War deg deg ah Gaari ay saarnaayeen shaqaalaha MSF Holand oo lagu rasaaseeyay  magaladda Gaalkacyo ee Galmudug State.

May,29,2009 www.Hobyoradio.com

War deg deg ah Gaari ay saarnaayeen shaqaalaha MSF Holand oo lagu rasaaseeyay  magaladda Gaalkacyo ee Galmudug State.

Shaqaalaha MSF Holand ee ka howl gala  isbitalka K/Galkacyo oo ka rawaxay  shaqada waqtigaasi kuna wajahnaa guryahooda ayaa ayagoo maraya agagaarka dugsiga sare ee Shacab “ watayna gaari Homey ah ayaa malayshiyo hubaysani rasaas ooda kaga qaadeen fiidnimadii caawa.

Gaari ay saarnaayeen shaqaalaha isbitaalka K/Gaalkacyo ayaa 8:30 habeenimo waqtiga Gaalkacyo ay kooxo hubaysani ku rasaaseeyeen ayadoo uu dhaawac fududi kasoo gaaray 3 kamida shaqaalaha isbitaalka Galkacyo ee DG Galmudug State.

Ciidamadda booliska Galmudug oo markaasi roondo ka samaynayay meel aan sidaasi oga fogayn halka lagu dhaawacay shaqaalaha MSF Holand ayaa soo gaaray goobtii ayagoo dhaawacii u qaaday dhanka isbitaalka guud ee magaladda Gallkacyo.

Waxaa dhaawac kasoo gaaray 2 kamid ah shaqaalaha Msf Holand  iyo gabar ardayad ah oo gaariga kasoo raacday isbitaalka Galkacyo, magacyadda dadkii halkaasi ku dhaawacmay ayaa ahaa Aniso Dahir Cabdi, Cabdirahman macalin maxamud iyo Naciimo Baashi oo ardayad ah ayaa waxaa haatan lagu daawaynayaa isbitaalka guud ee Gaalkacyo sida ay howlwadeeenada u xaqiijiyeen Hobyoradio.

Jaaliyadda Galmudug ee dibadda haday Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo haweenka waxay cambaaraynayaan falkii loo gaystay shaqaalaha Msf holand ee ka howlgala isbitaalka Gaalkacyo,waxay sidoo kale ugu baaqayaan maamulka iyo  ciidamadda amniga Galmudug inay sharciga soo taagaan cidii falkaasi gaysatay ayagoo alle oga baryay in caafimaad alle siiyo shaqaalihii ku waxyeeloobay.

Jaliyadda Canada

Jaaliyadda UK

Jaaliyadda USA

Jaaliyadda Sweden

Jaaliyadda Norway

Jaaliyadda Denmark

 

Wixii wara ee kasoo kordha dib ayaan inkaga soo gudbinaynaa.

Wariye Cabdalle Max'ed Cabdille

Gaalkacyo, Galmudug State


Hobyo Radio News Media

Contact: hobyoradio@gmail.com