![]() |
|||
|
|
|||
|
Qalabkii Cismaan Xasan Cali Caato oo ka bilaabay dayactir wadooyinka magaalada Gaalkacyo ee xarun goboleedka Galmudug State.
May,21,2007 www.Hobyoradio.com Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa dhawaan soo gaaray gawaari badan oo iskugu jirta Tarelayaal xanbaarsan Cagaf Cagafyo, ayadoo la qorshaynayo inay u kicitimaan maalmaha soo socda wadada u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Hobyo si ay u dayactiraan, qalabkan ayaa lagu wadaa in lagu dhiso Airboorka Hobyo. Mudane Cisman Caato ayaa shalay ka sheegay shirka Bandiiradleey oga socda golayaasha Galmudug inuu dayactirayo wadada u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Hobyo, islamarkaana uu heshiis la galay shirkada Hobyo Development Company (HDC) oo uu maamulaha ka yahay Cumar Maxamuud Rooble ( Cumar Suuri) inay maalgaliyaan Airportiga Hobyo.
Mudane Cisman Xasan Caato oo soo gaaray Gaalkacyo, Galmudug State
Maamulaha Shirkada Hobyo Development Company Cumar Suri Wadooyinka waaweyn ee Gaalkacyo oo la dayactirayo Grader Simaya Wadooyin ugu waaweyn ee magalada Galkacyo Galmudug. Wadada oo la baneeyay
Booyad iyo Grader Wadada oo dhanka bidix loo furay inay Gawaridu marto ayadoo dhanka midigna howshu ku socoto. Dadweynaha Magaalada Gaalkacyo oo ku faraxsan bilicda, iskuna soo baxay si ay daawadaan howsha socota. Jaaliyada Galmudug ee ku dhaqan Maraykanka iyo Waxa garadka ayaa waxay Hambalyo iyo bogaadin u diraynaan Mudane Cisman Xasan Cali Caato iyo Maamulaha shirkada Hobyo Development Company (HDC) Cumar Suri shaqada wanaagsan ee ay ka hayaan deegaanada Galmudug State. C/aziz Xogolof San Diego,California xogolaf@yahoo.com Hobyo Radio News Media |
|||
|
Contact: hobyoradio@gmail.com |
|||