booqday soona gaarsiiyay hadiyiyado iyo dhiiri galin qiimo leh ayaa sheegay in uu maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda Codka Mudug uu ku ammaanayo sida ay ugu adeegaan bulshadooda ayna u go,aansadeen in daruufo kasta oo haysta ay dadaalkooda qabad ku kasbadaan kalsoonida iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan tan gobolka Mudug.
Maxamuud Maxamed Cawaale oo ka mid ah Guddiga Jaaliyadda Ingiriiska waxaa kaloo uu sheegay in horumarka bulshada gal mudug gaar ahaan tan Magaalada Gaalkacyo aanay ku tilaabsadeen Idaacadda La.aanteed,isagoo halkaasi ka caddeeyay warbixinno la xariira waxqabadka Jaaliyadda iyo daruufaha ka jira deegaannada Gal Mudug sida waxbarashada.Caafimaadka.Isboortiga iyo Idaacaddaba uuna gaarsiin doono saaxiibbadiisa Jaaliyadda Gal Mudug guud ahaan iyo gaar ahaan tan dalka Ingiriiska.
Mr Cawaale waxaa kaloo uu maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda codka Mudug ka codsaday in ay dadaalkooda sii xoojiyaan,isagoo dhinaca kalana warbixin ka siiyay doorka iyo dadaalka wax qabad ee Jaaliyadda Gal Mudug ay ku doonayso in door wax ku ool ah ay ka qaadato howlaha ka socda deegannada Gal Mudug.
Maxamuud Maxamed Cawaale muddooyinkii uu booqanayay Xarunta Idaacadda Codka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo waxaa ay warbixinno iyo talooyin isdhaafsadeen Agaasimaha Idaacadda Codka Mudug Cilmi Kulan Geeddi.Madaxda qaybaha iyo shaqaalaha Idaacadda qaarkood
Agaaasimaha iyo qaybahaasi kale ayaa Mr Cawaale kaga warbixiyeen taariikhda.Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso waqtiyada ay hawada ku jirto halka uu gaarsiisan yahay maqqalkeedu iyo daruufaha ka dhax jiraba.
Socaalkaan ugu dambeeyay ee Maxamuud Maxamed Cawaale uu ku masalaamaynayay qaybaha Idaacadda Codka Mudug oo ay ku wehliyeen Guddoomiyaha Guddiga Gos ee Gobolka Mudug Cabdulqaadir Xasan Cawaale iyo waliba Cabdisalaan Xasan Cawaale ayaa waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gos deegaannada Gal Mudug Cabdulqaadir Xasan Cawaale oo si aad ah u qiray doorka iyo dadaalka waxqabad ee ay Idaacaddu u hayso bulshada iyo sida loogu baahan yahay in loogaga taakuleeyo wax ka qabashada culaysyada dhinacyo kala duwan ka haysta.
Maxamuud Maxamed Cawaale oo booqashadiisa kadib u amba baxay dalka Ingiriiska ayaa intii uu joogay xarunta Idaacadda isaga iyo hawl wadeenada kalaba waxaa ay booqdeen qayba Kala duwan ee idaacadda sida Istuudiyaha.Qaybta Farsamada,Warqadka iyo Kayka Cajaladaha.
Cabdalla
M.Cabdulle Hobyo Radio News Media |
||
|
Contact: hobyoradio@hotmail.com |
||