Wafti ka socda ururka Hamilo ee Hurumarinta xaga Waxbarashada iyo Caafimaadka ee deegaanka Galmudug State  oo booqosho ku yimid gobolka Minnesota ee cariga Marakanka.

May,18,2007 www.Hobyoradio.com

Waftigan  oo ah aqoonyahano aad looga Qadariyo  W/Amerika-UK,Sweden.Denemark. Norway iyo Finland  ayaa  7 sano kahor ku guulaystay Aas  aaska Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo dhanka Galmudug State ayadoo isbitaalka maanta ay ka howl galaan shaqaale kabadan 102qof, Isbitaalka ayaa ka kooban-Qaybta Bukaanka-Qaaxada-Hooyada iyo Dhlaanka, Isbitaalka weyn ee  magaalada Gaalkacyo dhinaca Galmudug State ayaa ah  lacag la'aan  ayadoo aysan jirin kala sooc shacabka Soomaaliyeed.

 Sh. C/lahi  Shire Cageey

 Sh. Cali Bashiir Nuur

 Sh.Maxamud M. Galbayte

Waftigan ayaa  kasoo kicitimay wadanka Canada ayagoo socdaal  ku mari doona  gobolada Maraykanka  ujeedada waftiga ayaa ah  sidii Iskuul Sare ama  High School loogu dhisi lahaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, Waftigan ayaa waxaa kamid ahaa Sheekh.Cabdullaahi shire Cagey, Sheekh, Cali  Bashiir Nuur iyo  Sheekh,Maxamuud  Max'ed  Warsame  Galbayte.

Jaaliyada Galmudug State ee magaalada  Minneapolis  ayaa si heer sare ah u soo dhaweeyay  Waftiga oo in muda ah ay sugayeen,  ayagoo aad ugu amaanay   howlkarnimada iyo waxqabadka ay bulshadooda  u hayaan  gaar ahaan xaga Caafimaadka iyo Waxbarashada deegaanka Galmudug State .

hadaba shirkii weynaa ee kadhacay xarunta shirarka  ee karmel Mall  ayaa ahaa mid quruxbadan oo si weyn loosoo agaasimay,ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay Imaamka masaajidka Towxiid ee Karmal Mall Sheekh. Cumar Hassan Cade Fiqi  oo aayada quraan ah iyo Xadiis ka jeediyay  Munaasabadii  asagoo ahmiyada  siinayay  sadaqada iyo taakulaynta ehelka gaar ahaan Caafimaad iyo Waxbarashada taasoo Shiikhu uu ku sheegay Sadaqa Jaariya.

Kadib waxaa warkii qaatay Sheekh.C/laahi Shire oo waftiga kamid ahaa sheekha ayaa mahad balaaran kadib ku amaanay jaaliyada Minneapolis kuwa had iyo goor u taagan taakulaynta dadkooda  iyo dalkooda, sheekh C/laahi ayaa ka warbixiyay in arday gaaraysa 700 ay Setember-2007 ay  diyaar u yihiin High school asagoo ku booriyay Jaaliyada inay  wax ka qabtaan baahida uu gobolku u qabo Iskuul Sare (high school).

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Sheekh.Cali Bashiir Nuur oo ka warbixiyay Iskuulka sare dhismihiisa iyo qarashka ku baxaya,Sheekha ayaa sheegay inay diyaar ay yihiin Macalimiintii dhigi lahayd Iskuulka (High School) ayadoo uu ku kacayo dhismaha Iskuulka lacag dhan $91.000kun oo Dollar, asagoo islamarkaasna soo bandhigay Naqshada Iskuulka.

Sheekh.Cumar  Hassan Cadde  Fiqi

Sidoo kale waxaa isna  munaasabadii ka hadlay  Sheekh. Maxamuud Max'ed Warsame Galbayte oo ka warbixiyay aas aaskii Isbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo dhanka Galmudug State, sheekha ayaa sheegay in Isbitaalka Gaalkacyo ay ku bilaabeen  Hal qol maantana ilaahay mahadii uu marayo 4 qaybood oo waawayn-Qaybta Bukaanka,Qaybta Gargaarka deg degta ah,Qaaxada iyo Hooyada iyo dhalaanka, Sheekh.Maxamuud ayaa ku booriyay dadkii shirka fadhiyay in ay ka  wada qayb qaataan  sidii loo dhisi lahaa Iskuulka Sare oo ay baahi badan  u qabaan Dhalaankeenii.

 Jaaliyada Galmudug State.   

 Sheekh.Cabdi  Cali  Bahal

Waxaa kadib manuusabadii ka hadlay Waxgaradkii halkaa isu yimid ee jaaliyada Galmudug State,  ugu horeyntii Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyaynta Galmudug State  Hassan Maxamuud Hayl oo mahadbalaaran u jeediyay waftiga una balan qaaday inay Maamul ahaan Garab siinayaan asagoo intaasi raaciyay in loo baahan yahay  in Jaaliyada dibadu wax la qabtaan Walaalohooda ku tabaalaysan Gobolka.

   

          Col. Hassan Maxamed Cali            (Hassan Korneyl)

W.H.Gud iyo Guriyaynta.Hassan  Hayl

Mudane.Ildhigte

Mudane. Qariidi

Dadkii halkaa isugu yimid  ayaa kadibna bilaabay dhaqaale uruurin  ayadoo isla goobtii lagu aruuriyay lacag dhan $6450 dollar (lixkun iyo afar boqol iyo konton) dadkii intii wax bixisay maahane intii kale ayaa is diiwaan galisay, asagoo qofka ugu yari isku qoray ugu yaraan   $100 dollar.

Sh. C/laahi Shire Cageey

Sheekh. Cali Bashir Nuur

Sh.Maxamud M.Galbayte

Mudane.C/qaadir Cise (Cabdidhiish)

 Sheekh.Maxamuud M.Galbayte

Waxgaradkii hakaa ka hadlay oo aan lasoo koobi karin ayaa waxaa kamid ahaa  Mudane,Ildhigte oo ah nin reer Hiiraan ah, kuna  yaboohay Iskuulka sare ee laga dhisi doono Magaalada Gaalkacyo dhinaca Galmudug State $250.

Sidoo kale Waxaa halkaa ka hadlay  Sheekh.Cabdi Cali Bahal, Sheekh.C/qaadir Qasim Nuune, Col. Hassan Max'ed (Xassan kornayl) Mudane Cabdi Dhiish,  Mudane. Cabdisalaan Kaytoon, Mudane.Qariidi.

 

Wallaal Dhoobada ana Dhagaxa Kii ka dhuuntee Dhibka diidow Dhaxal kuma Lihid

C/aziz Xogolof

Minneapolis , MN

xogolaf@yahoo.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@hotmail.com