Waxaa dhawaan wadooyinka waa weyn ee magaalada gaalkacyo ee dawlad goboleedka galmudug satate ka bilawday hawl balaaran oo lagu hagaajinaya wadooyinka bur bursan ee magaalada Gaalkacyo gudeheeda..JPG)
.JPG)
.JPG)
Shaqadaan oo ay fulinayaan qalab iskugu jira katrabiilo iyo cag cagfyo uu na leeyahay xildhibaan Cismaan Xasan Cali Caato ayaa waxa ay wax badan ka qabteen wadooyin bur bursanaa gawaaridana ay dhib ku qabeen maristooda gaar ahaana wadooyinka jidka bilerafle iyo astaanka Hobyo ayaa qalabka xildhibaan Cismaan Xasan Cali Caato wax badan ka qabteen Waxaana mudo’laba maalin ah oo ay hawshaani socotay iskugu soo baxay wadooyinka waa weyn magaalada Gaalkacyo ee Galmudug dadweyne farabadan oo ku faraxsan sida hawluhu usocdaan Dadweynaha oo qaarkood u waramayay warbaahinta hobyoradio waxa ay sheegeen in xildhibaan Cismaan Caato uu qabtay shaqo muhiim ah oo taariikhi ah isla markaana unoqon doonta sida ay xuseen daakani mid baal dahab ah ka gasha taariiqda shacabka Galmudug state.
.JPG)
.JPG)
.JPG)
.JPG)
Waxayna intaasi ku dareen in rajo iyo dhiilo badani ku timid markii ay dhagahooda ku soo dhacay in dekadda iyo Ariborka Hobyo iyo wada isku xirta Gaalkacyo ilaa Hobyo dayactir balaaran lagu samaynayo, xildhibaanka iyo jaaliyadda Galmudug ayaa arintaani fulinayay.
.JPG)
.JPG)
.JPG)
Xilidhbaan Cismaan Xasan Cali Caato oo dhawaan soo gaaray magaalada Gaalkacyo kana qayb galay sidoo kale shirweynihii sadexaad ee deegaanka Bandiiradley lagu soo gaba gabeeyay ayaa waxa xiliga hawsha hagaajinta wadooyinka markii ay socotay waxaa la arkayay asagoo kormeeraya sida ay shaqada u wado hagaajinta ah u socoto, Xildhibaanka oo aan ilaa xilgii uu Gaalkacyo yimid wax war ah saxaafadda siin waxaan lakulmay xili uu gaarigiisa ka soo degay kuna lugaynayay wada astaan Hobyo ee magaalada Gaalkacyo waxa uu ii sheegay in wax war ah xiligaan uusan saxaafada siinaynin balse uu iga ogolaaday inaan sawiro ka qaato oo kaliya.
.JPG)
Dhanka kale Cumar Max’ud Rooble Cumar suuri oo asaguna ah Maamulaha Shirkada Hobyo Development Company HDC oo mashaariic hor’umarineed ka fulinaysa deegaanda dawlad goboleedka Galmudug ayaa waxa uu mar uu hobyoradio uwarmayay uu sheegay in hawsha balaaran ee qalabka xildhibaan Caato ee Gaalkacyo ka wado ay qayb ka tahay mahaariicda hor u marinta ah ee shirkadda HDC ee deegaanada Galmudug ka wado waxa uuna Mudane Cumar Suuri xusay in Hobyo Development Company HDC ay xilhibaanka wada shaqayn leeyihiin sidoo kale mashruuca kanbinigaan ay soo abaabuleen xubno ka tirsan jaaliyadda dibadda ee Galmudug ujeedkuna uu yahay sidii bulshadu uga faaidaysan lahayd khayraaka dalka ee deegaanada Galmudug, bulshadana looga baahanayahay in ay gacan ku siiyaan habsimi usocdka shaqadaan faaidadeena mar dhaw ay dareemi doonaan dhamaan shacabka reer Galmudug state.

Cabdalla M. Cabdille
Gaalkacyo, Galmudug State Of Somalia
Mobail:0025290752