Madaxweyanaha Galmudug Max’d Warsame Cali Kiimiko ayaa maanta ka soo degay Garoonka diyaaradaha Magaalada Galkacyo.Daawo Sawirada by,cabdalle

May,20,2009 www.Hobyoradio.com

Madaxweyanaha Galmudug Max’d Warsame Cali Kiimiko ayaa maanta ka soo degay Garoonka diyaaradaha Magaalada Galkacyo kadib Safar shaqo oo uu ku joogay Magaalada Nayroobi ee dalka Keyna. Daawo Sawirada by,cabdalle.

 

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug State somaliya Mudane Max’d Warsame Cali {kiimiko} ayaa barqanimadii Maaanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalakcyo kadib safar shaqo oo mudo dahwr bil ah uu ku joogay Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya

 

 

Madaxweynaha waxaa Garoonka Gaalakcyo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo iskugu jira xilhibaano,Wasiiro,Saraakiil,Odayaal dhaqmeedyo Haweenka iyo qaybaha bulshada Galmudug Satate, waxaana loo soo Galbiayay dhanka xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Gaalkacyo.

   

Munaasab aad ubalaaran oo Madaxtooyada ka dhacaday Ayaa waxaa laga soo jeediyay qudbado soo dhweyn ah oo ugu horauntiii uu jeediyay Wasiirka Amniga Galmudug Cumar suuri Max’uud rooble kadibnaa waxaa iyana hadlay Mas’uuliyin ay ka mid yihiin Nabadoon yuusuf qabax, Gudoomihaha Gobolka Mudug xasan faarax barre,Taliyaha Guud ee Ciidamda Galmudug Shekh Max’d Samatar, kuxigeenka wasiirka Ganacsiga Galmudug ahana Gudoomiayah Ururka Haweenka Gobolka Mudug Marwo xabiibo koofurow iyo Mas’uuliyiin kale oo dhamaantood qudbado soo dhaweyn ah ka jeediyay Munaasabadda

 

 

Gunaandkii waxaa qudbad  jeediyay madaxweyanaha Galmudug Max’d warsame Cali {kiimiko} waxa uuna kaga hadalay soo dhaweyntiisa oo uuga mahad celiyay Mas’uuliyiinta Galmudug iyo shacabka soo dhaweeyayay waxaa uuna sidoo kale sheegay in sfarkii uu ku tagay Kenya ujeedkiis ahaa kulamo uu la qaadanayay hay’adaha samfalka gaar ahaana UN-ka oo ka hawl Galmudug in ay sii wadaan dadaalkooda ku aadan hor’umarinta deegaanka ee mashruucyada bulshadu ka faaidaysanayaan ah  waxa uuna mudane kiimiko xusay in qorshyaal badan isla meel dhigeen waxna ay wali harsan yihiin asagoona Madaxweynuhu shacbka ugu bishaareeyay talaabooyinka hor’umarka leh ee ay dawladdiisu gaartay Amnhana uu ka mid yahay.

   

   

Ugu danbayntiina Madaxweyanaha Galmudug waxa uu balan qaaday in waqtiyada soo socda kulan balaarn uu ku faah faahin doono safarkiisii uu Mudooyinkaan ku joogay Magaalada Nayroobi

Cabdalla M.C/lle

HobyoradioGalkacyo

 GalMudug SOMalia

+25290-752260

Cabdalla45@hotmail.com

Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com