Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, oo lagu caleeemo-saarayay guddoomiyaha cusub ee baarlammaanka dawlad-goboleedka GalMudug mudane Max'ed Salaad Ducaale, ayna ka soo qayb-galeen masuuliyiin iyo dadweyne 200 ku dhaw, ayaa maalinnimadii Isniinta ee ay taariikhdu ahayd 05/05/08. waxaa lagu qabtay guriga mudane Max'ed Salaad Ducaale ee magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Max'ed Salaad Du'aale

Maalinnimadii Sabtida taariikhduna ay ahayd 03/05/08. ayaa Golaha baarlammaanka Dawlawlad-goboleedka Galmudug waxa uu aqlabiyad buuxda ah ku doortay guddoomiye mudane Max'ed Salaad Ducaale.
Xafladdan, oo ahayd mid aad u qurax badan, ayaa waxaa soo qaban-qaabiyayay xildhibaanno ka tirsan golaha baarlammaanka Dawlalad-goboleedka GalMudug, oo ay ugu horreeyeen xildhibaan Axmed Dheere iyo xildhibaan Sh. Cali Gaab. waxaana xiriiriye ka ahaa xafladda Calideeq Max'ed Xaashi.

Nabadoon Cisman Nuur Qayd

Nabad-doon Yuusuf Xaashi Cilmi (Qabax).

Nabad-doon Abwaan Max'ed Max,ud Guuleed (Geesey),

Sheekh Muxuyadiin Yuusuf Barre
Sh. Muxyaddiin Yuusuf Barre ayaa xafladda ku furay aayado qur'aan ah iyo wacdi diini ah, oo aad ay ula qushuuceen ka-qayb-galayaashu. wuxuuna Sh. Muxyaddiin carrabka ku dhuftay xaaladda halista ah ee ay Soomaaliya marayso wakhtigan. "waa in lagu baraarugaa ay maanta dalka ka jiraan 3 cadaw oo umadda Soomaaliyeed ay leedahay. waxayna kala yihiin cadaw diimeed, cadaw jiritaanka Soomaaliyeed iyo cadaw dad gaar ah lagu baabbi'nayo!". ayuu yir Sh. Muxyaddiin Yuusuf Barre. wuxuuna ugu baaqay dadka reer GalMudug midnimo iyo feejignaan.

Nabadoon C/llaahi Fayf

Xildhibaan_Axmed-dheere,_Abwaan_Calideeq_iyo_xildhibaan_Xasan_Cali_Il-weyn.

Mudane Rage Haji Dhoore

Col. Ciro
Ka dibna waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub ee golaha baarlammaanka GalMudug mudane Max'ed Salaad Ducaale., oo Sacab badani uu u dhacayay. wuxuuna guddoomiyuhu halkaas ka soo jeediyay qudbaddiisii u horraysay ee uu meel fagaare ah ka jeediyay sidii loo doortay. wuxuuna ugu horraynba salaan iyo mahad-celin u soo jeediyay ka-soo-qayb-galayaashii xafladda. isagoo mahad-naq gaar ah u soo jeediyay xubnaha golaha baarlammaanka ee Dawlad-goboleedka GalMudugiyo golaha guurtida ee Dawlad-goboleedka GalMudug. isagoo yiri "waxaan sidoo kale salaan u diryayaa Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Dawlad-goboleedka GalMudug, oo dalka dibaddiisa ku maqan. waxaan sidoo kale salaan u dirayaa dhammaan shacabka GalMudug ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba kala jira".
Mudane Max'ed Salaad Ducaale ayaa sheegay inuu ugu shaqayn doono shacabka GalMudug si daacad ah. wuxuuna ballan-qaaday inuu golaha baarlammaanka ku hoggaamin doono si waafaqsan dastuurka Dawlad-goboleedka GalMudug. wuxuuna sheegay in dastuurka Dawlad-goboleedka GalMudug uu waafaqsan yahay shareecada Islaamka. wuxuuna guddoomiyaha baarlammaanku ka codsaday shacabka GalMudug ee gudaha iyo dibadda inay hiil iyo hooba ku taageeraan dawlad-goboleedkooda GalMudug.

Wasiirka Maaliyada Galmudug Ahmed Dahir C/kariin Nuur

Mudane C/llahi Digsi

Mudane Gashaanle Nuur Qayd

Abwaan Calideeq Max'ed Hashi
Mudane Max'ed Salaad Ducaale ayaa intaas ku daray inuu ka shaqayn doono sidii loo xoojin lahaa midnimada shacabka GalMudug. islamarkaana loo ballaarin lahaa Dawlad-gowlad-goboleedka GalMudug. wuxuuna baaq nabadeed u jeediyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed. isagoo yiri " waxaan ku baaqaynnaa in la joojiyo colaadaha. laguna dhammeeyo khifaafka wada-hadal"..
Ka dibna waxaa qudbado kala duwan oo iskugu jiray taageero iyo hambalyo ku socotay Guddoomiyaha cusub ee baarlammaanka GalMudug halkaas ka soo kala jeediyayay masuuliyiin kala duwan oo iskugu jira Nabad-doonno, culumaa'u-ddiin, xildhibaanno,wasiirro, jaaliyadda dibadda, ganacsatada iyo maammullada gobollada Koonfurta Mudug iyo Hobyo.
Masuuliyiintii kala duwanayd ee xafladdaas ka hadashay, oo dhammaantoodba taageeray guddoomiyaha cusub ee baarlammaanka Dawlad-goboleedka GalMudug ayaa waxay kala ahaayeen;
1- Nabad-doon Cusmaan Nuur Qayd.
2- Nabad-doon Yuusuf Xaashi Cilmi (Qabax).
3- Nabad-doon Abwaan Max'ed Max,ud Guuleed (Geesey),Guddoomiyaha Deg. Af-barwaaqo, oo gabay qiimo leh halkaas ka tiriyay.
4- Macallin Aadan, Guddiga Garsoorka.
5- Axmed-Daahir C/Kariim Nuur, Wasiirka Maaliyadda GalMudug.
6- Gaashaanle Nuur Qayd, Jaaliyadda Dibadda.
7- Yuusuf Jaamac Ducaale (Ilka-case), Guddoomiye ku xigeenka guddiga maaliyadda ee GalMudug.
8- Garaad Dhoorre Qoor-weyne, Ganacsatada.
9-C/Laahi Yuusuf Guuleed (Digsi), guddoomiye ku xigeenka gobolka Hobyo.
Xafladdaas lagu caleemo-saarayay guddoomiyaha cusub ee baarlammaanka Dawlad-gonboleedka GalMudug, oo ku dhammaatay jawi heer sare ah, ayaa masuuliyiintii kale ee GalMudug ee ka soo qayb-gashay waxaa ka mid ahaa; dhammaan Nabad-doonnada Golaha guurtida ee GalMudug, xildhibaanno golaha baarlammaanka GalMudug oo ay tiradoodu gaaraysay 16 xildhibaan, 10 ku dhawaad iskugu jiray wasiirro iyo wasiirro ku xigeenno golaha wasaarada ee GalMudug iyo qaar ka tirsan xubnaha guddiyada Garsoor, maaliyadda iyo Nabadgalyada ee Dawlad-goboleedka GalMudug oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee GalMudug mudane Cabdul Jaamac Dhaars, guddoomiye ku xigeenka guddiga garsoor GalMudug Sh.. Cali-afyare, Taliyaha ciidammada GalMudug G/Sare C/llaahi Cambarre, Taliyaha dugsiga Tabo-barka ciidammada GalMudug G/Sare C/Laahi-Cirro iyo taliyaha Saldhigga GalMudug ee magaalada Gaalkacyo Gaashaanle Muxyaddiin Max'ed Faare (Daan-yare Shuuke).
Waxaa kale oo ka mid ahaa ka-qayb-galayaashii xafladdaas shakhsiyaad magac ku leh bulshada dhexdeeda. waxaana ka mid ahaa guddoomiyaha guddiga Gurmadka Abaaraha GalMudug Prof. Cumar-suuri, Ganacasade Cali Tooyo, Raage Xaaji Dhoorre, Eng. C/Kariim Ducaale Geelle,Maryan Naalleeye, Caasho-Yarey iyo masuuliyiin kele oo ka kala tirsan ururrrada bulshada rayidka ah ee GalMudug State.
Sidoo kale waxaa xafladdaas ka soo qayb-galay qaar ka tirsan saxaafadda gudaha iyo dibadda ee Soomaaliya. waxaana ka mid ahaa wariyaha caanka ah ee laanta af-Soomaaliga ee idaacadda BBC-da uga warrama GalMudug wariye Faarax Lammaane iyo agaasimaha idaacadda Codka Mudug wariye Cilmi Kulan Geeddi iyo wariyayaal kale.

nabadda1@hotmail.com
+25290751239
Calideeq Max'ed Xaashi.
Gaalkacyo, GalMudug, Soomaaliya.