Xuska 15-ka may SYL iyo kaalintii gobanimada ee halyey Cabdulaahi Ciise Maxamuud.By. Abdulahi Kullane

May,16,2009 www.Hobyoradio.com

Xuska 15-ka may SYL iyo kaalintii gobanimada ee halyey Cabdulaahi Ciise Maxamuud.

Bismilaah.
 
     Taariikhdu wey xustaa qiimaha iyo qadarinta ay leedahay maalinta taariikhdu ay ku beegan tahay 15-ka May oo ah maalintii aas-aaska ururkii gobanima doonka ahaa ee SYL, misna loo aqoonsaday maalinta dhalinyarada qaranka Soomaaliyeed. waxaa kaloo ayana xusid iyo qiimeyn balaaran mudan 13-kii aas aasayaal ee ururkaas iyo waliba Eebe janadii fardowsa haka waraabiyee aabahii gobanimadeena halyey Cabdulaahi Ciise Maxamuud.
 
     Anigoo ka qaybqaadanaya xuska 15-ka May ayaan misna jecleystay inaan umada moogna xasuusiyo qiimaha ay leedahay maalintaas iyo dadkii sharafka lahaa ee u soo halgamay calanka aan ciida raacinay ee Somalia.
 
                     15-ka May waa maalin ceynkee ah?
15-ka May waa maalin u ciidamisay ciida iyo calanka Soomaaliyeed, waa maalin leh sharaf iyo mudnaan, waa maalin cizi iyo qadarin mudan, dalkeena oo ku jira mugdi iyo gumeysi dadkeena oo gaajo la baaba'aya barwaaqadii dalkoodana gumeystet meel ku beegtay, dadkii oo la duleystay iyo jahli maanka ka qaatay, dalkii oo la qeybsaday o qaaruunba meel uga yimid, dadkii oo la kala qoqobay oo qaarba meel la geeyey, dadkii oo la duleystay oo inta wadada dhiiqada leh la seexsho wada laga dhigan jirey, intaa iyo inkadaran ayadoo lagu hayo umada Soomaaliyeed oo uu duleystay gumeyste waxa uu doonana ka samaysanayo ayaa waxaa lagu dhawaaqay ururkii SYL maalin ay taariiqdu ku beegneyd 15/08/1943 ayadoo maalintaasi ahayd maalin ay guulo balaaran u soo hoydeen dadka iyo dadka Soomaaliyeed ayadoo maalintaasna loo aqoonsaday maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed. maadaama ururkii gobanimadoonka SYL ay ahaayeen dhalinyaro ka danqatay dhibka iyo ciilyowga gumeysiga baday ugu dambeyntiina ku guuleystay ka samata bixinta umada gacantii cadaawaha ee gumeysiga kuna guuleystay in ay mideeyaan soomaali weyn. Waa su'aale Soomaalaay 15-ka may miyaanu iloobi karnaa?.

Qeybtana waxaan idinkugu soo bandhigayaa magacyadii,da'dii iyo goobahii ay ku dhasheen 13-kii  aas aase ee SYL oo aan dhihi karo waxay ahaayeen dadkii na gaarsiiyey xornimo buuxda noona sahlay inaan yeelano calan iyo magac aan ku mideysan nahay, inkastoo maanta halgankoodii iyo mirihii ay tacbeenba uu mugdi balaaran galay balse waxaanan ilaawi karin xasuustoodii.
 
  Ma xasuusataa 13-kii aas-aase ee Somali youth league, SYL?.

Waxaan hubaa in umada Soomaaliyeed ay xasuusato oo aysan marna maanka ka saarin halgankii dheeraa ee gumeystaha looga saaray wadankeena iyo ragii u soo halgamay ee magac iyo sharafba na siiyey, waxaa ugu horeeyey oo ururkii xornimadoonka SYL aas-aasay 13 wiil oo aan dhihi karo waa aabayaasha qaranka iyo jiritaanka ciida iyo calanka Soomaaliyeed.
Waxay kala ahaayeen 13kan halyey magacyadooda da'dooda iyo waliba goobtii ay ku dhasheen.
 
Magaca                                 Dashay                   Ku dhashay
 
1.C/qaadir Sakhaawadiin           1919                       Tayeeglow
2.Max.ed Xirsi Nuur 'Siddi'          1915                       Mareeg
3.Yasin Xaji Cusmaan                  1917                       Hobyo
4.Xaji Max,ed xuseen                  1917                       Muqdisho
5.Cisman Geedi Raage                 1925                       Muqdisho
6.Dhere Xaji Dhere                       1926                       Muqdisho
7.Dahir Xaji Cisman                      1925                       Hobyo
8.Cali Xassan Maslax                    1919                       Hobyo
9.Max,ed Cali Nuur                        1927                      Muqdisho
10.Max,ed Farax Hilowle              1925                      Mareeg
11.Max,ed C/lahi Xayeysi             1918                      Muqdisho
12.Hudow Macalin C/laahi            1926                      Mareerey

13.Max.ed Cisman Baarbe              1910                      Baardhere.

Waa su'aale Soomaalaay halyeeyadii qarankeena miyaysan lahaynin mudnaan?

Waxaa hubaal ah oo ayana meesha ka marneyn guul walba oo la gaaro in ay leedahay qof ka dambeeya waxaana isweydiin mudan waa kuma qofka ka dambeeya jiritaanka sharafka, karaamada iyo calanka Soomaaliyeed waxaan hubaa in aysan u baahnayn faaqidaad dheer oo uu qof walbaahi garan karo maankana ku hayo qofka uu yahay Aaabaha jiritaanka calanka iyo ciida Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee Mudane halyey Cabdulaahi Ciise Maxamuud oo ahaa halyeygii na gaarsiiyey guusha iyo gobanimada ciida iyo calankaba ahaana xoghayahii guud ee ururkii SYL ahaana Aabahii calanka Soomaaliyeed ee sharafta badan gacantiisa ku taagay loona aqoonsaday in uu yahay Aabaha xoriyada ciida iyo calanka Soomaaliyeed, waxaan anigu dhihi karaa sida dad badan oo muwaadiniin ah aaminsan yihiin in uu halgamaa Cabdulaahi Ciise yahay aabaha Umada Soomaaliyeed sharafka iyo magaca u yeeley.

Waxaan jecalahay inaan idiin soo bandhigo xoogaa far iyo suul ah oo aan ka soo daray keydka taariikhda Aaabaheen aabaha calankeena Aabaha ciideena  Aabahii xoriyada halyey Cabdulaahi Ciise Maxamuud.  

 

Taariikh kooban oo ku faaloonaysa Aaabahii xoriyadeena

 Allaha u naxariistee aabahii xoriyada ciida iyo calanka halyey Cabdulaahi Ciise Maxamuud waxa uu dhashay taariikhdu markay ahayd 1922-kii waxa uuna ku dhashay degmada Afgooye ee gobolka Shabelaha hoose, halyeygu waxa uu waxbarashadiisii sare ku soo qaatay kuliyadii waxbarashada sare ee gumeystihii talyaaniga, ayadoo shaqadiisa ugu horeysayna ay noqotay maamule xafiis. Taariikhdu markay ku beegnayd sanadkii 1943-dii ayuu halyeygu xubin ka noqday ururkii gobanimadoonka ahaa ee SYC isagoo sanadkii xigay xaruntii ugu horeysay ee ururkaas ka furay magaalaada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, taariikhdu markay ahayd 15/05/1947 markii lala yaabay kartidii iyo dadaalkii uu soo bandhigay loo doortay xoghayaha guud ee ururkii xornimadoonka ee SYC, isagoo durbadiiba magacii hore ee ururkaas ee ahaa SYC u badalay SYL wuxuuna isla markiiba soo saaray ajandahiisa siyaasadeed oo ka koobnaa shan qodob oo muhiim ah oo kala ahaa:

 

1. In la raadiyo Gobanimadda iyo Xuriyada shanta Soomaaliyeed oo mideysan.

2.  In lala dagaalamo kala qeybinta qabyaaladda ku dhisan.

 

3.  In laga taqaluso ciddii ka hortimaada danta Umadda Soomaaliyeed.
 
4.  In waxbarashada lagu baahiyo dalka oo dhan lana dhiso aqoonta dhalinyarada Soomaaliyeed.
 
5.In la qoro Afka Hooyo ee soomaaliga ah.
 
Halyey Cabdulaahi Ciise Maxamuud waxa uu shir gudoomiyey kulankii taarikhiga ahaa golaha dhexe ee ururkii SYL laguna gaaray maamulkii 10-ka sano ee TRUSTEESHIP-ka ahaa hogaanka dalkana loogu dhiibay kulankaas.
C/laahi Ciise waxa uu horseed ka ahaa kacdoonkii Hanoolaato ee dhex maray Gumeystihii Taliyaaniga iyo Umada soomaaliyeed sanadkii 1948dii. Kacdoonkaan oo ay ku geeriyoodeen 52 qof oo Taliyaani ah, 15 qofood oo ahayd Soomaalidii markaas la jirtay Talyaaniga (Pro-Taliyaani) iyo Xaawo Cismaan oo ku magacdheereed Xaawo Taako.
 
Cabdullaahi Ciise Maxamuud waxa uu ku guulestay in Qaramada Midoobay uu ku qanciyo in la isfeersuro calanka Taliyaaniga iyo kan Soomaaliya sanadkii 1954tii.
Sanadkii 1956dii waxa uu noqday ra'iisulwasaarihii ugu horeyay ee Soomaaliya waxaana xukuumadiisa lagu dhisay sharciga No=1 ee 07/05/1956dii. Afar sano kadib, 1959 waxaa uu misna ku guuleystay mar kale in uu qabto xilka ra'iisulwasaarenimada.
Inta uu maamulka talada dalka haayey, Halgame Cabdullaahi Ciise Maxamuud waxa uu abaabulay xeerkii lagu dhisay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed 14/04/1960kii wuxuuna darajadda Janaraalka ah u dalacsiiyay Daa'uud Cabdule xirsi oo noqday taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Waxaa Lagu Xasuustaa in Uu Diiday Ka Qeyb-Galka Doorashada madaxweynanimo ee Somalia 1960-kii waxa uuna ku sababeeyey in uu doonayo in ay fursado helaan walaalahiisa isku soo taagay jagada madaxweynanimada.
 
Allaha u naxariistee Halyey Cabdullaahi Ciise Maxamuud waxa uu dalka ka soo qabtay Xilal kala ah:
1954-1960 waxa uu ahaa Raisalwasaarahii ugu horeeyey ee somalia.
 
1960-1964tii waxa uu ahaa wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya.
 
1964-1967dii waxa uu ahaa wasiirka Caafimaadka Soomaaliya.
 
1967-1969kii waxa uu ahaa wasiirka Ganacsiga Soomaaliya. 
 
1973-1984kii Halgame Cabdullaahi Ciise Maxamuud waxa uu ahaa danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Sweden,isla markaana wakiil ka ahaa dhammaan dalalka la isku yiraahdo Iskandaneefiya.
 
Allaha u naxariistee Halgame Cabdullaahi Ciise Maxamuud wuxuu taariiqdu markay ahayd 24/03/1988kii ku geeriyooday Dalka taliyaaniga, gaar ahaan magaalada Roma. Waxaa meydkiisa dalka somalia dib loogu soo celiyay 29/03/1988, halkaas oo loogu sameeyay Aas Heer Qaran ah oo ay ka wada qeyb galeen dhamaan halgamayaashii SYL iyo Umadda Soomaaliyeed. Maalintaasi oo loo aqoonsaday Geeridii Aabihii Xuriyadda Soomaaliyeed, waxaana dalka oo dhan ka dhacay baroordiiq Qaran.
 
Intii lagu jirey halgankii dheeraa ee xornima doonka halyeygu waxa uu noqday nin magaciisa loogu goodiyo gumeystaha oo gumeystaha markii uu qabto dad Somali ah ama uu xumeeyo ayay dadka reer banaadiriga ah waxay qaadi jireen hees qiimo badan oo ay ku cadaynayeen geesimada iyo waxgalka halyeyga waxaa ka mid ahaa:
 
Ar gaalaa i soo caayee
Cadawgeygi waa
Cali nuur haloo sheego iyo Cabdulaahi ciise.
 
Cali nuur waxa uu ahaa halgamaa har iyo habeen garab taagnaa halyey Cabdulaahi Ciise oo safar walba iyo goob walba ay wada joogi jireen, waxaa ayana dadka waqooyi ayagana dhambaalo iyo gabayo ducooyin ah hawada u soo marin jireen halyeyga waxaana ka mid ahaa:
 
Ninkaa cabanaaya
Cadaanka hortiisa
Cabdulaahi ciise
Aloow caawiyeee.
 
Waxaan shaki ku jirin in Cabdulaahi Ciise uu ahaa halyey qaran isla markaana uu mudan yahay in har iyo habeen maanka lagu hayo.
 
NOTICE: miyuusan mudnayn Soomaaliyey aabaha xornimada ciida iyo calankeena in Taallo looga taago magaala walba oo ka mid ah ciida Soomaaliya. waxaan idinka codsanayaa in aad xasuusataan maankana ku haysaan in uu mudan yahay in taallo loo suro si ay xusuus ugu noqoto caruurteena dhalan doonta una ogaadaan in uu yahay aabahii calanka iyo ciidooda.
 
By. Abdulahi Kullane.
kullaneyare@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com