Home | Contact | Abaut Us | Maqaal | Tacsi | History |
Dhagax  dhiggii  dabaqa saddexaad ee Dugsiga Al-Sha’ab(Daawo Sawirada).

May,26,2010 www.Hobyoradio.com

Dhagayso wararki Idacada Hobyo ee May,18,2010 Dhagayso

Halkan ka  Dhagayso Munaasadadii dhagaxdhiga dugsiga Sare Ceelguula Dhagayso

Dhagax  dhiggii  dabaqa saddexaad ee Dugsiga Al-Sha’ab

Sawirka Dugsiga Al-Shacab ee hadda oo birihii shubka ka dul taagan yihiin

Sawirka Dugsiga Al-Shacab

Wasiirka waxbarashada ee Galmudug BURHAN WARSAME CIGAAL iyo maamulaha isbitaalka konfurta Gaalkacyo Mohamed Abdi Ahmed oo dhagax dhigayo dabaqa saddaxaad ee dugsiga Al-Sha’ab

Xubin ka tirsan guddiga HICDA oo dhagax dhigayo dabaqa saddaxaad ee dugsiga Al-Sha’ab.  Sh. Maxamuud Max'ed Warsame Galbayte

Afhayeenka Galmudug Ahmed Mahamud Hassan (Baasto) oo dhagax dhigayo dabaqa saddaxaad ee dugsiga Al-Sha’ab

Ururada naga kaalmaynayo dhismaha Dugsiga

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay May 24, 2010 la dhagax dhigay  dabaqii saddaxaad ee dugsiga Al-Sha’ab ee koonfurta Gaalkacyo. Dhismahaan ayaa loogu tala galay in uu ku dhammaado muddo labo bilood ah, wuxuuna ka koobnaan doonaa :

1.      Qolka shirarka (Auditorium )

2.      Maktabad (Library)

3.      Qolka Combuuterada (Computer technology classroom )

4.      Qaybta la surayo Antenada isgaarsiinta(Staircase and elevated cement slab on the roof for holding satellite dish.)

Si ay himiladaan u hirgasho waxaan taageerayaasheena iyo inta khayrka jecel ka codsanaynaa in aad nagu kaalmaysaan gaaridda hadafkaan idinkoo riixayo halkaan

http://humanconcern.org/al%27sha%27ab-school.php ama

http://www.himilo.ca/english/appeal.php

Annagoo ah guddiga HICDA waxaan mahad gooni ah u diraynaa ururada BARDO, HCI iyo Imaamu Nabawi oo marwalba nagarab istaago iyo sidoo kale walaalaha ku kala nool aduunyada cirifyadeeda.

Waxaa sidoo kale mahad gooni ah u diraynaa HIMILO Gaalkacyo, maamulaha iyo macallimiinta iyo waalidiinta dugsiga Al-Sha’ab sida ay marwalba uga qayb qaataan hawlaha dugsiga Al-Sha’ab.

Wixii faah faahin ah fadlan la xiriir guddomiyaha Himilo Mohamed Ali Aden 1416-885-5997 ama Abdullahi Shire 1905-685-9719

Gudoomiyaha Ururka Himilo

Max'ed Ali Aden

Toronto, Canada

Email: mohamedaaden@hotmail.com

Halkan ka daawo soo dhaweyntii madaxweynaha Galmudug ee dalka Sweden Universal Tv- News- ka fiiri-Daqiiqada 23:00

 
 
Shir U dhexeeyey Masuuliyiinta Galmudug iyo Haayada Qaramada Midoobay ee UNOCHA ,UNDP, WFP, UNHCR,Iyo FAO oo Kadahacay Magaalada Gaalkacyo. Daawo Sawirada
Roobab Lagu Diirsaday oo Kada' ay Gobolada Galmudug xili Kulaal ba an laga dareemayey Waqtiyadii Ugu Danbayey. Daawo Sawirada
Saxafiyiinta Gobolka Mudug oo Canbaareeyey Talaabiiyin kabaxsan Anshaxa saxafada oo ay baryihii lasoodhafay Kukacayeen Idacaddo Kuyal Waqooyiga GalkacyoApril,13,2010
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Galmudug oo Kadib  kulan ay kuqaateen Xarunta Madaxtooyada Wafdi heer Wasiiro ah U diraya Gobolada  ay Abaaruhu Saameeyeen April,13,2010
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Home | Contact | Maqaalo | Tacsi | Hambalyo | Fanka iyo Suugaanta | Fikrado  | Wararkii Hore | Waxbarshada | Caafimaadka | Dhaqanka |  Dhaqaalaha | Galmudug State|