|
Ardaydii lafilaayay inay ka anbabaxaan Magaalada Gaalkacyo ayna Gaaraan Wadanka UGANDA Si Halkaasi Tobabar Ciidan ay Ugu Sooqaataan oo Safarkoodii uu Kuyimid Hakad.
May,13,2010
www.Hobyoradio.com
Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,12,2010
Dhagayso
Halkan ka Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula
Dhagayso
Ardaydii lafilaayay inay ka anbabaxaan Magaalada Gaalkacyo ayna Gaaraan Wadanka UGANDA Si Halkaasi Tobabar Ciidan ay Ugu Sooqaataan oo Safarkoodii uu Kuyimid Hakad.
Ardaydaan Ayaa Gaaraya 100arday kuwaasi oo Dhamaantood Tobabar Ciidan loogu Wado Dalka UGANDA Ardaydaan Ayaa Waxa ay isugu jiraan Rag iyo Dumar.
Hakadka Kuyimid Ardaydaan Tababarka Ciidan loo Waday iyo Goorta ay Baxayaan Ayaa Waxa Idacadda Hobyo Ugu Warbixiyay Kuxigeenka Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Galmudug Axmed Maxamud Xasan {Axmed Baast}" Waxaa Hakad kuyimid Safarkii Ardaydii looqaadi rabay Dalka Dibadiisa si Halkaasi Tababar Ciidan ay ugu Sooqaataan oo ay U Soo Noqdaan Layli Sarkaal Kadibna ay Dib Dalka Ugu Soonoqdaan, Waxaa Baaqday Diyaaradii larabay in Ay Ardayda Qaado laakiin Waxaa lafilayaa in Maalmaha Soosocda ay Ka'anbabaxaan Magaalada Gaalkacyo Ardaydaasi Ayagoona Gaari Doona Dalka UGANDA Si Halkaasi Tababar Ciidan Ay Ugu Sooqaataan".
Dhanka Kale Mar ay Idacadda Hobyo Microfanka Ladhexqaaday Ardaydii lagu Waday in Toobarka Ciidan looqaado Ayay Kawarbixiyeen sida ay U Arkaan Tababarkaan loowado"Magacaygu Waa Shamso Axmed Raaliye Waxaan Aad Ugu Faraxsanahay Tababarkaan naloowado RABI HADUU RAALI NOQDO Waan kasoo Faa'idaysan Doonaa" Magacaygu Waa Shariif Axmed Waan Kufaraxsanahay Tababarkaan naloowado Markaan dib Wadanka Ugu soolaabano Wax Fiican Ayaan kabadali Doonaa Amniga Haatan kajira" Magacaygu Waa Siciid Baago Waan Kufaraxsanahay Tababarkaan Ciidan oo naloowado Waxaan Ugu Mahadcelinaynaa Madaxda Dawlada Bari Markaan Wadanka Dib Ugu Soolaabano Wax Lataaban karo ayaan Kabadalaynaa" Sidaasi Waxaa yiri Qaar kamid ah Ardaydii Tababarka Ciidan loogu Wadayay Dalka UGANDA.
Sikastaba ha ahaatee Qaadista Ardaydaan Ayaa Noqonaysa markii Ugu horaysay oo Dowalad Gobaledka Galmudug Qaadaan Arday latababarayo Tan iyo Intii Dhidibada lootaagay.
 
|